Soomaalida Kenya kudhaqan oo waagu kubaryay:

November 10, 2011 - Written by

Copenhagen, Jimce,11.11.2011 Faallo kooban oo ku soo baxday wargeyska Daily Nation, kana soo baxa wadanka Kenya oo halku-dheggeedu ahaa  “Xanuunka ay leedahay ahaanshaha Soomaali-Keenyaan” ayaa lagusoo bandhigay shabakadda wararka ee Links . Qoraalkan ayaa farta kumudayay meel taabashadeedu dhibayso dad badan oo Soomaali ah iyo kuwo aan soomaaliba ahayn. Qoraalku waxaa soo bandhigayaa dhibaatada guud ee soo foodsaartay jiritaanka guud iyo astaanta dirsooc ee soomaalida ku dhaqan dhulka Kenya loo yaqaan.
Qoraagu sida lagala dhexbaxayo weedhahiisa waxaa cad inuu yahay muwaadin u dhashay dhulka Kenya, laakiin asalkiisu yahay Soomaali. Waxuu si tawaawac ku jiro u taxayaa dibin-daabyadii dadka ku abtirsada magaca Soomaaliga ka soo gaadhay talisyadii Kenya, isagoo si gaar ah ugu fogaaday waxay ummadda soomaali sheegataa badeen ciidankii Kenya sanadahii 70-meeyadii iyo 80-meeyadii. Si
mahadho leh ayuu u goconayaa wixii ka dhacay Wagalla, Bulla Karatasi iwm. Laabtiisa ayaa higanaysa xanuun fogaaday oo ay adagtahay in laga saaro si walba oo yaasiinka loogu gunaanado.

Baqo-u-joogga iyo dareenka xasilooni-xumo ee kubaahay soomaalida ku nool Kenya ayuusan dabool saarin. Dadka kii wax haystaa (dhaqaale) waxuu diyaariyaa maalin walba jidkii & jihadii uu marilahaa iyo meeshii uu u qaxilahaa kolkay fiinta iyo galowgu isla yeedhaan. Caruureyduna shandadaha ayaa u ningaxan, dhagtuna waa u taagantahay. Maxaa lagasoo sheegay meel hebla iyo maanta
askartii maxay yeeshay waa hadal-haynta ugu badan ee ummaddu isweydaarsataa.

Af xumada iyo haydaarta joogtada ah ee Keenyaatiga dhabta ahi kuhayo soomaalida waa qayb kamid ah nolol maalmeedkooda. Qoraaga ayaa si cad u tilmaamaya xitaa inaysan kabaxsanaynin kuwii jaamacadaha dhiganayay ee la is odhanayey waxay leeyihiin aqoon ay ku kala soocaan dhabta iyo dhalanteedka.

Laba tusaale oo argagax leh ayuu qoraagu labarbardhigay waxa maanta lagu hayo Soomaalida Kenya kunool. Labadaas tusaale ayaa kala ah wixii Madaxweynihii Uganda ee Iida Amin kula kacay dadkii kasoo jeeday aasiya xilligiisii iyo webedar-ullayntii qabiilada Tutsiga ee wadankaas Ruwaada. Daan-daansiga maanta lagu hayaa Soomaalida Kenya ayaa lamid ah kii lagu bilaabat Tutsiga Ruwaada,
kaas oo cidhibtiisii danbe noqotay mid aanan lamahadin.

Qoraaga ayay kamuuqataa inuu quuddaraynayo in Keenyaatiga dhabta ahi arrinta ka eegaan dhinac kale, isagoo isku dayaya inuu ku ilxaaxiyo maalgashiga, dhaqaalaha iyo hantida sooomaaliyeed ee buux-dhaafisay xaafadaha Nairobi. Waxuu ku beer-laxawsanayaa in dhibaatada kajirta Soomaaliya daraadeed ay Kenya u joogaan ee aysan dano kale wadanin. Intaas wax lamid ah ayuu qoraagu
hinbiriirsi hadlayaa. Intaas haddii aan kaga hadho faalada qoraagaasi kusoo bandhigay welwelka iyo mugdiga hadheeyay jiritaankiisa dad ahaaneed, bal aan eegno waxa maanta kadhalankara dhibaatadaas haysata Soomaalida Kenya. Waxaan ukala saari laba hoorsi inay yeelankarto dhibaatadaasi.

Midda koowaad waa in ableyda laga aslaa Soomaalida Kenya iyadoo weliba maanta aysan jirin dawlad soomaaliyeed oo looga haybeysto, sidaana lagu gumeeyo, hantidooda si qumman loo dhacaa, gabdhahoodda si badheedh loo gurtaa, gayigana ka irdhoobaan. Sawirkan waxaa madaxa kuhaysta dad badan waxayna mar walba sugayaan bilowga ciyaarta. Waayo kolkii hore Keenyaatiga dhabta ahi wixii
soomaali leedahay mood iyo noolba ee ay daleedda kahelaan ama baylah ku arkaan bisinka uma qabnaynin, taas oo laraaciyo dawladda iyo hay’adaheeda amaanka oo jideeya xasuuqa Soomaalina waxay bir xalaal ah u marinaysaa macasha Soomaali haaweydaas
awalba midha-midhaysanaysay ummadda. Sawirkan ayaa soomaalida kenya tusaya sida uu waagu ugu baryay iyagoo kala baahsan. Waa sawir aan muuqaal wanaagsan lahayn.

Intaas waxaa weheliya maanta oo uu kici ogyahay dareenka dadweyne kolka loo tilmaamayo nacabkooda. Waatan meelaha qaarkood lagasoo werinayo in xitaa  dhallaanka Keenyaatiga saxda ahi ku hadaaqaan Soomaali dil dambi-dhaaf ayaad heliye. Midda labaad ayaa ah inaan balaayo-sheeg keliya noqonine, dhacdooyinkaas guud ahaan geeska afrika kadhacaya ma noqonkaraan kuwo raafkoodu ciidda kasoo saaro furihii lumay ee Soomaalinimada. Ma dhicikartaa in soomaalidu iswaansato oo ay ogaato meel walba oo ay joogtaa inay soomaali tahay. Arrinkan ayaa ah mid saansaankiisu hadda muuqan kolka laga qiyaas-qaato qoyska soomaali layidhaah ee
maanta jooga. Tii Allese waa halkeeda.

Guntii iyo gabagabadii maxaa lagudboon Soomaalida Keenya degan anigoon ukala qaadaynin mid horey u deganaa iyo mid kusoo qaxay ? waxaa marag-madoonto ah inuu butaacidoono maalin uun hadhuubkan cadhada iyo nacaybkuba milaalanyihiin. Maalintaasi ninkii moogaanaa oo dhan in murjinka Keenyaatigu xuli ninna isweydiin maayo, sidaa awgeed soomaalidu waxay tidhaah ”Bakayle intuu bur
kujiruu bur kale daydaydaa” inta maanta aad haysataan fursad aad talo iyo teelo isugu kenikartaan waxaa haboon inaad wax isla ogaataan. Rag inuu wax isku ogaado aan baqanaba ha ahaatee waa wax la arkay. Waa aragti wanaagsan in xilligan lajoogo soomaalidu dooh tidhaahdo dhaankeedan ku fogaaday caloosha Kenya iyo wixii kasii shisheeyaba. Waa caymo xitaa haddii ay dhabarka soo
xajistaan dhulweynahii Soomaaliyeed oo kolkii habarwacashadu gaadho ay ciidan geedan ah iyo gargaar walaaltinimo kahelikaraan.

Kol qudha eeg Soomaalida ku faaftay koonfurta afrika, maanta haddii ay helikarilahaayeen inay cidla ciirsi la’da haysataa meel uun uga dhaqaaqi lahaayeen kamaysan labeeyeen, waxayse maanta meel bahgooyo ah  laba-dible ugu xidhan yihiin good iyo abees
gacalnimo iyo garasho midna kudaynaynin.

Xageyga anigoo xanuunkaasi ii weheliyaan kuwo kale waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ummadda Soomaaliyeed meel walba haku hoydaane balaayada ka xijaabo..

 

WT

C.H. Xirsi

 

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asa;aamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
    Waa hadal nin weyn iyo howraar ku qotanta dareen wadaninimo. Qoraaga waxaan leeyahay: afkaada caano lagu qabay, fartana Allaha kaama gooyo.
    Qadiyadda uu farta ku fiiqayna waxaan ka leeyahay:
    Allaahuma salim-salim.
    Shargudban, shaydaana xijaaban.
    Xanbali

  2. السلام عليكم ورحمة الله
    qoraaga maqaalkan qoray wuxuu ka hadlay arin dhab ah waana ku mahadsanyahay, hooraa loo yiri nimaan tasoosocota garan tataagan kamatalin karo , waxaan usoo jeedinayaa inuu magiciisa & cinwaankiisa muujiyo si dadaka la dareenka ah ay arinta uu ka hadlay isu waydaarsadaan xalkeeda lama quustee

Leave a comment

*