Wariye ka tirsan Tv-ga Somali Channel oo lagu xiray magaalada Garoowe

November 15, 2011 - Written by

Garoowe:-Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ayaa xalay shaqdii dhexe waxaa ay kala baxeen guri giisa Wariye Mahad  Cabdi Cali oo ahaa wariye u shaqaynayey  Tv-Somali Channel , Wariye Mahad Cabdi ayaa lagu xiray Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe Xariga Wariye Mahad ayaa ku soo beegmay ka dib markii maalmo ka hor ay dowllada Puntlland ay digniin u jeediyeen wariyaasha ka shaqeeya Tv- Somali Channel iyo Universal Tv oo xaruntoodu tahay magaalada London.

Ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan wasaarada warfaafinta dowllada Puntlland oo ka hadlay xariga wariye Mahad Cabdi oo xalay loo taxaabay Xabsiga ku yaal magaalada Garoowe, Warar hoose ayaa sheegay in ciidanka booliska Puntlland ay ku raad joogaan wariyaal u shaqeeya Tv-Somali Channel ka dib markii uu soo shaac baxay war xalay ka baxay Tv-ga Somali Channel oo wariye ka tirsan Tv-ga Somali Channel uu tabiyey.

Dowllada Puntlland ayaa shaqadii maalmo ka hor waxaa ay ka joojisay Tv-Channel iyo Tv- universal oo ka howl geli jiray degaanada ay maamulaan Puntlland, wasaarada warwaafinta Puntlland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in wax shaqo ah oo ku saabsan saxaafadeeda aysan qaban karin degaanada Puntlland Tv-yada Channel iyo Tv. Universal Tv.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online