Masuul ka tirsan Al-shabaab oo ku baaqay in la weeraro shirka ka dhacaya Garoowe

December 19, 2011 - Written by

Garoowe:-Masuul ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay taageerayaasha ururkiisa in ay weeraro iyo qaraxyo la beegsadaan shir ka wadatashiga  ee wajigiisa labaad uu ka furmayo magaalada Garoowe, shirkaan ayaa waxaa uu furmayaa maalinta berri ah waxaan ka soo qayb galaya madaxda ugu saraysa ee DFKM, Gal-mudug  ururka Ahlusunaha iyo madax ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Augustine Mahiga.

Macalin xaashi oo ka mid ah Saraakiisha ururka Al-shabaab kana  masuul ah Gobollada Shabeellada hoose oo saaka la hadlay saxaafada  ayaa ugu baaqay taagerayaasha ururka Al-shabaab in ay carqaladeeyaan shirka ka dhacaya Garoowe  isagoo ku dooday in shirkaas ay soo abaabuleen gaalo.

Macalin xaashi ayaa yiri ”Dadweynaha Puntlland waxaa ay haystaan waqti ama fursad ay uga aargudan karaan Puntlland waana in ay gacan nagu siiyaan in aan weeraro ku qaadno shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya magaalada Garoowe.” Macalin xaashi ayaa ku baaqay in la fashiliyo shirka Garoowe , Shirka ka dhacaya maalinta beri ah Garoowe ayaa waxaa uu qaybtiisii koowaad uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaan ay maalintaas maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ciidanka Al-shabaab oo sheegay in ay bedeleen qaabkii dagaal ee ay kula jiraan ciidanka ajnabiga ah ee AMISOM iyo kuwa DFKM.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ururka Al-shabaab, Sh.Maxamed Xasan Cumar ayaa ugu baaqay taageerayaa shooda in ay weeraro la beegsadaan xilibaanada DFKM isagoo ku eedeeyey xilibaanada in ay la kala safan yihiin dalalka duulaanka ku ah dalka Soomaaliya sidaas darteedna ay waajib tahay in weeraro iyo qaraxyo lala beegsado xilibaanada DFKM  si looga faa.iidaysto khilaaf ka iyaga dhexdooda ka dhex aloosan.

Macali Xaashi ayaa waxaa uu masuul ka ahaan jiray magaalada Balcad (maamulkii Xamar iyo Xamar Daye) waxaan uu  markii danbe ku biiray xoogagga Maxkamada Islaamiga ka dibna ururkii Xisbul Islaam isagoo markii danbena ka mid noqday ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

 

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaan kula talin lahaa dadka leh website kaan inay kasaaraan sawirka Xassaan oo aad ogtihiin inuu gacan ku dhiigle fidyooday dadka in la laayo. Waxaa idhibta aragtidiisa marka aan soo galo Halgan.

  2. Waxaan kula talin lahaa inta aanan ladin qaqaban shabaabo humbka dhiga oo isdhiiba. Waxaa disheen awliyo Alle (Dr. Ahmed). Ilaahna idiin cafin maayo. Ilaah ha idin dhaafiyo umada islaamkaa dawoladna ha udhiso Somalia

  3. Waxaan kula talin lahaa inta aanan laqaqa Dr. Ahmed Ilaah idinkiisna taasi waa tii aad ku halaagsami lahaydeen.

  4. Khawaarijnimadooda ayeey cadeesteen kuwani. balse sidi walalkaa commenta hore so qorayba sheegay naf la carar bay ku jiraan ragu. marki ay ku fashlimeen siyasadii fosha xumed ee ay diinta ugu hoos gabaneyeen ayeey ummada islaamka ah uso dhigten iney dhabarka jabshaan. blase waxaan leeyahay ragaas illaahay ka furtay dhiigi dr axmed ayaa wali farihiina ka qoyan intaas baana idin ku falin caro alle iyo xumaan oo aduun iyo akhiraba la idin ku cadaabi donaa. dadka islaamka ahna idinka dhigi doonta cadow idinka horyimaada marwalba
    قتلكم الله أيها الخوراج

  5. Hashu ma maangay gaday mise masaar bay liqday waxaa ii muuqata naf la caarinimadii al shabaab oo xamar ka doortay Garoowe. Shirka qorshaha tubta toosan ee nabada xilli kii ka horeeyey ee xamar ka dhacay aanan af iyo adin toona laga weerarin ayaa leh waa fursad in la weeraro garoowe iska hadloow ina igare macalin xaashi ma ninkii la sheegey in isaga oo garka xiirtey kasoo degay mosambique kadib u talaabay koonfur afrika halkaas oo la sheegay in howlo ganacsi uu ka galay balse waxaa la shegay in xogta joogitaankiisa ay ka war heleen sirdoonka dalkaas kadibna iyaga oo baaritaan ku wada uu baxsaday

Leave a comment

*