Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Puntlland oo u dhoofay Muqdisho

November 25, 2011 - Written by

Garoowe:- Waxaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe Wafdi balaaran oo iskugu jira wasiiro ,Isimo iyo Xilibaano ka tirsan Golaha wakiilada ee dowllada Puntlland. Wafdiga maanta u dhoofay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka waxbarashada ee dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa, Wafdigaan oo ka kooban ilaa 11 xubnooda ayaa waxaa uu ka qayb geli doonaa shir looga doodi doono Roadmap-ka kaas oo la filayo in uu furmo maalinra beri ah oo taariikhdu tahay 26/11/2011.

Wafdigaan uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada ee dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda howlaha guud  Cabdishakuur Mire Aadan ,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid,Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.

Wasiirka waxbara shada ee dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa oo la hadlay saxaafada ayaa  sheegay in safarka ay ku tegayaan magaalada Muqdisho ay u jeedadiisu ay tahay in ay ka qaýb galaan shir lagu lafagurayo Roadmap-ka iyadoo sidoo kale wasiirku uu sheegay in ay jiri doonaa shirar kale oo looga hadli doono shirka wadatashiga ah ee la filayo in qaybtiisa 2aad uu ka dhici doono magaaalada Garoowe.

Wasiirka waxbarashada ee dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxaa  ayaa xusay in shirka looga hadlayo Roadmap-ka ay ka soo qayb geli doonaa  bulshada rayidka ,Wufuud ka socda beesha caalamka iyo weliba  Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Dr Mahiga, shirkaan ayaa waxaa uu socon doonaa  ilaa saddex maalmood.

M_M_Deeq
Halgan.net 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online