Al-shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday ciidanka AMISOM

December 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus oo qorsheysan ku qaaday ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM oo ku sugnaa degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir,dagaalka ayaa ahaa mid culus oo socday in mudo ah. Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir Macalin Cabdulle ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay xalay mireen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM wuxuuna inkiraad ku jiiday in ay soo gaareen wax khasaaro ah.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ay iska caabiyeen ciidamada Al-Shabaab ee weeararka ku qaaday xalay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM. Afhayeenka ciidanka howlgalada ee Al-Shabaab Sh.Cabdul Casiis (Abuu Muscab )ayaa isagana saaka ku qabtay  shir jaraa’id magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in weerarkii xalay ay qaadeen Al-shabaab ay khasaaro u geysteen ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Sheikh Cabdul Casiis (Abuu Muscab )ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada Muqdisho in ay ka fogaadaan xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM si aysan khasaaro u soo gaarin. Ilaa haatan si rasmi ah looma khaasaraha soo gaaray labada dhinac balse waxaa la xaqiijiyey in ilaa 3 qof oo rayid ah saaka la geeyey isbitaalada magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online