Dagaal ka qarxay duleedka degmada Dhuusamereeb ee gobolka Gal-gaduud

December 18, 2011 - Written by

Dagaal xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa meel u jirta ilaa 15 KM degmada Dhuusamereeb ee gobol ka Gal-gaduud, dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidanka Al-shabaab iyo ciidamo daacad u ah Ahlusunna ee iyagu ka taliya qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud. Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen fariisamo ay kaga sugnaayeen magaalada ciidanka Ahlusunnah gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xuuteeye, dagaalka ayaa ah mid xooggan waxaan ay labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay sheegeen in hishiis ay la gaareen beelo dega Gobolka Gal gaduud halka kuwa kalena ay ugu deeqeen  lacag , dagaalka ayaan ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka dhashay balse waxaa la filayaa in la ogaado saacadaha soo socda.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa Insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online