Sh.Cabdiraxmaan Abyad oo caawa muxaadaradii 2aad ka jeediyey Masjidka Tawxiid ee Copenhagen(Dhageyso)

December 19, 2011 - Written by

Copenhagen:-Waxaa sida caadiga ahayd caawa mar kale ka dhacay Masjidka Towxiid ee magaalada Copen hagen ee caasimada dalka Danmark muxaadaradii 2aad ee uu jeediyey Shiikh Cabdiraxmaan Abyad oo muxaadaraad dhowr habeen socon doono ku bayaamin doona khatarta ay leedahay dilka culimada .

Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa caawa muxaadaradiisu waxaa ay u bad nay taariikh iyo axdaas dhacday oo uu shiikhu uga danlahaa bal in ay dadwey nuhu fahmaan goorta iyo cida lagu yaqaan in ay dilaan culimada goorma ayeyna bilaabtay arrinkaan foosha xun.

Sh.Cabdiraxmaan Abyad ayaa ilaa 2 koox ku soo aruuriyey in ay iyagu yihiin kuwa dhaqan iyo caado u leh in ay dilaan culimada waxaan uu shiikhu uu labadaas kooxood uu ku soo koobay.

1- Ahlul hawaa kuwa baadilka raacsan sidda kooxaha lumay (Khawaarijta , iyo Shiicada)

2-Madaxyoweynta Xukuumadaha (Dowlladaha )

Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa si waafi ah uga hadlay in ay dilka culimadu ay hadda aysan bilaaban waxaan uu dadweynaha muxaadarad dhagaysanayey xasuusiyey dilalkii foosha xumaa ee lagula kacay 3 ka mid ah khulafadii iyagoo aduunka ku nool loogu bishaareeyey in ay Jano galayaan, Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa tilmaamay ragga saxaabadaas dilay ay ahaayeen kuwa lunsan oo garab maray dariiqii toosnaa ee Ahlusunaha.

Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa waxaa uu tilmaamay in Xaqa iyo Baadilku uu ka dhexeeyo dagaal aan dhamaan oo waqti kasta jira isagoo hiikhu uu bayaamiyey in waagii hore uu dagaalku u dhexeeyey dalalkii Shuuciga iyo kuwa aaminsan Dimuquraadiyada balse dagaalka looga adkaaday dowlladihii horseedka ka ahaa Shuuciyada .

Shiikh Abyad ayaa tilmaamay in Islaamku uu leeyahay cadow badan balse loo baahan yahay in umada ay si wadajir ah u wajahaan cadowgooda loona tilmaamo.

Sh.Cabdiraxmaan Abyad ayaa waxaa uu ka sheekeeyey arin taariikhi ah oo dadkii ku sugnaa Masjidka Towxiid ay aad ula yaabeen arrinkaas oo ahaa wixii ka dhacay dalka Jazaa.ir iyo dagaaladii ka dhacay dalkaas iyo kooxihiii Islaamiyiinta qaarkood sida ay u xadgudbeen oo ay u banaysteen dhiiga dadka muslinka ah iyagoo markii danbe dilay culimo caan ka ah dalka Jazaa.ir oo ka biyo diiday qaabka ay wax u wadaan kooxahaas.

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa si qiimo gal ah uga hadalay kooxihii Islaamiyiinta iyo sidii ay u kala baxeen ka dib  markii la diiday guushii ay gaartay jabhadii (FIS)oo si weyn ugu guuleystay doorashadii ka dhacaday dalka Jaz,aair kooxahaas ayaa waxaa laga tilmaami karaa

1-Jayshu islaami oo ka amar qaadanayey (Jabhad Islaamiya lilinqaad FIS)
2.Jamaaca Islaamiya Musalaxa .

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa soo bandhigay Bayaanaadkii ay soo saari jireen kooxihii ku dhacay qulumiga iyo sida ay uga fogaadeen manhajkii ahlu suna waljamaaca iyo ragii fatwada siin jiray oo uu ka mid  oo maanta fatwooyinka siiya dhalinta soomaalida balse qaar loo akhriyo kutubtii ay qoreen raga quluwiga ku dhacay oo uu Sheekhu ku sheegay muxaadaradiisa .

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii labaad ee caawa Sh C/raxmaan ka jedshay Masjidka Al-Tawxiid

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ShAbyad2.mp3]

Halkan ka Rogo

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii 1aad Sh C/raxmaan Abyad uu ka jeedshay Masjidka al-Tawxiid ee magaalada Copenhagan

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shabyad.mp3] Ama Halkan 

 

Bayaanaadkii kooxihii ka dagaalami jiray dalka Jazaa,ir qaar ka mid ah (akhris0)

no images were found

Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. BOGAADIN IYO BARAARUJIN

    Ilaahay ha ka abaalmariyo sh Cabdiraxman Abyad muxaadaradaa qiimaha leh iyo sida uu u daadihinayo muxaadarooyinka.

    waxaa laga yaabaa dadka fidmaysani inay ku doodaan kuwaa Jazair ka dagaalamayayna mujaahidiin bay ahaayeen kuwan soomaliya ka dagaalamayaana waa mujaahidiin oo xaqa ayaa mideeyey, sidaa darteed waxaan sheekha iyo dhagaystayaashaba kula talinayaa in la akhriyo kitaabkan lagu uruuriyey fataawadii culimada waawayn ( IBNU BAAZ, IBNU CUSAYMIIN, IYO ALBAANI) ay ka yiraahdeen fitnadaa Jazir ee muxaadardu ka hadashay, kitaabka magiciis iyo link-ga loogu noqonayaa waa kan:

    فتاوى العلماء الأكابر فيما أهدر من دماء في الجزائر
    http://fatwa1.com/anti-erhab/Irhabion/akaber_jazaer.doc

    waliba sh Abyad waxaan jeclaan lahaa inuu fataawadaa muxaadaro gaara ku aqriyo ama uu muxaadarada soo socota qayb kamida ku aqriyo.
    Allaah ha barakeeyo seekha

    wsc

  2. Allaah akbar jzkhey shiekh c.rahman abyad iyo Halgan.net insha allah waxaan idinka rajeyneena muxaadirooyinka xiga in aan inoo soo gudbisaan insha allah

  3. Asc: Walaalayaal allaah ayaa mahad leh nebi moxamedna naxariis iyo nabad gelyo alle korkiisa haku badiyo,intaa ka dib waxaan is leeyahay culimadu mudo badan ayey ka aamusnaayeen waxay ogyihiin lana rabay inay dadka u cadeeyaan iyagoo laga yaabo inay islahaayeen armay wax isbedelaan oo ay wax badan xeerinayeen taasi waxay keentay inay hawshu maanta marayso alamtara soo dhaaf , waxaana maalinba maalinta ka dmbaysa soo baxaya wax lala yaabo oo ka imanaya weliba dad diin iyo khayr lagu tuhmayo taasina waxaa sabab u ah iyadoo ay jiraan wax badan oo qarsoon inbadan oo kalena la sugayo inay soo baxaan hadii wadadaa lagu sii socdo oo aan Alle loo soo noqon loona toobad keenin waxaana arkaa inaysan culimadu ka daalin inay xaqa cadaynayaan iyagoon cidna ku xad gudbaynin ,waxaana rajeynayaa in Alle ku bad baadiyo in badan oo kheyr doona oo ka mida dhalinta mustaqbalka ummada.

  4. MAASHA ALAH SH. CABDIRAXAMAAN ABYAD

  5. slaamu calaykum
    waxaan aad u salaamayaa Sh C/raxmaan Abyad iyo walaalaha Halgan.net waxaa iska cad in xadgudubka dalka ka jira ay wadaan shabaab laga soo maanguuriyey ragii dalka Jazaa,ir ragii kharibay sida Abu Qataada falstiini. Abu maxamed Al-Maqdasi iyo rag kale oo badan

    dhalinyaro diintiina barta cidna marti ha uga ahaanina ilaahow culumada noo xifdi

    slaamu calaykum

Leave a comment

*