Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso oo qabtay 10 qof una dhaadhiciyey Xabsiga

December 7, 2011 - Written by

Boosaaso:Ciidanka Booliska iyo kuwa birmadka ee magaalada Boosaaso ayaa saaka waxaa ay howl gal ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso  iyagoo baadi goobaya dhagar qabayaashii dilka foosha xun u geystay Allaha u naxariistee Shiikh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Ciidanka Booliska ayaa saaka weeraro iyo howl galo ku qabtay ilaa 10 qof iyagoo u dhaadhiciyey xabsiga magaalada Boosaaso,howlgalka ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmaya xili dadka magaalada Boosaaso iyo degaanada Puntlland ay dhowrayaan mar in la soo qabto dhagarqabayaashii dilka u geystay Sh Dr axmed Xaaji iyo kuwii sahlay dilkiisa ee ku sugan magaalada Boosaaso.

Ciidanka Booliska Boosaaso howl galka ay ka wadaan magaalada ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka , ganacsiga iyo dadkuba, Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka Booliska ee wada howl galka ayaa ilaa hadda saxaafada wax war ah ka siin howl galka saaka ka socda Boosaaso.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowraya mar in la qabto dhagarqabayaasha dilalka qorshaysan ku laaya dadka hal doorka ah ee ee Deegaanada  Puntland sidda culimada , Isimada , Ganacsada iyo waxgaradka jecel nabad.

M_M_Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Umadda haddii wuxuun karaamo ahi ku harsantahay insha Allahu Tacaalaa waa fadeexadoobi doonaan kuwii Sheekha dilkiisa ka danbeeyay, wayna kashifmidoonaan Insah Allah

  2. walaalayaal hala duceeyo, alle hala baryo, ilaah waa inaga aqbalayaa in alle hoojiyo aduun iyo aakhiraba cidii falkaas cadaawada ah oo arxandarada ah ugaysatay maaha dr. axmed alaha unxariistee ee waa dhamaan umadii uu indhaha u’ahaa. ilaahay hafadeexeeyo aduun iyo aakhiraba. aamiin aamiin aamiin.

  3. ilaahay ummadda kuma hoojin doono rajadooda ah in uu fadeexeeyo oo la soo qabto dhagarqabayaashii geystay falkaas shaniica ah…ilaahay sidaan uga barannay na fakin doono kuwaas iyaga ah, muslimiinta quluubtoodana way ku qaboobi doontaa qabashadooda bi’idnillaahil-kariim

Leave a comment

*