Khasaaro xooggan oo xalay soo gaartay hantidii taalay Suuqa weyn ee Boosaaso

December 3, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa  xalay khasaaro xooggan uu soo gaaray suuqa magaalada Boosaaso oo ahaa suuqa ugu weyn degaanada Puntlland suuqa ayaa xalay 21.15 waxaa ka kacay dab aan ilaa hadda si wanaagsan loo aqaan wax dhaliyey walow warar badan oo kale duwan ay ka soo baxayaan, dabka ayaa waxaa uu khasaaro xooggan uu gaarsiiyey Meherado badan oo aan lahayn wadooyin fiican oo la siku mari karo taas oo aad u adkeysay in kooxa dabdamiska ah ay maraan si dabka ay ula tacaalaan.

Dabka oo kacay waqti danbe oo habeen ah ayaa waxaa uu khasaaro xooggan gaarsiiyey qeybaha suuqa weyn gaar ahaan qaybta iibka Maacuunka, qaybta bagaashka, qaybta raashinka,qaybta dharka iyo kabaha,qaybta qudaarta, ciidanka dabdamiska  ayaa qayb weyn ka qaatay iyo ganacsata in dabka laga hortago in uu fido balse waxaa ay ku qaadatay waqti badan maadaama lagu mashquulay in cagafcagafyo lagu furo wadooyinka xiran iyo luuqyada suuqa dhexdiisa mara.

no images were found

Ganacsatada nasiibka u yeelatay indukaamadoodu ay ku yaalaan wadooyin la mari karo ayaa kala baxay hantidooda iyagoo lagu guulaystay in uusan dabka soo gaarin maadaam korontada la gooyey, masuuliyiinta Gobolka Bari iyo Wasiirka amniga ee Puntlland ayaa xalay ku sugnaa suuqa.

Guud ahaan Suuqa magaalada Boosaaso ayaa muuqaalkiisu is bedelay iyadoo saaka laga arkayey khasaaaraha weyn ee uu xalay gaarsiiyey dabka ka kacay Suuqa, goobaha ganacsiga ayaa qaarkood waxaa ay noqdeen kuwo basbeelay halka kuwa kalena uu gaaray burbur xooggan.

Mauuliyiinta amniga iyo Gobolka Bari ayaa sheegay in dhawaan ay saxaafada faahfaahin ka siin doonaa wax dhaliyey in dab uu ka kaco suuqa iyagoo ilaa hadda ku jira baaritaan iyo xog aruurin rasmi ah, khasaaraha ayaa la filayaa in dib laga oogo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online