Masuul ka tirsan Al-shabaab oo ku baaqay in la weeraro shirka ka dhacaya Garoowe
December 19, 2011 - Written byGaroowe:-Masuul ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay taageerayaasha ururkiisa in ay weeraro iyo qaraxyo la beegsadaan shir ka wadatashiga ee wajigiisa labaad uu ka furmayo magaalada Garoowe, shirkaan ayaa waxaa uu furmayaa maalinta berri ah waxaan ka soo qayb galaya madaxda ugu saraysa ee DFKM, Gal-mudug ururka Ahlusunaha iyo madax ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.
Macalin xaashi oo ka mid ah Saraakiisha ururka Al-shabaab kana masuul ah Gobollada Shabeellada hoose oo saaka la hadlay saxaafada ayaa ugu baaqay taagerayaasha ururka Al-shabaab in ay carqaladeeyaan shirka ka dhacaya Garoowe isagoo ku dooday in shirkaas ay soo abaabuleen gaalo.
Macalin xaashi ayaa yiri ”Dadweynaha Puntlland waxaa ay haystaan waqti ama fursad ay uga aargudan karaan Puntlland waana in ay gacan nagu siiyaan in aan weeraro ku qaadno shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya magaalada Garoowe.” Macalin xaashi ayaa ku baaqay in la fashiliyo shirka Garoowe , Shirka ka dhacaya maalinta beri ah Garoowe ayaa waxaa uu qaybtiisii koowaad uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaan ay maalintaas maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ciidanka Al-shabaab oo sheegay in ay bedeleen qaabkii dagaal ee ay kula jiraan ciidanka ajnabiga ah ee AMISOM iyo kuwa DFKM.
Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ururka Al-shabaab, Sh.Maxamed Xasan Cumar ayaa ugu baaqay taageerayaa shooda in ay weeraro la beegsadaan xilibaanada DFKM isagoo ku eedeeyey xilibaanada in ay la kala safan yihiin dalalka duulaanka ku ah dalka Soomaaliya sidaas darteedna ay waajib tahay in weeraro iyo qaraxyo lala beegsado xilibaanada DFKM si looga faa.iidaysto khilaaf ka iyaga dhexdooda ka dhex aloosan.
Macali Xaashi ayaa waxaa uu masuul ka ahaan jiray magaalada Balcad (maamulkii Xamar iyo Xamar Daye) waxaan uu markii danbe ku biiray xoogagga Maxkamada Islaamiga ka dibna ururkii Xisbul Islaam isagoo markii danbena ka mid noqday ururka Al-shabaab.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)

