Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso oo qabtay 10 qof una dhaadhiciyey Xabsiga

December 7, 2011 - Written by

Boosaaso:Ciidanka Booliska iyo kuwa birmadka ee magaalada Boosaaso ayaa saaka waxaa ay howl gal ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso  iyagoo baadi goobaya dhagar qabayaashii dilka foosha xun u geystay Allaha u naxariistee Shiikh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Ciidanka Booliska ayaa saaka weeraro iyo howl galo ku qabtay ilaa 10 qof iyagoo u dhaadhiciyey xabsiga magaalada Boosaaso,howlgalka ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmaya xili dadka magaalada Boosaaso iyo degaanada Puntlland ay dhowrayaan mar in la soo qabto dhagarqabayaashii dilka u geystay Sh Dr axmed Xaaji iyo kuwii sahlay dilkiisa ee ku sugan magaalada Boosaaso.

Ciidanka Booliska Boosaaso howl galka ay ka wadaan magaalada ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka , ganacsiga iyo dadkuba, Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka Booliska ee wada howl galka ayaa ilaa hadda saxaafada wax war ah ka siin howl galka saaka ka socda Boosaaso.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowraya mar in la qabto dhagarqabayaasha dilalka qorshaysan ku laaya dadka hal doorka ah ee ee Deegaanada  Puntland sidda culimada , Isimada , Ganacsada iyo waxgaradka jecel nabad.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online