Sheekh C/raxmaan Abyad oo muxaadaradii koowaad ka jeedshay Masjid Al-Tawxiid ee Copenhagen (Dhageyso)

December 16, 2011 - Written by

Denmark:-Sh.C/raxmaan Abyad oo ka mid culumada iyo ducaada ku nool dalka Denmark ayaa muxaadarooyin musalsal ah ka bilaabay caawa Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Copenhagan waxaana uu Shiikh. C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu cinwaan uga dhigay muxaadaraadkiisa.

. خطورة الفتاوى الحمراء في استباحة دم الناصحين من العلماء

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii Sh C/raxmaan Abyad ee Caawa uu ka jeedshay Masjidka al-Tawxiid ee magaalada Copenhagan
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shabyad.mp3]

Ama Halkan

Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah ayaa muxaadaraad hore oo gaarayey ilaa 7 waxaa uu ku bidhaamiyey khatarta ka soo muuqta Soomaaliya iyo saxwada Islaamiga ee ka hana qaaday Soomaliya ka dib markii uu inxiraaf galay qaar ka mid ah dhalintii saxwada iyo kuwa sheeganaya in ay yihiin culumo.

Inxiraafka ka socda Soomaaliya iyo Fatwooyinka laga soo maanguuriyo dibada dalka Soomaaliya  ayaa waxay sababeen in la dilo Shiikh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan iyo culumo kale oo macruuf ah oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Tahliil ,Sheekh Maxamed Muumin raximahulaah

Muxaadaraadka Sh C/raxmaan Abyad ayaa muxaadaraadkiisu waxay socon doonaa 16-12-2011- ilaa 19-12-2011 waxaan dadweynaha ku nool dunida daafaheeda ay si maqal iyo muqaal ah kala soco doonaa Halgan.net Saacadu markay ay Tahay 17:15 Uk .

Shiikh C/raxmaan Abyad  ayaa muxaadarooyin silsilad ah uu horey uga jeedshay Masjidka Al-Towxiid ee  magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark  waxaana uu Shiikhu cinwaan uga  dhigay kalimadiisa .جلسات في تعرية الغالي  وقمع الجاني  Shiikh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu muxaadaraadkiisa ku qaadaa dhigay Baraaruruga Islaamiga iyo Quluwiga soo  dhexgalay ee khilaafsan Manhajka Ahlu Suna Waljamaca.

Sh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu sheegay sidoo kale in muxaadarooyinka ay ku wajahan yihiin 4 kooxood oo umada islaamka ah ka mid ah waxaana ka mid ah.

1-Dadka guud ee caamka ah ama (Dadweynaha) kuwaas oo aan uga digeyno buu yiri shiikh Cabdiraxmaan Abyad xadgudubka si aysan  diin u moodin.

2-Qulaada ama kuwa xad gudbay kuwaasna muxaadarooyinka waxay u yihiin naseexo maadaama ay yihiin dad Muslimiin ah
hadday naseexada aqbali waay aana muxaadaraadka waxay u noqonayaan feydid si umada iskaga ilaaliso.

3-Mutaxamisiin waana qolooyinka ay iskaga khaldameen kheyrkii iyo xamaasadii taasna ay keentay in ay iska daba galaan
cidkasta oo wax cayda ama gaaley siisa muxaadaraadka waxay u noqon doonaan Tarshiidin ama hanuunin.

4 Dhalabtul Cilmi (Ardeyda ay wax un u bilaaban yihiin) iyagana waxay muxaada rooyinka u noqon doonaan tawjiihin iyo in ay
muraajaceeyaan qolooyinka uu Sh C/raxaam Abyad ka hadli dooni kuwaas oo hurmuud u ah xadgudubka saxwada ku jira.

Sh C/raxmaan Abyad ayaa waxaa uu tilmaamay calaamado lagu garto qolooyin ka xad gudbay waxaana ka mid ahaa calaamadihii uu Shiikh C/raxmaan Abyad sheegay.

1-In Qofka Baneysto Caayda qofka Muslinka ah.

2-Isqaadh Culumaa ama in saaxada laga saaro Culumada.

4-Qulu Fil Jihaad Jihaadka oo lagu xadgudbay.

5-Qusuur Fi Siyaasa Sharciya (iyaga oo aan Siyaasada Sharciga wax badan ka aqoon.

6-Rabdhul walaa walbaraa bil Ashkhaas(in naceybka iyo Jeceyla lagu xiro in aad raacdo rag gaar ah.)

7-Idlaaqaat Caama Bila Dawaabid (In erayo la iska tuuro aan laga fiirsan) sida Culumadu waa gaalo raac ,Jihaad bay diideen
iyo wax la mid ah.

Halkan ka Dhageyso Dhamaan Muxaadaraadkii Hore ee Sh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah

C/casiis Maxamed
Halgan.net

26 Comments so far

Leave a comment

  1. Mashaa Allah! Jazaaka Allahu kheeyr,

  2. Asalaamu Caleykum.
    mansha allaahu sheekhanaa sheekh Abdirahman baarakaalah fiik, waa maxadaro wanaagsan. sh. Xasaan Huss

  3. Assalamu calykum shikha khayr alaha siiyee waxbadana waa noo cadeeyey waxbadana waa noogu dhiman thay, sababtoo ah wax badan baa jira oo laysku haystaa in caamada loo cadeeyana u baahan, masaladuna haday diin ;tahay waa in laga wada naqaashaa si cilmiyeysan, meeshii dan laga leeyahayna aan kaliya la abaarin, meeshii la watana aan la halmaamin, waxa laysku haystana waa wax muuqda iyo wax aan muuqan oo cilmi u baahan, wixii muuqda oo caamo ka jawaabtayda sida in dhulkii gaalo iyo gaalo raac ku soo duuleen in laysku dhiibo iyo in layska dhiciyo taagan, dadkii hogaamin lahaana waa culumada arinta taagan, baa u baahan in meel la iska taago oo cadawga hororka ah oo aan cidna reebayn meel looga soo wada jeesto, culumaduna hogaamiyaan intii cadawgu ka faaiidaysan lahaa, hadhawna meel cidlaa llooga helin.

  4. As.wr
    Ilaahay haka abaal mariyo sheekha. Waxaansa xasuusin lahaa sheekha inuusan iloobin su.aasha ah muxaadarooyinkaada in ujeedadii aad ka lahayd ay xaqiijinayaan.Iyo in kale.
    Xasuusin ayay iga tahay.

    Cadaalada marna haka tagin.

  5. jazakallah sheekh cabdiraxmaan waa fikir fiican illah hanaga dhigo kuu wax ku qaato talooyinkaas qaata sheekh aniga waxaan qabaa in aan lagu ekaanin oo kaliya hadal waxaan u baahanahay wax qabad dhab.dadka commentga soo qoraya aan fikirka isku geyno oo aan noqno dad wax qabsada.ku dhowaad 25 sano ayaan wax dhageysaneynay meesha ka kaca. walaalka commentiga soo qoray in facebook group ku yeelano oo inteenaan isku ra’yiga nahay isugu imaano waxaad aragtaan digtatooradii carabta waxaa riday shacabkii sida tuuniisiya, masar,libiya suuriyana waa ku xigtaa bi idnillah.

  6. walaalaha halgan.net waxaan rajeynaa muxaadarooyinka danbo ee shiekha in aad inoo soo gudbisaan insha allah Jzkh kheyr ikhwaanii …shiekha allaah ha xafido …Allaahuma aamiin

  7. Jazakumlah Kheyr Allaah ha xifdiyo sheikh hana noo badsho isaga oo kale waxaan hubaa aa geesi iyo aqoon yahayn labadaba Allaah ha kugu risaaqo janoo yinkiisa Allaah dartiis ayaan u jeclahay.

  8. Yasin,

    Walaal sheekh Abyad isma khilaafsana hadalkiisii hore iyo kan hadda, ee adiga ayaan fahmin. Dib ugu noqo qoraalkiisii hore, wuxuu soo taxay tilmaamaha dadka lagu tuhmi karo ama loo badin karo iney ka dammayeen sheekh axmad Xaaji, laakiin marna ma uu oran dadkaas ayaa diley oo aan hubaa 100%.

  9. Jazakumlah alfa kheyr sheikhana ilahay haxofdiyo anagana jidka toosan ilahay hanu hanuuniya somaliyana dhibka hadul qaado culimada mowqifkooda ilaahay hamideeya anaga kuwa qowlka wanaagsan qaata rabbi hanaga yeelo salamu aleikum

  10. masha allaah illaahay ummada ha ku badiyo asagoo kale.

  11. Assalaamu Calaykum

    Aad baad marka hore umahadsantihiin. Marka labaad sheekh Abyad khayr Allaah hasiiyo sida uu uuga hadlay arinka, waxaanse fahmi waayay qoraal uu maalindhaw sooqoray ayaa wuxuu ubixiyay sidan oo kale “hadaanay iyagu ka dambayn dilkii sheekh Axmed, yaakale oo kadambeeya” muxaadaradanna wuxuu kuleeyahay “lama odhan karo cidaas ayaa kadambaysa dilka sheekha ilaa cadayn lahelo”. Hadaba labadaa arimood way isku kay qaban waayeen ee hadaanan khaldanayn markee buu khaldanyahay mise marka hore wuu malaynaayay!

    Ilaahaw diinta nafahansii oo nagu sug.

  12. asxaabey aniga wxan soo jeedinayaa in la sameeeyo page facebook oo ballaaadhan oo lagu muujiyo muxaadaraadka iyo maqaalaadka culimada iyo difaaca diinta marka intiinaan meesha commentka ku sooqoray ha noola sameeyo grp ama page oo aan xubno kawada noqono mahasanidiin

  13. jazaakallah kheyran shekhanaa insha allah waana sugeenaa, naxibuka fillah

  14. mahadasanid shiiq abyad wana sugaynaa ishalaah waxaan kaloo mahad usoo jeedinyaa halgan net waa mahad ilaah in aan live ku dhagaysan dooono sh abyad

  15. sheekh abyad kheyr allahaa siiyo walaala yaal waxaan idinka codsanaynaa inaan muxaadaraadka sheekha aan waynayno oo aan samayno page facebook oo aan ku soo bandhigno muxaadaro kasto oo uu jeediyo sheekh abyad o ka dhan takfiiryiinta wa inaan sii faafinaa oo aan meel kasto galinaa waa in la arkaa inxiraafaadka beenta ah ee dadka culimada laaya ay damacsanyihiin mahadsnidiiin

  16. baaraka allaahu fiika sheekhanaa waa sugaynaa insha allaah waana loo baahnaa marhore in inxiraafka dadka looga digo shekh cabdiracman ha ka daalin in aad xaqa cadaynaysid

  17. shiikh c/raxman abyad qeyrka uu sheegaya ilaahay ha ka amaal mariye asaga iyo owlaadiisaba sidoo kale ilaahey ha isku soo duwo quluubta culimada oo badanaaa aad moodid in ey is radinayaan,tankale muaxaadarada qiimaha badan ee uu soo jeedin doono shiikh abdurahman waxan ka rajeynayaa in ku iftiimaya xaqa asagoon qofna u eexaneyn..asww

  18. A.w.wabarakaatuhu.

    Halgan.net, Waagii hore downloud ayaa sahalanaa in lagu sameeyo dababdeed dadka loogu qaybiyo mobilka iyadoo bloutouth loogu dirayo, hada waa adag yahay arintaasi fadlan fududeeya, sidoo kale dadku waqti ay internedka ku dul fadhiyaan saacad dad badan baan hayn, mobilada cusubna haysan, ha dhego xidhina dadkaas.

  19. ACWW. AKHII BAARIKALLAAH FIIK, UMMADDU BADANKEED AMA CAAMADA QAASAH WAY JAAHWAREER SAN YIHIIN! WAXAYNA U BAAHAN YHIIN IN XAQQA LOO CADDEEYO SI AY GO,AAN UQAATAAN “ALSHABAAB WAA KUWEE”? MA KHAWAARIJBAA ? QAABKEE ULA DIRIRNAA HADAY YIHIIN? SIAAN UGA AJARSANNO, FASAADKOODANA UGA HORTAGNO? HADAAN LALA DAGAALIKARIN SIDEEN UGA BADBAADNAA SHARTOODA??

    WA JIXAAKALLAAHU KHAYRAA, ALLE ADIGA IYO CULIMADA KALEBA HAKA BADBAADIYO SHARTA SHAR WADAYAASHA “AAMIN”
    WWW

  20. Kuwaan Xadgudbay sida taariikhda islaamka lagu yaqaanay waxaa lagu joojin jiray labo arimood.
    1- in imaamka islaamka uu seef leefsiiyo, waxaana ugu horeeyey amiirul muminiin cali ibnu abiii daalib.

    2- in culumadu cilmi leefsiiso, saasna culumo badan lagu waayo oo ay laayaan qaarka mida culumada oo markaas dhiiga culumadu ummadu ku nasato oo nimankani saas ku baxaan dadka ay xamaasada ku jiiteena laga reebbo.

    waxaan shaki lahayn in dadkani yihiin kuwii cali iyo cismaan dilay.

    culumadau ha adkaysteen inna macal cusri yusraa.

  21. mahadsanid Halgan .net now we can listen muhadara akhyarta mobile isticmashaa jazakallah

  22. sh.cabdraxmaan abyad ilaahey ha xafido sida ey oga goan tahay in uu difaaco dhiiga muslimiinta iyo culimada insha alah waxaana ka rajeynayaa in noo soo jeedin doono muxaadarooyin qiimo badan waaana imaan doona copenhagen si aan u dhageysto muxaadarooyinkaas qiimaha badan ………………asww

  23. Sh Abdiraxman jazaakallahu khayran.
    Waan kaa sugayay in aad xilligan adag ee dad badan ee msulimiin ah murugaysanyhiin in aad wax ka tiraahdo fasahaadka socoda. Fadlan waxaan kaa codsanayaa waa dhamaaday xiligii aamuska (waa siduu Dr. Axmad Xaaji yiri “intahaa waqtu sukuut”) Fadlan dhalinta iyo dad mutaxamisiinta ah ee aan ishaarada wax ku fahmayn u kala dhig dhig dadyow ga aad ka hadlaysid. Sh. Abdirahman waxaan kaa codsanayaa inaad jawaab toos ah siisid Shiikha layiraahdo Xasaan oo jooga Nairobi. Fadlan dhalinta badankoodu in wax loo taabto oo la magac dhabo bay wax ku fahmaan.

    Jazaakallahu khayran.

  24. Salaamu Calaykum
    Sheekh C/raxmaan alaha xifdiyo runtii waa Sheekh geesi ah oo cadeeyey kuwaan kadeedan oo dhiiga muslinka iyo culumada baneystay oo ay culumo u yihiin Maqdasii, Abu qataada Falastiini iyo Abu Basiira dhardhuusi
    walaalaha waxaa ka codsan lahaa in akhriyaan kutubtan soo socda

    1-1-نصيحة واجبة لقادة القاعدة:- عاصم عبد الماجد
    2-الصفحة الأكثر دموية في تاريخ الجماعة الإسلامية المسلحة
    كتبهاأ ــ محمد بن زعبار . ، في 4 أبريل
    3-شهادتي على الجهاد في الجزائ 1988-99 19
    كتبه الفقير إلى رحمة الله عمر عبد الحكيم ( أبو مصعب السوري
    Waxaan kaloo idinka baraarujinayaa in aad akhrisaan Muraajacaadkii jamaca Islaamiya waljihaad fil masar iyo muraajacaadkii Jamaaca libiya Al-Muqaatila markaas baa wax badan idiin bixi doonaa inshalaah

    Sh Abyad alaha khayr siiyo runtii waan ka faa,iday si fiican baana u akhriyey kutubta oo dhan waan sugayaa muraajacaadka ama masaadirta kale ee uu soo gudbiyo maalinta Jimicaha
    halgan.net waxaa leeyahay khayr alaha idin siiyo juhdiga aad wadaan koley aniga si fiican baan uga faa,iday Jazakumulaah khayr

  25. MashaAllah these lectures are over due: May Allah make it easy for the shaykh.

Leave a comment

*