Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray Markazkii Daarul Xadiis ee Damaaj

November 27, 2011 - Written by

Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Markazkii Daarul xadiis ee damaaj ayaa sheegaya in ilaa haatan dhimashada ardayda Markazka Daarul Xadiis uu gaaray ilaa haatan 26 halka dhaawaca uu sii cagacageynayo ilaa 60 kale .

Mar ay Halgan.net la xiriirka Markazka Daarul xadiis ayaa waxaa ay noo sheegeen in xaalada ay haatan degan tahay difaacyada walaalaha ay aad u adkeysteen .Kooxda xuutiyiinta ayaa doonaya in ay la wareegaan Buurta Buraaq oo ah buur Istiraatiiji ah oo laga xakameyn karo Degmada Damaaj iyo goobaha ay degan yihiin Qabiilka Waadica oo uu ka dhashay Sheekh Al-Muxadis Muqbil Bin Hadi Al-Wadici Raximahulaah .

Wararka ugu danbeeyey ee saaka naga soo gaaraya magaalada Sacda gaar ahaan Markaskii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul xadiis  ee Damaaj ayaa sheegaya in ay fashilmeen waanwaantii ay wadeen waxgarad iyo cuqaal ka soo jeeda qabaa,ilka خولان بن عامر وهمدان بن زيد waxaaan socdaalkooda ku weheliyey gudoomiyaha magaalada Sacda فارس مناع .

C/casiis Maxamed
Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. asalaamu calaykum allah ayaa unusraynaya ehlu suna ahlu xaqa ah illahay hajabiyo cidkasta oo maxadka weer ku haysa soo jawaaba wixii soomaliya waan iniga fadhinaa wixii soo biira allah ha idi nusreeyo

  2. assalaamu claykum shiikha iyo ardadiisu waa isdifaaceen sifiicana waa isaga dhacsheen raafidadii caayijirtay asaxaabta nabiga tankale jihaadku mar haduu dafci yahay wax shardiya culumadu kuma xirin unoqo kutubtooda walal tan xigta walaaleheen reer damaaj ninkii arkay baa yaqaan waa saabiriin lagu bartay barashada diinta iyo unusraynteeda allena dayici mayee haloo duceeyo wassalaaaaaaam

  3. dhamaan walaalaha muslimiinta meel walba oo ay joogaan walaalahaa suniyiinta ah ee damaaj lagu haysto wixii aan awoodno yeynaan ka hagran ninkii tegi kara kii qalab iyo xoola gaadhsiin akra intaa kaan awoodin ducada walaalah ha loo badiyo, wixii yaraa ee naga dhexeeyeyna meesha ha laga saaro oo qolo iyo xisbi yaan la isu daawan, waa dagaal caalamiya oo duulaana, suanda iyo caaqiiadada saxeexa ah baana la siku haystaa, aan iska hilmaano selefi, jihadi, jadiid iyo ikhwaan iwm taas waa marka dhexeean ay tahay hada asalkii baa la sigu yimi maanta ninkii iimaan leh waa inuu fiiriyaa cadaawada fog, wax yar e emuslimiinta suniyiinta ka dhexeeya aan iska hilmaano hadeynaan hilmamai karina yeysan naga mashquulin cadwga weyn ee shiico ugu horeyso ugun adhowdahay iyo yuhuud iyo nasaaro iyo cilmamaniyiinba.walaalayaaloow tobadkeen iyo cibaado iyo ilaah ku xidhnan baan guul ku heli karnaa , qofwalbaa naftiisa ha hagaajiyo hana ku mashquulo markas ducadeena waa la aqbali xogeena ilaah wuu barakayna, walaalhaan yeynana waxaan awoodno ka hagran.wsc

  4. Asww. Shaikha iyo ardaydisa waxan leenahay isdifaca insha allah. Ilaheyna talasarta. Muslimeenta kale oo jihadeysana jihadkooda ha kutilmamina fitno iyo shaydanimo. Maxa yeelay hadad aragten in la isdifaco in ey tahay jihad.

  5. AS/W/W:
    walaalaha ilaah ha badbaadiyo isagaa ku filane, munaafaq iyo gaal wexey heshiis ogolaadaan markii ay arkaan in laga tabar roonyahay si kale uma qaataan heshii. ayaamahana gaalo soo dhigatay, muslimiina ubixii jihaadka ayaa u dilaacay.
    Afareeydaanina waa guubaabo jihaad.

    Mar hadii damaaj weerar galoo cadow duqeeynaayo
    Daarul xadiiskii hadii maanta lagu duuley
    Walaaloow idaadii haday diidey raafidadu
    Dulaabtii iyo culumadii hadii dhiiga laga daadshey
    Dabcan waa jihad ceyniyoo diriri waa koowe
    Dabka qaata salafiya jadiid hays duleeynina e
    Ama daalim raafida ka baqoo siiya dumarkiina

  6. sc jihaadku axkaam buu leeyahay shiikh quri kuma dhawaqi karo waa in iimaam la helo sowtay saa shuyuukhdu nagu oran jireen miyey isbedelen

  7. SCW..

    Walaalayaal haddii walaalaha markazka ay xuuthiyuuntu u xoog sheegtaan, maxaa kala gudboon muslimiinta kale ee Somaliya iyo meelaha kale ku nool?

  8. TO Ahmed hadii aad xukunka daaquudka mutahaaliga ahoo gabalkii dhacay wax laga sugo waa qarow iyo waxaan waaqic ahayn qabaaishu waa inay najaasadaan hororka ah iska yureeyaan xuuthiyiintaaba khawaarij ah oo khatarku ah umada muslinka yaman hadii shiikh yaxye uu jihad ku dhawaqay warba mayaalo isagoo lagu tuhmayay inuu jihaad nuucaasaba diidan yahay marka hadii markazka looga cararo raafidada qamamaya umalaynmaayo inay ku ekaanayan qabsashada markazka waxay rabaan khayrka ka socday meesha inay yemen ka tirtiraan

  9. oo kaalaya kuwa maamulka sheegan jiray mawaysan ciidan haysan? waa arin mudan inaan loo kala harin war kakacooy walaahi haday Markizkaan Xuutiintu qabsadaan ilaahay m aqadaree waa caar iyo jab dhamaanba ku dhacay dadka u nisbo sheegta sunniga amaba salafka maanta jadiidiya iyo xarakiya jihaadiya ma taalo waxay taagan tahay wixii dhiig lahow ka kacaay

  10. s/c ardaydu meesha hayskaga tagaan wadanka dowlad baa ka jirta iyada wax ka qabanay cida xad gudubta camalka khawaarijta halayska ilaalito

Leave a comment

*