Nadwo looga hadlayo Dabkii ka dhacay Suuqa Boosaso oo ka dhacaysa caawa Masjidka Al-rowda

December 28, 2011 - Written by

Waxaa caawa la filayaa in uu ka dhaco Masjidka weyn Rowda ee magaalada Boosaaso Nadwo diineed oo si gaar ah looga hadli doono dadkii ganacsata ahaa ee ku dhaqaalahoodu uu waxyéeloobay Suuqii wenaa ee Boosaaso oo maalmo ka hor gubtay hanti badana ay ku luntay kulanka caawa ayaa waxaa looga hadli doonaa siddii dhaqaalo loogu aruurin dadkii ganacsigoodu uu ku baa,bay dabkii ka kacay Suuqii ugu weynaa ee Magaalada Boosaaso.

Nadwada caawa ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo waaweyn ee oo uu ugu horeeyo Shiikh Daahir Aw-cabdi  iyo culimo iyo ducaad kale  Nadwadaan aya awaxaa si rasmi ah looga baahin doonaa Idaacadaha ka howl gala magaalada Boosaaso inta badan, culimada ayaa iyagu ah lafdhabarta dadka shacabka ah oo iyagu ah kuwa ka fakera in ay inta awoodood ah ay wax u qabtaan taas oo ah mid alle uu ajar ka siin doono insha Allaahu.

Culimada oo camalka noocaan ah ku jirta ayaa waxaa la soo maleegay dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Shiikh Dr Axmed Xaaji cabdi raxmaan iyagoo kooxdii dilka geystay ay u jeedadoodu ay ahayd in culimada umada laga laayo si umadu ay u horkacaan kuwa Jaahiliin ah oo weliba sumadooda aan la aqoon iyo cid howl gashatay.

Alle baa mahad iska leh dhawaan baa la ogaan doonaa cida fulisya kuwa soo abaabulay dilkii Shiikh Dr. axmed xaaji Cabdiraxmaan oo howshiisu ay marayso meel fiican alle baan taas ku mahadsan.

M_M_Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. ASALAMU CALAYKUM WALAALAHA HALGEN AAD AYAAN UGU MAHAD CELINAYAA WAXAY UMADDA U HAYAAN CAMAL AAD U WEYN WUXUUNA HALGAN KA MID YAHAY WEBEBKA TIRSAN EE XAQA LOOGU GARGAAO INSHA ALLAAH, ILAAHAY WAXAAN WAYDIISANAYAA INU WALAALAHA KHAYRKAAS U TAAGAN IYO AAGABA IKHLAASKA NA WAAFAJIYO, AAMIIN
    WADAADKAAN XASAAN AH MEESHA UU HADDA SAARANYAHAY WAXAAN QABAA WAA WANAAGSANTAHAY MAXAA YEELAY XUJJO AYUU ISKU OOGAY WAANA TAARIIKH IN LA HAYO ISAGOO FATWOONAYA IN CULIMADA LA LAAYO OO QAAR KA MID AH MARAAKISTA LA BURBURIYO, OO QIRANAYA INUU OGYAHAY CIDII DEKTOORKA DISHAY, INTAASBA ISAGA AYAY XUO KU TAAHYE HA LA KAYDIYO WAX KALANE SII RAADIYA

  2. ACWW
    Akhayaarta halgan aad baan uga mahad celinayaa waxaana kala cadayn doonta taariikhda cidda islaamka wax u qabata iyo cidda hagar daamaynaysa.
    Waxaa kale oo cadaanaya yaa muslim dhab ah oo daacad ka ah camalka socda yaase gaaladu ku adeeganaysaa.
    Waxaan laqabaa walaalkii hore ninkaan Xassan Xuseen Aaadam ee halaga saro sawirkiisa meesha sidoo kale duruustiisa dadka halooga digo waa nin is mahdiyay waxaa laga sheegay Sh.Sariif C/nuur xataa waxba uma ogi waynaantiisa ayaan ku tixgalinayaa ee laftigiisa waan ka aqoon badnahay waa nin sifaadkii khawaarijtu ku dhantahay ee ka diga

  3. illaahay haka abaal mariyo culumada uu sh daahir cadbi kamid yahay dadaalka ay ummada u wadaan gaar ahan bulshada bss.

    F.G
    waxaan shaqaalaha halgan ka codsan lahaa in website ka laga saaro sawirka ninkaan xasaan xuseen layiraahdo. fadlan halgan wa websiteka culumada ummada ee ninkaas mutacaalimka ah sawirkiisa ka saara. qofki aan aqoon ee so booqda waxa uu moodayaa somalimemo oo kale. sorry

Leave a comment

*