Sh Maxamed Umal iyo Sh Maxamuud Shible oo socdaal dacwo ku jooga South Africa(Dhageyso)

December 17, 2011 - Written by

South Africa:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheikh Maxamuud Sheikh Maxamed Shible  ayaa socdaal dacwo ku tagay dalka south africa waxaana ay muxaadarooyin kala duwan ka jeediyeen Masaajida ay gacanta ku hayaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka south africa.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shible ayaa ka haqab tiray Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku soo qaxday dalka south africa oo ay dhibaatooyin kala duwan ku heystaan dalka south africa

Muxaadaradii ugu horeysay ayaa waxaa ka jeediyey masajidka imaamu shaafici Johannesburg Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana uu ka hadlay asbaabaha lagu waasiciyo risqiga.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Sh Umal Asbaaabaha lagu waasiciyo Risqiga

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/asbaab.mp3]

Waxaa xusid mudan in dalka south africa ay ka bilaaban doonto 27-12 2011 nadwo diini ah taas oo ay ka soo qeyb gali doonaa culumo kala duwan

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyey jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa waxaana uu xasuusiyey qiyaamaha iyo sababta loo abuuray .

Hoos Ka Dhageyso Dardaaranka Guud ee Sh Maxamed Cabdi Umal
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/ShUmal.mp3]

Sheekh Maxamud Shible ayaa isana Muxaadaro aad u qiimo badan ka jeedshay xalay  Masajidka imaamu Shaafici ee magaalada  Johannesburg waxaana uu sheekh Maxamuud Shible ka hadlay Waxyaabaha Ruxa ku ridi kara macsiyada ama galnimada taas oo ay dadweynihii si fiican uga faa,ideysteen

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Shible
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Shshible.mp3]

Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. asc wr wb walala mamaulka ee halgan.net jazakumulahu kheyran allah ajaar haidin kasiyo sida wanagsan oo aad ino guso gudbisan muxadiradka allah haidin kugu badalo wanaag
    .

  2. masha alaah ilaah ha xafido culumada hane ka xafido shayaadinta baneestey dhiiga culumada kheer keey wadaane ha ka siiyo ajar iyo xasanaad anagane hanagu anfaco… ragiina… halgan.net ilaah heeyni ka siiyo ajar iyo xasanaad anagane hanaga dhigu ku wii ku cimri qaatah ilaahne ku an faco insha alaah amiin amiin amiin… wabilaahi tow fiiq

  3. ASCALEYKUM JAZAAKUMULAAHU KHAYRAN MISAANKOODA XASANAATKA AAKHIRO ALLAHA UGU DARO ANAKANA ILLAAH SWT HANAGA DHIGO KUWII KA FAA’IDEYSTA KUNA DHAQMA AAMIIN.

  4. ilaahay ha xiftiyo culimada halgan.net ilaahay habarakeeyo khayr ka ay soo gudbinayaan markasta

  5. Asc waxaan rabaa ugu horayn in aan u mahad celiyo walaalaha maamulka Halgan.
    Sida wanaagsan ay muxaadaraadka culumada rabbaaniyiinta ah inoogu soo gudbiyaan.
    JzkAllaahu khayran. Culumadana Allaah waxaan u waydiinayaa inuu udhaafo dambigooda iyo kii waaridkoodba ajar iyo xasanaadna ka siiyo dacwada ay wadaan oo ay gudanayaan.
    Waxaan ku faraxsanahay anigoo north Europe jooga in aan toos ula socdo muxaadaraadka mutamarkasouth afrika. Taasina fadliga Allah sw ka sokow waxaa inoo suuragaliyay Halgan Waana uga mahad celineynaa. Waana u duceyneynaa.

  6. Asc wrwb

    Salaan ka dib waxaa mahad iska leh alle subxaanahu watacaala

    aad iyo ad ayey u mahadsanyihiin Halgan.net iyo khuburadeeda noo soo gudbiyaan muxadara walba oo cusub alle qeyr fara badan ha ka siiyo dhamantood

    iyo sida ay dacwada ugu taagan yihiin jzklq

    Asc wrwb

  7. khayrka aad soo gudbisaan khayr alle ha idiinku badalo

  8. halgan.net shukran waxaan rajaynaynaa inaad noosoo gudbisaan muxaadarooyinka southafrica culumadda ku qabandoonto

  9. Mashallah…waa muxadarooyin aad iyo aad u qiima badan

  10. Aad bam halgan.net uga mahad celinayaa sida ay dacwada ugu taagan yhiin had iyo jeer,Allah ha idin cafiyo.

Leave a comment

*