Khudbadii Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka jeedshay shirkii wadatashiga ee Garoowe(Maqal iyo Muuqaal)

December 27, 2011 - Written by

Garoowe:Ka dib markii codsi tiro badan uu nooga yimid ducaad iyo culumo iyo weliba akhristayaasha Halgan net taas oo ku saabsan khudbadii uu ka jeedshay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax shirkii wadata shiga ee magaalada Garoowe lagu qabtay oo ay mareegaha lagu qoro intermetka qaarkood ay been abuur badan ka sheegeen khudbadii Sh C/qaadir Nuur faarax iyaga oo sheegtay in Sheekhu uu u mahad noqay UgandaBurundi, Itoobiya, Mahiga Iyo Beesha caalamka taas oo ah been abuur weyn.

Run ahaantii Halgan.net ma rabin inay u jawaabto Mareego diin ka dhigtay been abuur iyo cayda culumada balse umada Islaamka ee Soomaaliyeed ayaa indhahooda ku arki doona saacadaha soo socda khudbadii Sh C/qaadir Nuur Faarx oo ah Maqal iyo Muuqal ah iyaga baan xukumi doona cida beenaalayaasha ah oo alle ka fogaatay.

Halgan.net ayaa soo tabin doonta khudbadii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo u badan naseexo iyo in lagu dadaalo midnimo,ku dhaqan ka shareecada Islaamka , in umada loo ilaaliyo diintooda iyo danta guud ee umada Soomaaliyeed iyo in umada Soomaaliyeed alle u soo laabtaan xalkuna uu ku jiro shareecada Islaamka.

Hoos Ka dhageyso Khudbadii Sheekh C/qaadir oo cod ah walaalaha beenta faafiyey alle u toobad keena allena u laabta maanta waa aduun biritona waa aakhiro.

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/khudbad.mp3]   Ama Halkan

Hoos ka Daawo Video kalimadii wacdiga ahaa ee Shiikh Cabdulqaadir Nuur ka jeediyey shirkii ka dhacay Garoowe

M_M Deeq
Halgan.net

42 Comments so far

Leave a comment

  1. Jasakumu lahu qayran Sheik Abdiqadir NUUR Farah iyo culumada kalaba ee shaqada wanaagsan ee aysan cidna waxba ugu doonan illahay moose waxaan leenahay illahay misanka xasanaadka ha,din kugu daro waxaa loo bahanyahay in lala shaqeeyo culu modiin wada wanaag iyo maslaxada dadka iyo diintaba u shaqaynaya hadaan lawada shaqayna hormar lama gaarayo.

  2. a/s ilaahay hanoo dhowro culumada soomaaliyeed guud ahaan kuwa caadaystay in ay caayaan culimada ilaaahay waxaan idiinka baryayaa in uusan cimrigiina barakaynin ninkastoo caalim ah wuu kabaxsan waayay nimankaas lagabayaabo nimanka waxaas samaynayo in hooyadoodi dhashay ay wali dhaldhalayso markaasay afka ku taagayaan nin calim ah oo garki iyo madixibo cadaaday walee waxaa lumay xishood badan oo ay soomaali lahaan jirtayt iskadaa caalim lacaayee waxaa laxushmayn jiray oday aan wax cilmi ah lahayn in uu oday yahay dartee maantana waxay nalamaraysaa in aan cayno culimadeeni

  3. Sh c/qadir nuur faarax allaha ku dhowro kaalmad qaali ah ayuu ka jeediyay shirka, hal mid oo kaliya ayaan sheekha jeclaan lahaa inuu gaarsiiyo faroole oo uu isaga kow ugu nasteexeeyo danta guud in wax waxlba uu ka hormariyo isagaa hada meel u dhow sheekha joogee.

  4. SCW WAX LALA YAABO MAAHAN IN AY SIDAAS U DHAQMAAN WAXAASE AH WAX LALA YAABO IN SHALAY MARKAY WAXAAS WAX KA XUN KU BEEN ABUURANAYEEN CULUMADA RABAANIYIINTAA SIDA ALBAANI IBNU BAAS IBNU CUTAYMIIN U QOSLAYNAY WALIBA MUJAAHIDIIN KU SHEEGAYNAY CIDII DHAHDA WAR ALE KA CABSADANA LA DAGAALAYNAY OO DHAHAYNAY WAA CUMALAA LOOSOODIRAY IN AY DACWADA BUR BURIYAAN HADABA HAADIHI TARBIYAH AMAY HABOONTAHAY IN AAN KULIGEEN ALE ULAABANO

  5. mashalaah illaah Ha idin xifdiyo Great job ayaad u qabateen umadiina bahda Halgan Waligiin Halgama Aad ayaad ugu mahad santihiin kuwii been abuurka kasameeytey sheekhana Allaah ayaa ka Abaal marin doona Inshalaah
    Thanks Alot

  6. اللهم اجزي عنا علمائنا وشيوخنا خير الجزاء
    واطل عمرهم واحسن عملهم وزدهم علما و صبرا وحكمة

    اللهم احفظهم من كل مكروه
    واشفهم من كل داء لا يغادر سقما
    وثبتهم واحسن ختامهم

    اللهم و تحرمهم لذة النظر الى وجهك الكريم من غير ضراء مضرة
    ولا فتنة مضلة

    اللهم ولا تحرمهم شربتا هنيئة مريئة من حوض نبيك الكريم لا يضمئوا بعدها ابدا

    اللهم واجمعنا مع النبيين والصديقين والشهداء في الفردوس الاعلى يا ارحم الراحمين

    اللهم وواشملنا بالدعاء وجميع المسلمين

  7. waaditaabo maa sha alaah sheeqa qeyrbadan alaha siiyo wuudadaalay

  8. Manshallah Manshallah what a work you have done to tell the truth

    ilaahay khayr ha idiin seeyo inshallah.

    wsc

  9. a.s.c.illaahayow ku xifdi oo ku barakee sheekh cabdiqaadir, oo hinta orgig ka weyan,waxaaloo socdaa sidii dilkiisa loo xalashanlahaa,isag iyo wixii figirkiisa qaba.marka waxaan dhihila haa kuwa taageersan shabaab mawaxey rabaan in aan sugno labaatan sano kadib markey qirtaan qaldkooda oo yiraahadaan waan qaldaneyan,waxaa sand dhow qirte qaldkii ay sameyan jireen tagfiirka dagan masar,oo yiri wixii cunfi ah waan ka baxney,waan ku qaldaneya dilkii madax weynihii hore ee masar.marka la idinma sugaayo oo aamuskii hore ayaa qalad ahaa,

  10. Your comment is awaiting moderation.

    Al Walaa wal Baraa qaybta 3aad by sh shible iyadoo dhamaystiran waxaad ka heli kartaa youtube: http://www.youtube.com/watch?v=gnwwp8X8Dhc&feature=related

    Halgan fadlan muxaadarada sedexaad noo soo dhamaystira idinkoo mahadsan. Jazaakumullahu khayra

  11. Asallaamu Calaykum

    To: Usaama

    Aniga waxaan qabaa waa guul sida aad u hadshay waxaana hadalkaaga ka dhadhamin in aad ka mid ahaan jirtay kuwa Culimada weerera yacni wax ka sheega balse hadii aad saas u hadshay waxaan kaa filayaa marka xiga in aad fahan sax ah soo qortid hadana ma xumid allaah haku barkeeyo

    Waxaan kaloo kuu sheegin in Sheikhu in uu meshaas tago isagu inooga cilmi badan yahay waxaan xaqiiq ah inaga oo gaalo ina biisho salkana u marnay guryahoodii in aynu wax ka sheegni Sheikh gudanayaan dariqii diinaan dadka wax loogu sheegi lahaa, waxaana sax ah dadka meesha isugu yimi in ay sax iyo qaladba leeyihiin waxaana oran karaa inta khaldan shartooda allaah umada haka qabto hana ku anfaco wacdiga iyo ayadaha lagu dul akhriyey, sheikh mar labaad iyo mar sadexaadba Allaah ha dhowro hana noo xifdiyo amiiiiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiiiiiiiiiin.

  12. scw awalba waan ogeyn sh. c/qaadir iyo culimada kaleba waxa ay ku maqanyihiin inuu yahay umadda maslaxadeeda in hadalkiisii hadda la soo bandhigayna qofkii sheekha yaqaannay waxba uma kordhinin waxeyse khisyi ku noqotay kuwii caadeystay inay culimada been ka abuuraan.been abuurayaasha leicster iyo Minnaplis jooga waxaa leeyahay ilaahay haddii aydaan ka baqaneynin ka baqda inay noolyihiin dadkii idin yaqaannay oo ay goor aan dhoweyn daaha ka qaadi doonaan waxa aad ahaan jirteen iyo waxa aad hadda tihiin.
    waxaan aad ula yaabanahay dad ku nool lacagta cayrta ee ay gaaladu siiso oo cid kale gaalo ku nabaya illeyn haddii aadan xishooneynin wax walba waa lagu hadlaa.Ninka leicster ka soo qora ma wuxuu mooday inuu shalay dhashay oo aan horay loo aqoon sow ma oga inay nool yihiin raggii ogaa lacagihii uu la soo goostay dubay intuu imaamnimo dadka ku siray! saaxiib isku heli maysid inaad culimada caydooda shaqo ka dhigato iyo inaan kitaabkaaga la furin, hana moodin inaan lagu ogeyn kuwa kale ee mareykan culimada soomaaliyeed kaga mudaaharaada ee mareykan sidaas ku rabona ha ogaadeen in iyana kitaabadooda la furi doono aadna looga war hayo.

    walaalka yidhi sheekhu inuu shirkaas tago aheyn maha wax caqliga iyo sharcigaa khilaafsan ayuu ku hadlay fircoon ayaaba la yidhi si dabacsan khayrka ha loogu sheegee maxaa diiday in sheekhu magaaladiisii shirka soomaaliyeed ka socda uu wanaagga u sheego!

  13. Bismillahi.walaahi sheikha hadalkisa wuu wanagsan yahay laakin meel noocan oo kale ah in uu taago maaha maxaa yeelay waa shir musliminta lagu baabiin lahaa lagu gorfeynayay sheikh in loo cudurdaaro aya wanagsan wabilahi towfiq.

  14. Asc, Jazaakumullahi walaalaha halgan.net difaaca aad culimada difaacaysaa. Innaalillaahi wa innaa ileyhi raajicuu Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo ah Sheekheenii, waalidkeenii oo diinta iyo dacwada da’da aad aragtaan kusoo gaaray oo islaaxa ka shaqaynaya ayaa lagu been abuuranayaa.Kuwa saas yeelaya mayay ogayn in la soo saarayo, soo may oga in Ilaahay uu la colaytamay qofkii wax u dhima ama caaya ama dila dadka Ilaahay awliyadiisa ah. Ilaahay hanoo xifdiyo Culimadeena Dhammaan, cilmigoodana hanagu anfaco. Ilaahay waa dulqaad badan yahay laakiin waxaan ku kalsoonahay ina Ilaahay Culimada u aari doono. Ilaahow hanagu kalifin inaan dhibaatayno ama cayno shiikh caalim oo naga khayr badan inaan shaqo ka dhigano shaqo caydooda iyo dhibaatayntooda. Ilaahow hanoo qaban waxa ay samaynayaa kuwaas wax magaratadaa, naguna cizee difaaca culimada iyo xaqa, aamiin yaarabal caalamiin.

  15. masha allah. allaa ka abaal mariyo walaha halgan dadaalka ay marwalba wadaan. sh c/qaadir nur farax allaha ka abaal mariyo weedha wanaagsan ee u shirka ka jeediyay oo runti qodoba badan oo muhiim ah taabaneysa. qolada kale ee beenta iyo iftiraa’aadka sameysana waxaan oran lahaa alle u towbad keena. waxaan xasuusinayaa. oraahada nabiga scw ee lahaa,

    ياكم والكذب فإن الكذب يهدي إلى الفجور ، وإن الفجور يهدي إلى النار ، وإن الرجل ليكذب ويتحرى الكذب حتى يكتب عند الله كذابا

  16. من الّذي علّم هؤلاء السبّ والشّتم والتّكفير والقتل والتّدمير والتفجير؟!

  17. asc,halgan.net waad ku mahadsan tihiin hawshaad u haysaan bulshadiina Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo[aamiin].
    Culimadana waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka dhigo kuwo hal meel ah wax uwada oo uuna tafaraaruq galin noqda[aamiin].

    culimo in la caayo caqligayga maanan galin
    Amaan iyo khayr ayay iga mudan yihiin
    Allaha darajeeyo culimada kheyrka wada
    Midkii diidaayoo dadaalkooda dood kawada
    Damiinyeeyaanoo doodiisu waa yar tahay
    Darxumo buu qaadinoo Eebbe waaw daraan
    Dadaal helimaayoo wuu dambaynayaa
    Allaha darajeeyo culimada khayrka wada.

  18. Walaalah Halgan.net way mahadsanyihiin waxaana hubaa kuwa qoraya beer abuurka caadeystayna inay iyagu yihiin kuwa u shaqeeya gaalada oo u adeega CIA iyo Mosoodka Yuhuuda, waayo waxay ka shaqeynayaan waa inay umadda iyo culumada kala dilaan si markaas dalka iyo dadka cidla looga helo oo cadowga Ilaahay ee ay iyagu u shaqeeyaan uu markaa suu rabo ka yeelo.

    Shaqada wanaagsan halgan wada oo haka daalina Alle ayaa idinka abaal marinaya wanaaga aad haysaan.

    s/c

    Siyaad

  19. جزاكم الله خيرا إخواني في موقع هلجن، فلكم من اسمكم نصيب، فليخرص المفترون، وليفتضح الأفاكون، اللاكون أعراض العلماء، السافكون لدماء الأمة وسادتها ومرشديها

  20. asc shwkha allaha ha xifdiyo aniga sidaan u arko, shekha oraahdiisa waa kitaab iyo sunnah hadaa si xeeldheer u dhuuxdo khutbda waxay ka hadleesaa towxiid iyo tiirarka islaamka oo dhan. kuwa wbsiyada waxkusoo qoro aniga sidaaan u arko waxba kama soo qaado. waayo, nin dhoobo iyo wasaq labanaayo oo wli kuugu qasbaayo. wasaqdaas inaa cabto kadibna aad ku xanuunsato ama aabau dhimato.

  21. Runta waa wax wanaag badan allaahna uu kugu jeclaanayo, aadamuhuna kugu tixgalinayaan,waxaan kufaraxsanahay wapkan caafimaadka qaba inaan helay mardhow.

  22. Mahad Alle ka dib Walaay waad mahadsantihiin kuna dadaal inaad xaqa ku tagnaantaan culida xaqa cadaynaysa difaaca marwalba

  23. Mashaa Allah halgan aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin. Dadkaan bal ninwalbaw fiiri in ta aad ka taqaan ma yihiin dad aad diin u doonan lahayd ama wanaag iyo khayr lagu yaqaan. Kuwaas waa u dhamaatay dadkuna hada waa fahmeen sababtoo ah waa been abuur xitaa gaadhay in ay ku been abuurtaan Suubanaha SCW, laayaan oo caayaan culimada iyo dadka birmagaydad ah. Marka dacwada hala wado inshaa Allah.

  24. Kuwa wax ku qora website-yada taageera alshabaab, wexey ku sifoobeen sifadii Nebdigu csws uu ku sheegay dad soo bixi doona ee ahayd: “sufahaa’ul-axlaam”. waa dad maangaab ah oo meel dheer aan wax ka arki karin, ee meela soke ku go’doonsan.

    Wexey ahmiyadda siinayaan, oo keliya, sidey u dhaawici lahaayeen dadka ay bartilmaameedsanayaan, iyo sidey kor ugu qaadi lahaayeen tirada dadka daalacda bogagooga.

    Haddee waa maangaab e’, beenta ay maanta qoreen, berritaa la burin karaa miyey garan karaan?!

  25. asc jzkh waligiin ku jihaada oo beentooga no cadeeya kuwa culimada hilibkooda cunaaya oon ilaahay uga baqeyn aniga runti waan ka danqanjiray marki culimo aan wanaag ku ogahay wax laga sheego maanta ilaahay baa halgan.net noo soo baxshay oo ku jihaadaysa allahu akbar allahu akbar

  26. shebekada somalimemo been badanaa maxay sheekha ugu been abuurteen oo markii warka saxda ah la soo daayey ay u cudur daaranayaa alaah nimaka culimada caayaa beeen badanaaaa

  27. asc mashaa, allah Halgan.net waxaad soo bandhigteen allaah idin ku bedelo kheyr aamiin waxaa talo ah dad ku aamusi maayaan ilaa qabri la dhigo balse markasta ha la xusuusiyo gabaygaan oo kale iyo qabriga waayo jahli bay la ilduufeen asc

  28. a c w waxaan la yabaa dad diin sheeganaya oo shaqo ka dhigtay been,cay,beenabuur,dacaayad,waqtigu wuxuu shabahaa fircoon iyo nebi musse taariikhdu waa muhiim bal akhriya wixii dhexmaray muse iyo fircoon.acw

  29. hadalkii ay lahaayeen sheekh cabdiqaadir baa gaalo u mahad celiyey meeee!!!

    subxaana ALLAAH waar nimanku been badanaaaaaaaaaaaa

    acuudu biLLAAH .

  30. Asc, halgan.net ilaahay baa insha allahu idinka abaal marin doona shaqada mugga leh ee aad umada u haysaan, sheekh cabduqadir nur faraxna ilaahay ha xifdiyo waa calim rabaaniya , amaa nimanka shaki weyn baan ka qabaa anigu,jooga london iyo minnesta lehna waxaa taageeraynaa Al-shabaab arrintas way isku kay qaban la dahay ,oo waliba si calan ah. Inay tawbad keenaan baan kula talin lahaa laakin, been abuurkii nabiga s.c.w. Rag ku adkaystay been abuur sheekh iyo mid kale midna ka sugi mayo!

  31. walaala yaal waxaad haysaan shaqo wanaagsan oo ah midnimada somalida waxaana loobaahan yahay dad adinka oo kale ah maxaa dhacay markay shaqo kadhitaan kuwa ushaqaynaya shaydaanka iftarada iyo cayda dadka culumadaa dadkana iskaga dhigaan kuwo information uhaya waxaa loo baahanyahay dad idinka ookale ah oo alle darti ushaqaysanaya oo runta u sheega soona saara alle hakashifee kuwa culuda caaya laaya ceebahooda raadiya adinkana ajar alle hadinka siiyo shaqada qabateen ee wanaagsan,,,,

  32. asaalum calaykum ” walaaliyaal aad ayaad u mahadsintiin waxaa aad cadeeseen xaqa runta ah sheekh c/qadir nuur faarax waa sheekhey waxaan ku karanyeyi xikmat waxaan ka mid ahaa ardeeyesa waxaan ka dhageestay kitaabka (saxiix buqaari) sanantka murkaa ahaa (1986-1989 )marksata waan u duceeya : sheekh waxee aan kabrtay ayaan maanta ilaah ugu badbaadiyey walaaliyaal aad iyo aad ayaad u madsantihiin” sheekh waan salaamaya ” ilaah ah dhooro: wasaalumu calaykum ………

  33. masha allaah sheekha xaqii saarnaa waa gutay si waliba qurxoon oo sax Illaahy dabigiisa ha dhaafo kuwa uu waanada u jeediyey ilaahy ha ka yeelo kuwo waanada iyo waxsheega qaata,

  34. Jazaakumullahu khayran halgan. Waxaan layaabanahay nimanka shabaab taageera oo xaga media ha ka taageera ma waxay ku fakarayaan in guul ku.gaarayaan been abuur iyo kadib. Miyeysan nimanku waan toobin? Miyeysan caqli laheyn? Ma oga miyaa in beenta ay sheegaanba runteedu la heli karo? Walaalayaalow waan tooba oo ka waantooba been abuurka aad dad muslimiin ah oo waliba culima ah ku been abuuranaysaan. Soo muxaadaradii sh umal waano idinkugu ma filna? Soo ma caqliyeysataan? Beenta aad sheegaysaan ma Islam iyo muslimiin baad wax ugu qabanaysan? Bal ilaah baan idinku dhaariyaye raga beenta ku abuuranayow sh c/qadir nur farah oo ah nin oday ah oo ku waayooloobay dacwo iyo diin maxaad ka dheefteen beentaas? Soo tan ma ahan runtu? Waxaan is leeyahay ragga wax bogagaas ku qora waxaaba shaqaalaysiistay hayado horey wax uga qaban waayey inay culimada aamusiyaan oo hadda helay niman shaqadii ahayd in culimo lawaayo si sahal ugu qabanaysa, waxa looyaqaan ‘enemy from within’. Ilaahay sharkooda ha naga qabto. Ilaahay makrigooda iyaga haku celiyo. Ilaahay inta uu hanuunka ladamcay hasoo hanuuhanuun

  35. Salaamu Calaykum

    Waxaan u mahad celinayaa walaalaha Halgan.net oo u taagan mar kasta difaaca culumada waxaan la yaabanahay nimanka website ku caaya culumada oo hadana been qayaxan oo aan alle looga cabsan soo qoraya miyeysan dhimaneyn? miyaan Xisaab jirin ?miyaan Qabri jirin? war xitaa hadaad raga is khilaafsan tihiin macnaheeda maaha in aad aakhiradaada ku seegto been aad ka sheegto culumada tawxiidka faafiyey .Subaxaanalaaaaaaaaaaah ilaahow ha na hoojin ilaahow culumada no xifdi iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo dhamaan culumadeena

    Mar kale waxaan u mahad celinayaa Muraasilka Halgan.net ee Garoowe .M_M Deeq
    wasaalaamu calaykum

  36. Salaamu Calaykum

    Alahu Akbar walalaha halgan.net ilaahay dartiiis baan idiin jeclahay waa loo baahnaa in la kashfiyo faasiqiinta cayda iyo beenta diinta ka dhigtay laakiin si usluub leh baad u qorteen ee su,aashu waxay tahay
    ma toobad keeni doonaan beenta .ilaahow na badbaadi AAAAmiin

    Aaad baad u mahadsan tihiin Halgan.net alaha xifdiyo Sh C/qaadir Nuur faarax waa caalim isku darsaday diin iyo da,iyo khibrad dheer oo uu dacwada u soo maray waxaan xasuustaa Sheekha oo la xiro usbuucii mar ilaahay ha ka raali noqdo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

    wasaalu calaykum

  37. Asalaamu Calaykum walaalayaal.

    Waxaan allaah uga mahadnaqayaa inuu xaqa iyo baadilka inoo kala caddeeyay.Halgan.net walaayaal Ilaahay jalla culaah ha idinka abaal mariyo hawsha wanaagsan ee aad muslimiinta u haysaan guud ahaan, umadda soomaaliyeed gaar ahaan.

    Waxaan walaalaha musliminta ah rabaa inaan la qaybsado fikir in muddo ahba igu soo dhacayay oo ah: Dadka leh waxna ku qora mareegaha kala ah Somalimidnimo.com iyo Somalimemo.net ee har iyo habeen culimada Soomaaluyeed ijaafada kuhaya beentana ku sheegaya inay yihiin dad sumaysan oo fikirkaan takfiiriga ah ee waayadan danbe inbadan oo Soomaali ah lagu ibtileeyay. Weliba waxaan shaki aad u ween uga qabaa laba nin oo kala ah midka webka leh ee Suxufiga MN jooga mid London degan inay yihiin jawaasiis ushaqeeya gaalada ay la joogaan. Arrinkaasi keligay maqabo ee dhowr nin oo wadaado ah baa runtii ninba markiisa ka shakiyay.Haddii ay yihiin niman taageera Dhalinyarada Marin habaabsan ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaalama oo weliba idaacaat usameeyaan aysanna qarsan fikirkooda, ma idinla tahay inay iska-dhex mushaaxi lahaayeen London iyo Miniapolis?

    Maxay idinla tahay idinka walalayaal.

    Wasalaamu calaykum

  38. maasha alah wan sugeynaa waxaana kala cadaan doona beenta iyo runta

  39. good job halgan.net waa mid u taagan difaaca iyo sharafta umada mulsimka ah ee soomaliyeed dadka qaar baa u qaadan kara in halgan ay ujawaabayso websiteyada qaarkood ayba qoraan rag u shaqeeya CIA iyo moosaadka si ay ugu baeen abuurtaan culimada dadkana uga fogeeyaan diinta islaamka website yadaas waxa kamid ah somalimemo.net,somalimidnimo.com iyo aamiinnnu.com!!!!! lakin run ahaantii halgan waxay doonaysaa inay tusto dadkaas beenta ragaas u tafaxaytay daadinta dhiiga muslimka ah aaadbaad u mahadsan tihiin halgan.net

  40. Salaamu Calaykum

    Alahu Akbar alaha xifdiyo walaalaha Halgan.net waaan ku qancsanahay in Sheekha C/qaadir Nuur Faarax uusan oran ardaasha waxay ku qoreen websadyada balse waa dad dhaqan iyo diin ka dhigtay been xitaa wey isku soo dhajiyeen sawirada !waa kuwo aan alle ka baqin Subxaanalaah .Halgan.net waxaan leeyahay ilaahay ha idin xifdiyo aduun iyo aakhiro
    wasalaamu calaykum

  41. maasha allah walaal wad dadaasheen ee soo cadeeyo waxa uu sheekhu ka yiri shirkii ka socdey garoowe

  42. Ac Jazaakumu Allahu Khay, Allahna Ha idinka abaalmariyo shaqada wanaagasan ee aad umada u haysaa ee iidnaan bini aadan wax mushaar ah uga rabin.goodjob Halgan.net!!!!!

Leave a comment

*