Khilaaf soo kala dhex galay Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Caalin (Dhageyso)

December 2, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Khilaaf ayaa soo kala dhex-galay maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacyo kaddib markii maanta qaar ka tirsan baarlamaanka Galmudug kulan ay yeesheen ay ka soo saareen go’aan ay xilkii uga qaadeen madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Xasan Max’uud Hayl oo kulan maanta guddoominayay ayaa VOA u sheegay in madaxweyne Caalin xilkii ay ka qaadeen kaddib markii uu ku guuldaryetsy inuu wax ka qabto amni-darada ka jirta Galmudug isla markaaana uu diiday inuu baarlamaanka horyimaado

Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin oo isna VOA la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday sidoo kalena gaashaanka ku dhuftay eeddaha loo so seediyay, wuxuuna sheegay in kulanka maanta dhacay ay wateen koox gaar ah isla markaana uu ahaa kulan sharci darro ah.

Lama oga xiisaddan cusub ee maamulka Galmudug ka dhex-dhalatay meesha ay ku biyo shuban doonto.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug.

VOA

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online