Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray Markazkii Daarul Xadiis ee Damaaj (Dhageyso)

November 20, 2011 - Written by

Yemen:-Wararka ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Sacda gaar ahaan Markaskii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul xadiis  ee Damaaj ayaa sheegaya in ay fashilmeen waanwaantii ay wadeen waxgarad iyo cuqaal ka soo jeeda qabaa,ilka خولان بن عامر وهمدان بن زيد waxaaan socdaalkooda ku weheliyey gudoomiyaha magaalada Sacda فارس مناع .

Kooxda xuutiyiinta ee Raafidada ayaa dalbaday in lagu soo wareejiyo goobaha buuraha ay difaaca kaga jiraan ardayda Markazka ee Daaru Xadiis gaar ahaan جبل البرَّاقة waxaana gaashaanka ku dhuftay Qabiilka Waadica iyo Sheekh Yaxya Xajuuri Xafidahulaah.

Halgan.net oo caawa xiriir la sameysay arday ku sugan Markazka ayaa sheegaya in xaalada ay ka sii dareyso kooxda xuutiyiinta ay qorsheynayaan in ay duulaan dhiigbadan uu ku daato ay ku soo qaadaan Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj waxaa sidoo kale Markazka ku sugan Caruur iyo waayeel qaarkood ay qabaan cudurka Sokorta.

Hoos ka Dhagayso Shiikh Yaxye Xaajuuri oo ka Hadlaya Xaaladii ugu danbaysay ee Markazka Daarul Xadiis

[Audio:https://www.halgan.net/Mp3/3-bian_baghi_hothiin.mp3]

Sheekh Yaxya Xajuuri ayaa caawa si qoto dheer uga hadlay makriga iyo xaalka ugu danbeeyey ee Markazka Daarul Xadiis wuxuuna sheegay in aysan marna aysan wareejin doonin goobaha ay ku sugan yihiin.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. wararkii ugu danbeeyey saak ilaa caawo waxa shahiiday 12 vwalaal salafiyiinta waxaana ka dhintay xusyiinta 21 raafidi alaha u gargaaro ahlu sunaha iyo Sheekh Yaxye Al-Xajuuri

  2. Asalaamu caleykum,
    Allaah hanooga gargaaro xuuityiinta iyo makrigood asagaan awood leh.

  3. Asalamucalaykum ikhwani
    Allah waxan ka baryaynaa in sharkooda uu ka badbaadiyo umadda muslimka ah Amiin.Walaalayaal warbixinta soo gudbiya markasta jzk.
    Sheekha Alxajuuri khayr Allah ha siiyo ha ugu yeedho muslimiinta inay difaacaan markazka iyo caailadaha muminiinta ah cirdigooda iyo dhiigooda wa jzk.

  4. ILLAAHAY HAXIFDIYO MARKAZKA WALALAHA ARINTUNA MAAHAN WAX KU KOOBAN XUUTIYIINTA WAXAAKADANBEEYA WAA DAWLADA MAJUUZIYADA EE IRAN INSHA ALAAHNA WAALAGA GUULAYSANAA DULMIGAA DADKAA DUCAADAA OO AAMINIINTAA LAGUSOOQAADAY

  5. salaamu calaykum
    ilahow xifdi una gargaar Sh Yaxye Xajuuri iyo ardayda ahlu suna ee ku sugan Damaaj kana xifdi sharta xuutiyiinta
    نسأل الله تعالى ان يحفظ الشيخ يحيى الحجوري وجميع أهل السنة في أرض دمّاج

Leave a comment

*