Ra’iisul Wasaare DFKM Dr. Cabdiweli oo wal wal ka muujiyay go’aanka dowladda ee joojinta Xawaaladdaha Soomaalida

December 18, 2011 - Written by

Muqdisho, Axad, December 18, 2011——-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta ka hadlay go’aanka ay dowladda  Mareykanka muddada todobaadyada ah ugu qabatay howshii shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee lacagaha u diri jiray dalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay haddii go’aankaasi uu dhaqan galo inay tahay musiibo iyo dhibaato weyn oo la soo dersi doonta nolosha Malaayiin Soomaali ah kuwaasoo ku tiirsan lacagaha ay ka helaan eheladooda ku nool Qurbaha ee loo soo marsiiyo Xawaaladdaha.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tilmaamay in Xukuumad ahaan ay wadaan dedaalo la xiriira sidii arrintaasi loo baajin lahaa isagoo sheegay inuu la xiriiray dowladda Mareykanka una diray qoraal sidoo kalena uu xiriir dhanka Telefoonka ah la sameeyey xubno Sanataro ah si ay uga dhaadhiciyaan in Bankiyada Mareykanku aysan joojin wada shaqeyn kala dhexeysa Xawaaladdaha Soomaalida.

“Anagu waxaan wadnaa dedaalo aan ku dooneyno inay sii socoto wada shaqeynta Bankiyada Mareykanka iyo Xawaaladdaha, waxaana qoraal aan ku codsaneyno arrintan in la baajiyo u diray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka, qaarkoodna waxaan kula hadlay Telefoon” ayuu yiri R.wasaaraha oo ku celi celiyay in arrintani ay tahay dhibaato dhaqaale oo soo wajahi doonta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, R/wasaaruhu waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala xaajoonayaan sidii loo xalin lahaa ama looga hortagi lahaa wixii khatar Amni ah oo ka soo gaari karta Dowladda Mareykanka isagoo xusay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in si wada jir ah looga hortago cid kasta oo qaswade ah oo isku dayda inay si khaldan uga faa’iideystaan lacagahaasi Soomaaliya loo soo diro “Waa waajib in la dhowro Shuruucda iyo Xasiloonida dowladda Mareykanka sababtoo ah dadku lacagaha waxay ka dhex shaqeeyaan Mareykanka gudihiisa mana ahan in isla wadankii ku caawiyay aad ku dhibaateyso lacagtiisii” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu sharaxay lacagahan ay dadka dibadduhu u soo diraan eheladooda Soomaaliya jooga inay laf dhabar u tahay nolosha Kumanaankun oo qoysas maadaama buu yiri dalka aysan ka jirin ilo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin shacabku “Lacagta dibadda laga soo diro waxaa lagu qiyaasaa inay dhantahay saddex meelood hal meel wax soo saarka dalka ee sanadkiiba, waana dareemi kartaan waa kharash aad u badan”.

Ugu dambeyntiina, wuxuu xusay inuu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta gudaha ee shirkaddaha Xawaaladdaha si uu ugala hadlo sida loo xakameyn karo in lacagaha ka yimaada dibaddaha aysan si khaldan ugu gacan gelin kooxaha xagjirka ah xiriirkana la eh Argagixisada Caalamiga ah.

DHAMAAD

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online