Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray Qaafiladii ku socotay Markaska Daarul Xadiis

November 13, 2011 - Written by

Yemen:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray gurmad ku socday Markii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul Xadiis ee magaalada Damaaj ayaa sheegaya in qaafilada ay saaka ku hakatay  deegaanka Waail ka dib markii ay kooxda Raafidada ee Xuutiyiinta ay jidgooyooyin dhigteen inta u dhexeysa Mandhiqada Cashaash iyo Damaaj.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ka dalbaday wadahadal Qabaailka waa,il iyo masuuliinta iyo isimada gurmadka u wada Markaska Daarul Xadiis ee Damaaj balse waxaan la aqoon in ay hirgali doonaan wadahadalka ay dalbadeen Xuutiyiinta.

Dhanka kale waxaa isla maanta uu iska horimaad uu dhexmaray walaalaha ku sugan Damaaj iyo kooxda raafidada ee xuutiyiinta waxaana iska horimaadka uu sababay dhaawac soo gaaray labo ka mid ah ardaydii Markazka Daarul Xadiis waalow uu dhaawacu yahay mid fudud.

Wararkii ugu danbeeyey ee galabta naga soo gaaray Damaaj ayaa sheegaya in qaafida ay birito ka dhaqaaqi doonto deegaanka waa.il wixii warar ah ee naga soo gaara Markaskii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul Xadiis waan idiin soo gudbin doonaa hadii alle idmo.

Alaha xifdiyo Sheekh Yaxya AL-Xajuuri iyo dhamaan ardayda ku sugan Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj Aaaaaaamiin

C/CasiisMaxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. asc mulimiinta dhamaan waligood islaamku wuu lahaa cadow waana kii oo kale ban oran lahaa ee alaah haka sarfiyo shartooda daarul xadiith hana lasabro dacwadu waysoconaysaah in shaa alaah

  2. ilaah waan uga baryeynaa in uu ka badbaadiyo xuutuyiinta markiska dad faro badanayaa wax ka barata oo isugu jirta ajanib iyo caraba AMIIN AAMIIN

Leave a comment

*