Bayaan culumada ay ka soo saareen dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan(Akhriso)

December 7, 2011 - Written by

Boosaaso:-Nadwo diini ah oo xalay lagu qabatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa waxaa looga hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxamaan waxaana ay culumada si weyn u dhaleeceeyeen cida fulisay iyo kuwa diyaarshay jawigii lagu dilay Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan nuqul ka mid ah bayaanka  waxaana uu u qornaa sidan.

Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
Taariikh: 10/Mux/1433
Ku aadan:06/Dec/2011
Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed oo ahaa Caalim caan ka ah bulsha waynta Muslimka ah gaar ahaan Soomaalida ayaa waxaa loogu dilay magaalada Boosaaso si arxan darro ah asagoo salaadii subax ku soo tukaday masjidka Xasan binCaliisla markaasna soomanaa taasuucaa muxaram. 
Haddaba culimada oo aad uga naxay dilkaas gardarro ayaa ka soo saaray baaq ay ku cambaaraynayaan dilkaas baaqaas oo u qornaa sida soo socota:

Waxay Culimadu cambaaraynayaan dilka loo gaystay Sh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Max’ed kaas oo ahaa dulmi iyo gabood fal wayn.

Waxay Culimadu u iftiiminayaan bulshada soomaaliyeed in dilka Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan uu xiriir toos ah la leeyahay shirkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee loogu magac daray badbaadada xarakada Shabaab, kaas oo ay ka qayb galeen Sh.Xasan Daahir Uways, Sh. Jaamac C/salaam Warsame, Sh.C/llaahi Raabi Kaahin, iyo Sh.Xasan Max’ud Takar oo ahaa ninkii ugu hadal adkaa raggii halkaas ka hadlay sheegayna in Culimada Ictisaam ay mudanyihiin in umadda laga qabto maadaama Axmed Kayseba la dilay.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan guud ahaan bulshada soomaaliyeed in ay ka horyimaadaan dadka caadaystay dilka muslimiinta guud ahaan gaar ahaa dilka Culimada sida dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan.

Waxay Culimadu ugu baaqayaan umadda soomaaliyeed in ay garab istaagaan una gargaaraan Culimada wadda xaqa iyo maslaxadda Ummadda.

Waxay Culimadu uga tacsiyaynayaan guud ahaan ummadda gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii  dilkii Shiikh Axmed Xaaji C/raxmaan samir iyo iimaana kulligeen Allaah  ina ka siiyo.

Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan wuxuu ahaa la dagaallan cilmiga iyo xujada cad ee uu ku hubaysnaa, sidoo kale wuxuu ahaa dilkaasu indha ka ridid indhaha laga riday Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa ummadda Soomaaliyeed in ay ka qunuudaan masaajidda oo la habaaro kuwii dilay, kuwii ka dambeeyay iyo cid walba oo xog ogaal ka ahayd in shiikha la dilo ama ka talisay  si ay if iyo aakhiroba u hoogaan.

  • Waxaan Allaah uga baryaynaa Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan in uu ka waraabiyo Jannada Firdawsa Qabrigana u waasiciyo, degaankiisana wanaajiyo Eheladii, qaraabadii iyo umaddaba uu baddal khayr qaba siiyo.
  • Ugu danbayn waxaan Allaah ka baryaynaa in kuwii soo abaaulay dilka shiikha iyo kuwii fuliyayba in  adduun iyo aakhiraba  Allaah uu ku ceebeeyo, ciqaab degdeg ahna  uu ka muujiyo. 

Culimada saxiixay bayaanka. 

  1. Sh.C/qaadir Nuur Faarax
  2. Sh.Daahir Aw-Cabdi
  3. Sh.C/naasir Xaaji Axmed (Abu-Mux’ed)
  4. Sh.Axmed-daahir Xasan Xuseyn
  5. Sh.Xasan Xuseyn Axmed
  6. Sh.Max’ud Xaaji Yusuf
  7. Sh.Max’ed Macalim Axmed
  8. Sh.Axmed C/samad Cabdulle
  9. Sh.Xasan Max’ed Ibraahim (Abu-Xasaan)

10. Sh.Axmed Faarax Garaase

11. Sh.Yusuf C/casiis Max’ed

12. Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

13. Sh.Max’ed C/llaahi Xoosh

14. Dr.Max’ed Cabdi Aadan

15. Dr.C/qaadir Siciid Kawir

16. Dr.Jaamac Xaaji Warsame

17. Sh.Max’ed Jaamac Xaashi

18. Sh.Max’ud Faarax Bile

19. Sh.Dalmar Guureeye Kaarshe

20. Sh.Badar Xabiib X.Jaamac

21. Sh.Faarax Max’ed Cajab

22. Sh.C/raxmaan Aw-Ciise

23. Sh.Max’ed Max’ud Ciise

24. Sh.Max’ed Faahiye Ciise

25. Sh.Yaasiin C/llaahi Cali

26. Sh.C/raxmaan Max’ed C/llaahi

27. Sh.Axmed Cawaale Gaare

28. Sh.C/qaadir Yaasiin Max’ed

29. Sh. Cali Max’ed Cali

30. Sh.Axmed Yusuf Daad

31. Sh.Max’ed C/llahi Cabdulle

Hoos ka dhageyso Bayaanka Culumada

[audio:http://www.halgan.net/Mp3/fuad.mp3]

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online