Abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti,Jen. Zakariye Sh Ibraahim oo soo gaaray Muqdisho

December 17, 2011 - Written by

Muqdisho:-Wafdi uu horkacayo abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh  Ibraahim iyo wafdi la socda ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda DFKM oo uu u horeeyo madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM .

Abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh  Ibraahim ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirasn ciidamada
dalka Jabuuti,waxaana ay u kuur gali doonaan halka la dajin doono ciidamada dalka Jabuuti ee iman doona magaalada Muqdisho.

Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan Abaanduulaha ciidanka DFKM ayaa saxaafada  la hadlay ayaa xaqiijiyey in wafdi uu horkacyo abaanduulaha ciidamada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh  Ibraahim uu soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ugu gogolxaaro ciidamada Jabuuti ee iman doona Soomaaliya isbuuca soo socda.

Dowlladda Jabuuti ayaa waxaa ay usbuucii hore ay sheegeen in ciidamo ka socda dalkooda ay ku soo biiri doonaa ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in tirada  ciidanka  Jabuuti ee imaan doona magaalada Muqdisho in ay gaarayaan ilaa 850 askari.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay saxaafada ku hadasha afka ururka Al-shabaab ayaa uga digay in dowllada Jabuuti in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya haddii ay u soo diraan ciidamo ay dagaalka ay kula jiraa ciidanka AMISOM ay ku soo biiri doonaa.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online