Dowllada dalka Jabuuti oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

December 14, 2011 - Written by

Jabuuti:-Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ay ku soo biiraan ciidanka AMISOM ee ku sugan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan dowllada Jabuuti ayaa in mudo ah waxaa ay ku celcelinayeen in ciidamo ka socda dalkooda ay ku soo biiri doonaa ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa uu saaka la hadalay ciidamo tababar uga socda dalka Jabuuti kuwaas oo loo diyaariyey in ay ku soo biiraan ciidanka AMISOM , Ciidamadaan ayaa waxaa  ay mudo bilooyin ah waxaa ay ku qaadanayeen tababar xerda Cali Coono ee ku taal duleedka caasimada dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Geelle ayaa ku waaniyey ciidamada  in arinka loo egmada ay ka soo baxaan isagoo dhinac kale ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in walaalahood ay u soo dhaweeyaan si wanaagsan ,ciidanka dalka Jabuuti ay u soo dirayso dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qiyaasay ilaa  900 boqol oo Askari, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle  ayaa ka codsaday sidoo kale  ciidanka Jabuuti in ay nabadgelyo iyo amaan ku soo celiyaan caasimada dalka Soomaaliya.

Ciidanka dalka Jabuuti ayaan ilaa hadda la qiyaasi karin qaabka ay u soo dhaweyn doonaa dadka shacabka ah balse waxaa xaqiiqo ah in madaxda ururka Al-shabaab ay dowllada jabuuti uga digeen in ciidamo ay u soo diraan Soomaaliya iyagoo ku goodiyey in ay ula dagaalami doonaa sida ay ula dagaalamayaam ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online