Allow ka dhig dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan dilkii Siciid Ibnu Jubeer oo kale

December 13, 2011 - Written by
 Waxay mahad Idelkeed u sugnaatay Allaha Subxaanuhu , Nabadgelyo iyo Naxariis Nabiga Muxamed dushiisa ha ahaato
intaas ka dib , waxay ahayd maalin isniin ah 05/12/2011, ku beegan 09ka muxaram 1433, waxaan markaas un aan tukaday salaadii subax, waxaan aqrinaayay juz ii ahaa raatibo subaxa ka dib, waxaa soo dhacay telefoonkaygii waxa uu noqday qofka i soo wacay Shiikh. Mukhtaar oo macalim ka ah Jaamacada nNugaal qaybteeda shareecada ee magaalada laascaano.

Sheekh Mukhtaar waxaan ahayn isku fasal xilgii jaamacada, waxa uu mukhtaar ii sheegay in la dilay in yar ka hor Dr.axmed xaaji c/raxmaan waxa uu yiri( ma maqashay waxa dhacay? maya ayaan iri waxa uu yiri diktoorkii waa lagu tagay, waxaan iri diktoor kee waxauu yiri Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan).

inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaana uu igu yiri in yar ka hor ayuuna naf baxay, magaalada boosaaso.
intaa ka dib waxaa ii cadaatay in meesha uu ka baxay mid ka mid ah dadkii ugu muhimsanaa soomaalada ama xataa caalamka islaamka, waxaana markiiba dib u xusuustay kaalinka wayn ee diktoorka uu baneeyay soomali ahaan iyo caalamka islaamka iyo in la buuxin doono iyo in kale.

waxaan hadane aan is waydiiyay horta sheekha yaa dilay? waxaa markiiba ii soo hormartay tuhunka ugu wayn in uu yahay ururka shabaab iyo taageerayaashooda, oo aad loogu yaqaan dilka qarsoodiga ah(IQTIYAALKA) gaar ahaan dadka ay u arkaan in fikir ahaan ay ka soo horjeedaan ayaga, waxaa kaloo jirta in diktoorka uu ka mid yahay culimada waawayn ee sida cad uga soo horjeeday fikirka inxiraafiga ah ee shabaab meela badan ka cadeeyay si naseexo ah iyo sixid wadadii dacwada iyo saxwada.

waxaana uu diktoorka qabay digniino badan oo uga imaanaayay dhanka shabaab iyo taageerayaashooda, laakiin way dhici kartaa in jihooyin kale ay ka danbeeyeen dilka sheekha, waase tuhun aad u yar, oo tuhunka ugu wayn ugana cadaymaha badan waxa uu noqonayaa shaabab sidaan horay u sheegay.

waxaana markiiba aan ka fekeray sida ay u dayacanyihiin culimadii diintan u soo halgantay xambaarsana cilmgii sharciga ahaa iyo waayo aragnimadii ay soo mareen, ahna culimada waawayn ee soomaalida, waxaan ka fekeray sida ay u gaari karto dhagarqabayaashii dilay sheekh axmed ee aan kaa celinaynin diin iyo caqli, iyo ehelnimo, kala aqoonin ummada indhaheeda iyo dadka mudan in la dhowro mar kaste.

waxaa aad niyada  iigu dhisay hadal uu jeediyay DR BASHIIR AXMED SALAAD oo ah gudoomiyaha culimada soomaaliyeed iyo madaxa jamaacada ictisaam bil kitaab wasunah oo uu labadaba ka tirsanaa sheekhii la dilay, hadalkaas oo uu ka sheegay dr bashiir VOA waxa uu ahaa

(marnaba hadaan nahay anaga culimada joojin mayno in sida saxda ah ee aan wax u aragno in aan sheegno, mana ahan in ay na cabsi gelin karto dilalka iyo hanjabaadaha naloo soo jeedinaayo, waana aan sii wadaynaa naseexada iyo sixada khaladaadka aan aaragno waana waajib allah culimada saaray)

taas macnaheeda waxaa weeye in sheekh bashiir iyo dhamaan culimada kale ee soomaalida ay sii wadi doonaan in shaacabka badbaadadooda aduuun iyo aakhiro loo huro nafta,  oo dadka loo sheego waxa saxda ah ee maslaxadooda ku jirta sidaas oo ah sidii lagu yaqaanay culimada muslimka.

waxaa kaloo xusid mudan in sheekh bashir tuhunka ugu wayn ee uu qabo uu ayhay in sheekha ay dileen shabaab iyo taageerayaasooda, asagoo seekh bashiir sheegay in sheekha la dilay ay horay ugu hanjabeen shabaabka, ayadoo si guuud ahaana ay shabaabka ku tilmaameen culimada in ay jaasuusiin yihiin, iyo in ay gaalo raacyihin taas oo keenayso in culimada dhigooda la banaystay, sida uu yiri sheekh bashir.

waxa mudo saacado kadib markii la ii soo sheegay dilka sheekha ayaan allah ka baryay ( allow ka dhig dilka sheekh dr axmed xaaji c/raxmaan, sicid ibnu hubeer dilkisi oo kale) saciid ibnu jubeer allaha u naxaristee waxa u ahaa taabici ka mid taabiciintii saxaabada waxaana uu ahaa kuwa ugu horeeyay taabicinta uguna aqoonta badnaa, xaga fiqiga,xadiska,qiraa,aadka, tafsiirrka, waxaana uu ahaa ardaydi saxaabigi c/laahi ibnu cabaas allah ka raali noqdee, ee lagu naaneysi jiray waa ibnu cabaasee (caalimka umadan ) wxaana lawada ogyahay in nabiga nabadgalyo iyo naxaris dushiisa ha ahaatee si gaar ah u ugu duceeyay ibnu cabaas. waxay culimada qaar ay dhahaan siciid ibnu jubeer waxa u ahaa taabicinta axadkii ugu aqoonta badnaa, waxayba dhahaan oo kale in markii uu dilay xijaaj taabicigaasi uuu ahaa axadkii loogu baahi badnaa cilmigiisa dadka muliminta ah.

waxaa saciid ibbnu jubeer dilay xajaaj ibnuu yusuf sanadkii 90naad ee hijriga, waxana jirta in maalintaa la dilay sicid ibnuu juubeerr iyo xajaaj ay dhex martay dood markii danbe aad uu caan baxday, doodaa ka dib in yar ka hor inta aan la dilin saciid waxa uu allah ka baryay in xajaaj uuusan qof ka danbbeeya asaga uusan dilin, allahnna waa ka aqbalay, oo waxay culimada yiraahdaan xajaaj ibnuu yuuusf waxa uu meesha ka kacay asagoo ah sidii wax waalan, allahna waa ka aqbaly siciid ibnnu juubeer oo xajaaj qof kale ma dilin ka dib siciid, oo mudo yar ka dib waa uuu geeriyooday xajaaj. waxaa ka mid ahaa ragii dilka xajaaj ka dhuumanaayay xasanu al basri oo ahaa taabiciinta waawayn ee uugu aqoonta badnaa.

waxa uuu ahaa DR AXMED XAAJI C/RAXAMAAN. mid ka mid ah dadka indha u ah umada soomaaliyeed ee farakutiriska ah, ama xataa dadka ugu muhimsanaa caalamka islaamka. oo magac iyo maamuus wayn ayuu ku lahaa sheekha maxaa yeelay sida lawada ogyahay oo aniga ila tahay in aan la heli karin qof leh tilaamaihi uuu lahaa dr axmed xaaji c/raxamaan, hadii la helana waa fara kutir soomaalida gudaheeda.

waxa uuu ahaa   DR  AXMED XAAJI C/RAXAAMAN, caalim diInta islaamka ka qaatay ilaa darajada PHD oo waliba ah xadiiska.waxa uu ahaa bulshay shacabka kuu dhex jira oo aan marnaba dadka ka dhex bixin.waxa u ahaa macalin murabi ah oo soo saaro kawaadir ummada anfacda oo heer jaamacdeed ah.waxa uuu ahaa nin yaqaano dhaqanka ummada soomaaliyeed iyo suugaanta dadkana wax ku fahamsiiya. waxa uuu ahaa mufti u fadwooda dadka u baahan fadwada,
waxaa uu ahaa sheekh wax ka aqriya xalaqaadka cilimaga sharciga ah. waxa uu ahaa la taliya shirkado iyo mu,asasaad farabadan dhanka diinta. waxa uu ahaa nnin korsada caruuurtiisa dhaqaaleeyana qaraabadiisa iyo derskiisa.
waxa uu ahaa ugu danbbaystii caalim si fudud oo casri ah dadka uu fahamsiiya diinta, lagamana daalo duruuustiisa iyo muxaadaraadkiisa, kuwooda masaajidka iyo kuwooda jaamacadaba ilaa uuu asaga ka joojiyo.

ugu danbays waxaan oronayaa( ALLOW KA DHIG DILKII DR AXMED XAAJI C/RAXMAAN, SICIID IBNNU JUBEER DILKISII OO KALE) oo allow waxaan kaa baryeenaa in aad ku ridid kooxdii iyo dadkii soo abaabulay dilka sheekha musiibo wayn oo ummada ay la yaabto, sida aad xajaajba aad muusiibo degdeg ah ugu riday dilkii sicid ka dib.sidii ay kooxdaas dishay sheekha ay muusiibo wayn ugu rideen bulshada caalamaka, gaar ahaan bulshada muslimka ah, si gaar ah waliba dadka soomaaliyeed, maxaa yeelay dr axmed kama dhiman soomaalida ee caalamkoo dhan ayuu ka dhintay gaar ahaan dadka muslimka ah maxaa yeelay aad ayuu dadka oo dhan ugu baahnaa si gaar ah soomaalida ugu baahneed

dhimashada culimada waa musiibo maxaad moodaa hadiii la dilo waa muusiibo wayn oo umada ku habsatay

 QORE.  XASAN MAXAMED FAARAX

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ابو الليث الحدراوي
    تعزيتي للشيخ دكتور أحمد حاجي
    بسم الله الرحمن الرحيم
    }يـأيتها النفس المطمئنة ارجعي إلى ربك راضية مرضية فادخلي في عبادي وادخلي جنتي{ صدق الله العظيم
    بقلوب مؤمنة بقضاء الله وقدره تلقينا الفاجعة الأليمة بوفاة المغفور له بإذن الله تعالى الشيخ دكتور أحمد حاجي وبهذه المناسبة الأليمة نعزي أنفسنا ونعزي كلالصوماليين وخاصة أسرة أهل الشيخ راجين من المولى القدير أن يلهمنا ويلهمهم الصبر والسلوان وأن يتغمد الفقيد بواسع رحمته ويدخله فسيح جناته.وإنا لله وإنا إليه راجعون.
    بو الليث الحدراوي
    Abu-layth”hotmail.com

Leave a comment

*