Wafdi Isimo ah oo caawa gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal

November 12, 2011 - Written by

Garoowe:-Wafdi Isimo ah oo  uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle  ayaa waxaa ay caawa gaareen magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland,wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah ilaa 16 Isimo ah oo loo xilsaaray xal u hellida dhibaatadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Socdaalka Isimadaan ayaa waxaa ay gogol xaar u tahay  in la soo afjaro colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo intii badnayd laga gaaray hishiis balse loo balan sanaa in ducada iyo soo gunaanadka colaad ay ka dhacdo magaalada Garoowe
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa waxaa uu ka mid yahay Isimada waaweyn ee sida weyn looga tixgeliyo Gobollada Puntlland.

Wafdiga Isimada ah ayaa waxaa ay kulamo kale gedisan ay la qaadan doonaa Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo masuuliyiin ka tirsan dowllada Puntlland iyadoo kulamada la filayo in diirada lagu saaro xaalada amaanka ee  gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,769 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>