Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe

December 19, 2011 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh.Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa  gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowllada Puntland waxaan halkaas ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland  Dr.C/raxmaan Faroole , Madaxweynaha DFKM Shariif Sh.Axmed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland  waxaana soo dhaweeyey dad weyne tiro badan iyo masuuliyiin ka tirsan qeybaha kale duwan ee maamulka Puntland.

Waftiga Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno ka kala tirsan labada gole ee DFKM oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKM.Madaxweynaha DFKM iyo wafdighiisa ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Puntland waxaan halkaas ay kulamo ku wada qaadan doonaan masuuliinta ugu sareysa Puntland iyo xubno ka socda Qaramada Midoobay  iyo Midowga Afrika oo haatan ku sugan magaalada Garoowe.

Wixii warar iyo sawiro ee soo kordha kala soco Halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,220 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>