Faahfaahin ka soo baxday duqeyntii shalay ciidanka Kenya ay ka geysteen tuulada Ceel Cadde

December 3, 2011 - Written by

Gedo:-Sabti, Saturday, December 03, 2011 Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa ay shalay duqeyn ka geysteen tuulada Ceel Cadde oo ku taal gobolka Gedo duqeyntaas ayaa waxaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo goobta duqeynta ka dhacday ku dhawaa ilaa hadda waxaa duqeynta ku dhintay ilaa 4 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa 7 qof o kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Diyaaradaha Kenya ayaa waxaa duqeynta ay la beegsadeen goob ay ku noolaayeen dadka barakacayaal ah sida laga soo xigtay dad goob joogayaal ah oo u waramay idaacadaha ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba, ma ah markii ugu horaysay oo diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn kala  kacaan dad rayid ah oo aan waxba galab san kana soo barakacay gurya hoodii.

Odayaasha iyo waxgaradka ku nool gobolka Gedo ayaa canbaareeyey duqeynta ay diyaaradaha dalka Kenya shalay ka geysteen tuulada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo waxaan ay ku tilmaameen weerarkaas mid cadownimo ah , dhinac kale Maxamed Khaliif oo sheegtay in uu yahay guddoomiyaha Gobolka Gedo ee DFKM ayaa sheegay in weerarkii ay fuliyeen diyaaradihii dalka Kenya ay bartilmaamsadeen fariisamo ay lahaayeen ciidanka ururka Al-shabaab khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye

Ciidanka dalka Kenya oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah ayaa waxaaa ay soo galeen degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose waxaan ka socda dagaalo goos goos oo ay fulinayaan ciidanka Al-shabaab oo dagaalkooda wax ka bedelay ilaa iyo intii ay baneeyeen fariisamahoodii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, Saraakiisha Al-shabaab ayaa xusay dhowr jeer oo ay la hadleen saxaafada in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka dalka Kenya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online