Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray saaka Markaska Daarul Xadiis

November 15, 2011 - Written by

Yemen:-Wararka ugu danbeeyey ee saaka ilaa xalay naga soo gaaraya magaalada Sacda gaar ahaan Markaskii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul xadiis  ayaa sheegaya in kooxda xuutiyiinta ay ilaa shalay weerar toogasho ah ku hayaan Markazka waxaana toogashada ku dhaawacmay ilaa haatan mid ka mid ah ardayda Markazka oo u dhashay dalka ingiriiska oo lagu magacaabo عبدالحكيم البريطاني

Walaalka dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxay xabad kaga dhacaday caloosha ilaahay fadligiis dhaawaciisa ma ah mid culus .Xaalada Markaska ayaan waxaa ay Halgan.net ka xogwareystay mid ka mid ah ardayda Markazka waxaana ka muuqday niyad sare iyo dulqaad xeel dheer kaas oo lagu yaqaan Ahlu xadiiska wakhtiga fitanta .

Sidoo kale Halgan.net ayaa saaka khadka Telfanka kula xiriirtay mid ka mid ah Culumada Markazka kaas oo ka soo jeeda dalka Soomaalia wuxuuna u sheegay in xaalada Markazka ay ka sii dareyso gaar ahaan caruurta iyo haweenka ku jira Markazka.

War hada ay na soo gaarsiiyeen walaalaha ku sugan Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj ayaa sheegaya in walaal kale oo ka tirsan Qabiilka Waadica uu ku dhaawacmay rasaas ay soo rideen xuutiyiinta waxaana magaciisa ay noogu sheegeen  ابراهيم عبدالله ناجي الوادعي  dhaawaciisa ayaa ah mid sahlan Eebe weyne fadligiis.

Sh Yaxya Xajuuri Xafidahulaah oo haatan gacanta ku haya Markaska ayaa xalay si qoto dheer uga hadlay xaalada Markazka iyo dulmiga kooxda xuutiyiinta .

Halkan ka dhageyso Sh Yaxya Xajuuri oo ka hadlaya xaalada Markaska Daarul Xadiis ee Damaaj.

Dhanka kale Qaafiladii gurmadka ahayd ee ku soctay Markazka ayaa ku hakatay deeganka Waa,il ka dib markii ay jidgooyooyin ay dhigteen kooxda xuutiyiinta inta u dhaxeysa Sacda iyo Waa,il gaar ahaan mandhiqada Cashaash .

Ilaa hataan waxaa aad loola yaaban yahay beenta ay shubi jireen hay,daha sheegtay xuquuqul insaanka iyo kuwa la shaqeeya oo aan ilaa haatan ka hadal go,doominta Markaska Daarul Xadiis .

Dhanka kale Qabiilka Xaashid ayaa go,doomiyey dhamaan Deegaanada ay degan yihiin xuutiyiinta isaga oo u nusreynaya Markaska Daarul Xadiis iyo Ahlu Sunaha ay ku soo duuleen kooxda raafidaha ee xuutiyiinta sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa dalka Yemen.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. asc jazaakumulaahi khayr bahda halgan.net ilaahay haw gargaaro walaaleheen fii damaaj ilaahay ha jebiyo rawaafida ku soo duushay aamiim aamiin

  2. asalaamu caleykom waraxmatullaahi wabaraakaatuhu waxan u duceenayaa dhamaan walaalahey reer damaaj uu u weyn yahay sheekh yaxya al xajuuri xafidahullaahu in ilaahey uu ka dul qaado dhibta heesata
    aaaamiin

  3. asc. inshalaah nasriga ilaahay wuu soo dhawyahay, balse waxaa lagama maarmaan ah, in mumniinta la imtixaano ,ilaahay hanaga dhigo kuwa ku guulaysata.
    inshalaah walaalahayn ilaahay wuu u gargaarayaa, sababtoo ah allaah wuxuu kitaabkiisa ku leeyahay waxaa dhab ah inaan u gargaarayno muminiinta.

  4. Asallaamu Calaykum

    Alaah ayaa mahad u sugnaatay Alihii balan qaaday in uu illaalinaayo diinta iyo ehelkeeda balse waxaan Ale uga baryin in uu jebiyo daalimiinta ku soo xad gudbay markiska iyo muslimiinta cilmiga dalbaaya waxaana oran karaa markiskaan waa maraakista faro ku tiriska ah ee si sax ah looga barto shareecada isllaamka Allaah ha kor yeelo umada isllaamka ah ah gaar ahaan somaalida waxaan ka codsan lahaa in aan walaalheen u ducayno lana wadaagno xaalada ay ku sugan yihiin kana war hayno.

  5. asalaamu caleykum

    Waxaan ilaah ka baryayaa in uu walaalaha ka xafido shiicada sharkeeda oo uu ka badbaadiyo dhamaan culimo arday caruur iyo xaasas intaba.

  6. walaal marka hore waxaan u mahad celinayaa weybka halgan oo sida fiican nooga war bixiyay markazka damaaj ee ku sugan yhiin culimada iyo ardayda
    mida labaad waxaan ka codanayaa cid walba oo u nisbo sheegato sunada iyo u gargaarto markazka unana duceesoyso ilaah ka dulqaado shiicada raafidada ah
    ahlusunaha sanca jooga waxaa kala soo xariiri kartaan emailaan(musmaar@hotmail.com

  7. Asallaamu Alaykum

    Illaahay waxaanu ubaryeenaa waalaalaheen culimo iyo dhalabatul cilmi inuu badbaadsho dulmigana kadulqaadho.

    qofkasto oo Muslim dhibaataysan inuu dhibaatadha kadulqaado.

  8. salaamu calaykum

    ilaahow u gargaar ardayda iyo culumada markazka Daarul xadiis adaa awod leh kana badbaadi sharta raafida duliga ah aamiin .Halgan.net aad baad u mahadsan tihiin ihtimaamka aad siiseen walaalaha Damaaj

Leave a comment

*