Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray caawa Markazka daarul xadiis ee Damaaj
November 16, 2011 - Written by
Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Sacda gaar ahaan Markazka Daarul xadiis ee Damaaj ayaa sheegaya in galabta ay yimaadeen Markazka Daarul Xadiis Gudoomiyaha Degmada Sacda Faaris Manaac oo ay weheliyaan Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Qabiilka Waadic oo uu ka soo jeeday alaha u naxariistee Muxadis Caalinka ah Sh Muqbil Bin Haadi Al-Waadici.
Gudoomiyaha Degmada Sacda iyo Odayaashii la socday ayaa u yimid Markazka Damaaj wadahadal ay sheegeen iyo heshiis ay dalbadeen kooxda raafidada ah ee Xuutiyiinta waxayana codsadeen in buurta Al-Baraaqa oo ay difaac uga jiraan ardayda daarul Xadiis lagu wareejiyo xili ay socdeen wadahadalada ayaa waxaa weerar soo qaaday xuutiyiinta waxaan uu dhaawac culus ka soo gaaray walaalka إسماعيل اليامي العدني .Qabiilka Waadica ayaa diiday in ay difaacyada ay baneeyaan ardayda daarul xadiis.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa waxaa dhaqan iyo caado u ah Been iyo balan ka bax waxaana uu taargadkooda uu yahay in ay burburiyaan kana hortagaan dacwada iyo cilmiga uu ardayda barayo Sh Yaxya Al-Xajuuri xafidahulaah.
Magaalada Sacda ayaa waxaa dib ugu soo ceshay Kooxda Xuutiyiinta Jen Cali Muxsin oo haatan horjooge u ah kooxda kacdoonka kaga soo horjeeda Madaxweynaha dowlada Yemen Cali Cabdala Saalax .
Halgan.net ayaa caawa khadka Tel kula xiriirtay mid ka mid ah ardayda Markazka Daarul xadiis waxaana uu siiyey warbixinta kor ku xusan .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

