Sh.Maxamuud Shible oo na soo gaarsiyey qoraal uu uga warramayo wixii dhexmaray isaga iyo Sheekh Xasan Maxamuud Takar

December 7, 2011 - Written by

Sh.Maxamuud Shiikh Maxamed Shible ayaa caawa waxaa uu shabakadaha Somalireal iyo Halgan.net soo gaarsiiyey qoraal uu uga warramayo wixii dhexmaray isaga iyo wadaad lagu magacaabo Sh.Xassan Maxamuud Takar, wuxuuna qoraalka Sheikhu u dhignaa sidan:

 

Hordhac:

Anigoo ah Maxamuud Maxamed Shible waxaan dhagaystay kalimad kooban oo uu jeediyay Sh. Xassan Maxamuud Takar oo daba socotay muxaadaro uu jeediyay Sh. Maxamed Cabdi Umal oo uu kaga jawaabayey waxyaabo uu sheegay Sh. Xassan Maxamuud Takar. Waxaa kaliya oo aan wax ka dhahayaa waxii aniga iyo Sh. Xassan takar na dhexmaray waqti laga joogo ku dhawaad 10 sano, kuna saabsanaa muxaadaro uu jeediyay Sh. Xasan Maxamuud Takar aniguna aan waqtigaas wax ka waydiiyay culima kalena wax ka yidhaahdeen.

Muxaadarada

Waxay kamid ahayd muxaadarada Sh. Xassan Maxamuud Takar muxaadarooyin laga soo jeediyay kulan sanadeedka diiniga ah ee lagu qabto Sweden bisha June ama July Sh. Xassan Maxamuud Takar-na uu kaga qayb galay muxaadaradan inta aan  xasuusnahay. Waxaa waqtigaas lagu qaban jiray Holland oo aan deganaa kulan sanadeed diini ah oo dhaca bisha July dhexdeeda ama dhamaadkeeda, waxaana ka horeyn jiray mar kasta kulanka Sweden lagu qabto. Waxaa kasoo qeyb galay kulankii Holland lagu qabanayey Sh. Yuusuf  Axmed oo ah sheekha jooga markazka laga iibsaday Gotenberg, Sweden, kana mid ahaa culimadii lacagaha u aruurinayey dhismaha markazkaas.

Waxay Sh. Yuusuf iyo dadkii la socday keeneen cajaladihii laga soo duubay kulanka Sweden oo si aad ah looga xiisanayey wadamada Yurub, waxaana bilaabatay in dadka loo duubo. Sh. Yuusuf ayaa igala hadlay muxaadarada Shiikh. Xassan Maxamuud Takar oo  igu yidhi: Wax badan oo aan la yaabay ayaan ku arkay ee dhagayso inta aan dadka  loo duubin, hase ahaatee waxba iigama taaban waxa uu ku arkay.

Dhagaysiga Muxaadarada:

Waxaan dhagaystay muxaadaradii Sh. Xassan Maxamuud Takar, waxaana ku  celceliyay 3 jeer oo aan markii danbe qoraal ku sameeyay axaadiith badan iyo tafaasiir aanan horay u maqal si aan dib ugu laabto kutubta.Waxaan dib ugu laabtay kutubta axaadiithta iyo tafaasiirta intii aan heli karay, waxaana raadiyay sugnaanta axaadiith ku jirtay muxaadarada oo gaadhaysa ilaa 6 Xadiith iyo tafsiir aayado quraan ah.

Waxaa ii soo baxday in  aan muxaadarada ka xanibo duubitaanka.

Wada hadalkii aniga iyo Sh. Xassan Maxamuud Takar:

Waxaan raadiyay Sh. Xassan Maxamuud Takar oo waqtigaas joogay London, waxaana kula hadlay Telefoon, waxaan u sheegay in aan doonayo inaan wax ka waydiiyo muxaadaradaas, waxaana ka codsaday inuu waqti munaasab ah oo uu heli karo waraaqihii uu wax ku diyaariyay i ballamiyo. Sh. Xassan Maxamuud Takar waa iga aqbalay, waxuuna ballan ii qabtay waqti salaada cishaha ka dib u ahayd ayaga oo uu kusoo laabanayey guriga. Waxaan wada hadalnay waqti dheer oo saacad dhan ama ka badan, waxaana wax ka weydiinayey axaadiith iyo tafaasiir aan qaarkood dib ka sheegi doono in shaa Allaah.

Natiijada:

Wada hadalkaas dheer kadib waxaan ka waayey Sh. Xassan Maxamuud Takar wax uu meel iigu sheego, ama meel ii celiyo.

Waxaa ka mid ahaa waxii uu ii sheegay  intaan waraysiga iyo  waydinta ku jirnay:

1)      Inuu diyaariyay baxthi hase ahaatee uu kaga maqan yahay  Soomaaliya, waxa uu sheegayna ay kamid yihiin waxa uu ka xasuustay.

2)      In uu xamaasooday oo uu sheegay axaadiith uusan meelna ku xasuusan.

3)      In axaadiithta sanadkoodu daciifka yahay la saxiixin karo haddii uu waafaqo waxa jira (waaqica).

4)      In aan loo baahnayn tafaasiirta culimada markii wax la wacdinayo, ee loo baahan yahay markii wax la aqrinayo.

Waxaan ka codsaday Sh. Xassan Maxamuud Takar in uu cudurdaar ka bixiyo waxyaabaha aan sugnayn ee uu ku sheegay muxaadarada waana iga diiday codsigaas.

Waxaan u sheegay in aanan ka aamusi doonin oo ay qasab tahay in aan dadka uga digo waxa aan jirin ee uu ku sheegay muxaadarada, waxuuna igu yidhi taasi waa hanjabaad, aniguna waxaan ugu jawaabay sidaad doonto u qaado.

Talaabadii xigtay:

Waxaan waraaq u qoray Somalimedia oo ahayd qoladii duubtay Muaxaadarooyinka Sweden, waxaana ka codsaday in ay joojiyaan duubsita iyo faafinta muxaadarada, waxayna ku qornay carabi. Waxay ii sheegeen walaalihii waqtigaas joogay oo uu kamdi ahaa Axmed Dheere in ay u direen warqadii iyo cajaladiiba Sh. Shariif Cabdinuur, ka dib markuu dhagaystayna soo adkeeyay qoraalkaygii oo ay sidaas ku joojiyeen.

Intaas kadib:

Waxaan intaas kadib ka hadlay Paltalk-ga qolkii la dhihi jiray ( Somali Islamic Shcool) ama( Somali Alusunna Waljamaaca ) oo waqtigaas  camirnaa.

Waxaan halkaas kaga digay muxaadadara Sh. Xasan Maxamuud Takar, waxaana sheegay qeyb kamid ah waxii na dhexmaray iyo inay ku jiraan axaadiith been abuur ah.

Waxan ballan qaaday inaan ka hadli doono oo aan faah faahin doono waxa ka qaldan ee aan tilmaamay.

Sh. Bashiir Shiil

Waxaan wada hadalnay maalmihiiba Sh. Bashiir Yuusuf Shiil oo barnamijka fatawada u qaabilsanaa qolkaas Paltalk-ga ah, waxuuna ii sheegay inuu arkay cajaladaas waxa ku jira ee aan arkay. Waxaa kale oo uu ii sheegay inuu diyaariyay jawaab faah faahsan oo uu  ku qaadaa dhigayo axaadiithta iyio tafaasiirta ku jirta muxaadarada Sh. Xassan Maxamuud Takar. Waxaan iska daayay jawaabtii aan doonayey in aan bixiyo maadaama uu Sh. Bashiir Yuusuf Shiil ka jawaabayo, taasina aan is lahaa way ku filantahay.

Sh. Bashiir wuxuu qabtay muxaadaro 2 cajaladood noqotay, waana helay hase ahaatee mashquulka dartiis maanan dhagaysan, mana sii daba galin waqtigaas kadib.Ma jirto wax intaas dhaafsan oo aniga iyo Sh. Xassan Maxamuud Takar na dhexmaray ama uu ii helay axaadiithtii aan raadinayey, mana maqal wax jawaab ah oo uu ka bixiyay ruduudii lagaga hadlayey arrintaas.

Hadda iyo Gunaanad:

Muxaadaradii uu jeediyay Shiikh. Xassan Maxamuud Takar way taallaa halkan Nairobi iyo meela kaleba, wayna sahlantahay in lasoo bandhigo hadalkiisii oo sheegaya axaadiithta lagu haysto. Haddii Sh. Xassan Maxamuud Takar uu hayo jawaab dadka shaafisa oo  axaadiithtaas uu kaga jawaabay, waxaan dhihi lahaa haddaba hasoo gudbiyo. Waxaan aniga iyo dadkuba sugaynaa meesha ay ku yaalaan axaadiithtan soo socota oo kamid ah kuwii badnaa ee lagu haystay Sh. Xasan Maxamuud Takar:

(1)    Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?

(2)    Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?

(3)    Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?

(4)    Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?

(5)    Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka ?

Waxaan ka codsanayaa Sh. Xasan Maxamuud Takar in uu meel ku sheego axaadiithtaas ku jirta muxaadaradiisa aan ka hadlayno.

Waxaa Qoray/Sh. Maxamuud maxamed Shible

07-Dec 2011 Nairobi – Kenya

36 Comments so far

Leave a comment

  1. Culimada Soomaalidu hal qalad bay sameeyeen, halkaas qalad baana dhibta oo dhan aabo iyo hooyo u ah. Wadaadadu waxay galeen siyaasada, wax guul ah oo ay ka soo hooyeena ma jirto, mana soo muuqato. Miyaan la joogin xiligii ay dib uga joogsan lahaayeen, ee fidinta iyo daaficista diinta ay ku ekaan lahaayeen? Siyaasada qudheeda maaha inay ka talo baxaan, laakiin waa inay aqoontooda kobciyaan, una diyaar garoobaan. Wadaadadu siyaasada way ku fashilmeen, doorkii diineed ee lama taabtaanka ahaana inay luminayaan bay ku socdaan haatan. Wadada kaliye ee ay ugu yaraan doorkoodii diineed ku adkaysan karaan waa iyagoo siyaasadana ka fadhiista, Al-Shayaadiin (The so called Shabaab) na umada Soomaaliyeed si wadajir ah ugu cadeeya inay qaldanyihiin oo in la iska qabtaana ay daw tahay. Ololaha Al-shayadiin la iskaga qabanaayo waa in umada Soomaaliyeed oo idil, oo ay ku jiraan suufiyiinta, kooxda ku meel gaadhka, beelaha kala gadisan iyo cid kasta oo magac lihi ay u midawdo, culimaduna hormuud ka noqdaan. Sh Umal iyo qolyaha kale ee haatan ay Shabaabku u hanjabayaan waxa laga waayay intay goori goor ahayd nimankaan ha laga hor tago ee umada u iftiimiya; haatan markii godkii biyihii ugu soo galeen ayaa dhawaaq joogaa! Maxaa indheer garato loo noqon waayay ee marka ay talo dhacanto uun loo soo ooyaa? Saw meeshaas cilad wayni kuma jirto?

  2. ACW ALAH ayaa mahad leh subxanahu wa tacaalaa ilaah xaqa hana fahansiiyo kuwa toosnaaday ee aan xad gudbina ilaahay haynagu daro, walaala yaaloow badi culimada AL-Shabaab waa kuwaas raga u fidyooda ee furayaasha janada qaybiyaa waa ragaas NEBI MUXAMED calayhi salaatu wasalaam ku been abuuranaya raga culimada dhiigooda banaynayaa waa kuwaas kuwa jaahadkii xumaynayaa waa ku waas hadaba su,aasha aan idin waydiinayaa waxay tahat ragaas in qalin wax lagu yidhaahdaa ma ku filan tahay mise wax kalaa nooga banaan? teeda kale ninka darjiidha ciidan buu haystaa uu weliba janada isagu ka furayee maxaa xala ma inta ay ruux kastoo qiima leh qoorta goynayaan baan sugaynaa?
    Ilaahayoow xaqa nagu dil oo nagu noolee.

  3. asc. sheikh allaha ku xifdiyo cajaladaas waan arkay welina waan hayaa ayey ila tahay waxaana k mid ahaa dadkii ku xamaasooday laakin mardambe ayaan maqlay inay qaldanayd mana moodayn iney sidaa weyn u qaldan tahay ilaah baa mahad leh hadii umada laf=ga dhex qabto dadka habaabinaya insha allah ilaah waxaan ka baryayaa inuu culumadeena noo xifdiyo

  4. Asc. Sheikh Mohamud Allaah ha kuu denbi dhaafo , waxaa nasiib daro ah nin 10 sano kahor xadiith been abuuranayay oo meel nabad ah joogay maanta oo uu meel colaad jooga , maxaa ka filaysaa, culumada mar hore ayaa laga rabay in ay cadeeyaan dadka nuu caas oo kalle ah si aysan umada u fidneyn , waxaa kale oo intaa dheer in uu yahay muftiga kaliya ee raga jihaadka sheegta maanta heysaan . … caruurtii yar yareyd maxaa ka sugeysaa Wabilaahi towfiiq

  5. asc.xaqa iyo baadilka isuma eka, runta iyo beenta isuma eka, shiekha iyo sharwadaha isuma eka,cadowga somaliyeed iyo wadaniga somaliyeed isuma eka, culimada Alle hannoo xifdiyo sida sh.umal, sh.shible iyo kuwa afkaarta wanaagsan sharwada yaalkana Alle ummadda haka qabto

  6. As/c wr wb. Wexa eeysan culumada aqoonin diin ma aha ee wadaadkan meeshuu kakeenay axaadiithtan hacadeeyo hadiikale sowmaaha ? Qatarbuu kusuganyahay,Walxaqu yuqaal

  7. asc allaha xifdiyo culimada muslimiinta dhamaan waxaan aaminsanahay wadaadka lagu magacaabo xasan takar in uusan ahayn wadaad metela koox ama kawakiil ah waxaa laga yaabaa inuu la shaqeeyo cadawga ee halaga hortago afkaarta qatarta ah ee uu wado, haduu muslim yahayna haka tawbad keeno been abuuradka uu ku sameeyay suubanihii s c w

  8. asalaama calaykum
    waa xaq in lacadeeyo xaqa oo aan cidna loga habran waana xil saaran culimada dhamaantood culimadu kuwa geesiyaasha ah, waxaa kale oo aan ka codsanayaa sh maxamuud maxamed shibile iyo culimada lamidka ah in ay dadkii somaliyeed xal loo raadiyo xalkuna wuxuu ku jira diinteena oo looso noqod
    sheekh allaah ah ku xifdo labada daaroodba

  9. jazaakallaahu kheyraljazaa sheekhanaa illaahna wixii wanaagsan hana waafajiyo aniga lafteyda 2003 dii baan dhagaystey muxaadaradaas run ahaantiina waa waagii ciraaq laguduuley duulaankii dambe marka muxaadaraduna weyba is waafaqaysey waanana naxay waxaan is lahaa wax hareyba majiraan waatanaa bilaabantey midda dad badanbaa uuga taariikheeyey runtii qofku markuu dawanaayo muxaadaradaas waa wax run udhow cilmigeedana ma aan lahayn sheekha kheyr allaah siiyo midka muxaadarada soo jeediyeyna llaha dambigiisa dhaafo wixii khaldana ama shaki kujiro haloo celiyo culumada siduu rabi noo sheegayna(IS ALLUU AHALA DIKRI INKUNTUM LAA TACLAMUUN ) wabillaahi towfiiq

  10. Maa sha allah Aloow khayrka na waafajiyo Alow Culmadeena SOmaaliyeed meel kastoy jogaan khayr sii is jeclaysiina Allow mad madowga ka dhexsaar Alow Shiikh Shibili iyo Shiikha kale uu radinayo Xasan Takar ayagan noo wada xifdi iyo culumada kalaba. Amiin Amiin

  11. Allaah Akbar sheikunaql Faadil shiekh Maxamuud shibli Allaah ha xifdiyo Ajar iyo xasaan aan lasoo koobi karin allaah haka siiyo Allaahuma Aaaaaamiin …shiekh xassan Takar waxan Rajeynaa In uu si cilmiyeeysan ugu soo jawaabo oo Dadka qanciyo hana ka fogaado sidii cilmi darada eheed oo uu u hadlay Dhamaan alaah xaqqa hanagu hanuuniyo

  12. asc mashaa allaah waxaa isracay sh mahamed shibil iyo sh mahamed umal mashaa allaah runta waa inlacadeeyaa diinta logana jawabaa si nas ah anaga diinta weey noobax santahay ee culumada ha,iskadulqataan kuwa cara dooda qariyo kuwa dadka iska cafiyo ilahay muxsiniinta wuujecelyahay umal iyo shibil iska dulqata

  13. As-Salaamu ‘Alaykum..
    Ilaahay ha xifdiyo Sheekheena Sh Maxmuud iyo culimada oo dhanba, Umadda Soomaaliyeedna waxaan ilaahay ooga baryaynaa in uu imtixaanka ka kor qaado..

  14. BISMILLAHI,
    WAXAAN CULIMADA UGA DIGAYAA INAAN LAYSKU CAARIDHIN WEBSIDYADA OO WAA BANI-AADAME AY IS HOR FARIISTAAN WIXII KHALAD AHNA AY SAXAAN ISNA CAFIYAAN IYADOON CIDNA MARKHAATI U YEELIN OO AAN AHEYN ALLAH(SWT),WA BILLAHI TAWFIIQ.

  15. asc asxaabta waxaan idin ifinayaa doodaaan oo dhan u jeeedkeeda wx kale mahan waa in ninkaan xasan takar la ba xay uusan lahayn cilmi iyo diin midna hadana uuuba dalkiii u taagay in fatwo beenaad soo saaromarka in la ceebeeyo oo dadka loosheego waa muhiiim waadna mahadsantihiin

  16. mahadsanid sh. xhibille naqdintu waa in ay taas oo kale ahaataa lama rabo naqdin ah qofkii i raaci waayaa waa gaaloobay ama waa jaajuus naqdintu waa in cidkastaba la dhahaa waxaad hayso soo bandhig hana i dilin wada hadalkuna waa saas lakiin dhagihii waansami kara ayaa waan sama waanaqaanaa kooxdaan culimada looga taag la, yahay eediinta ku gabanaysa in aysan mesha xoog mooyee aysan wax kale ku hayn ilaahay ha xifdiyo culimada inta noo hadhay iyagana ilaahay ha soo hanuuniyo umadda somaliyedna alaah ibtilada ha ka saaro iyo kala qaybsanaanta xagga manhajka diiniga iyo midka qabaliga ah ba

  17. ACWRWB,

    Allaah waxaan ka baryaynaa inuu ku xafido adiga iyo culimada aan rajaynayno inay mukhlisiin yihiin.

    Hadda ka hor baan dhegaystay adigoo ka daafacaya Nabiga CSS dad si qaldan uga hadlay Nabigeenna CSS.

    Allaah haydin darajeeyo, Ilaah darti baan kugu jeclahay waana ku diirsadaa muxaadarooyinkaaga markaan dhegaysto. Yay idin simbiririxin fitanka socdaa, aad isu ilaaliya Allaah haydin ilaaliyee.

  18. as/w/w sheekh maxamuud ilaah haku xifdiyo adiga iyo culumadeena kalaba
    waxaan maqli jiray been low nin dhintay iyo nin fog ayuu marqaati gashadaa waxaan aad oola yaabay oo run ahaan tii wax xitaa caamadu ka xishoon lahey ah nin adiith sixadiisa laweydiiyey oo marqaati gashanayo shiikh xasaan (masri) warxadiith sixadiisa maxaa ku xiray sheekh fulaan baa mas aladaa muxaadara ka jeediyey?
    soo ma oga axaadiithtu in uu rabi subxaanah rag quluubtood kuxifdiyey oo ay ugaranayaan xadiith kasta siduu aabayaalkii ugaranayo,
    waxaan walaal xasan dhahayaa hanoqon kuwuu rasuulka ku tilmaamay (wa’idaa khaasama fajara)waxan waa been abuur rasuulkii ilaahey lagu been abuuranayo ama axaadiithta soo xaqiiji ama toobadkeen,
    mise warkii soomaalida ay dhihi jitay (rag iska celi iyo rabi kabaq meel mawada galaan miyaa xaalada )
    walaalaha culumada dhahaya usluub kale iyo niqaash gooni ah kadhiga arinta waxaan lee yahay sheekh maxamuud siduu cadeeyey wuu oolahadlay sigooni ah alakh xasan takar ayaa madax adeegay hadana wali kusii adkaysanayaa xujala aan warbaahintana kahadlaya marka waa in umada loo cadeeyaa xaqa run ahaantii sh umal iyo sheekh maxamuud ka shafweyn in xasan takar la niqaashaan laakin waxaan orankarnaa sidii saxaabigii waaliga ka ahaa kuufah xiligii cumar ibnu khadaab (rdw) ee ay soo eedee yeen ee yiri madooneynin in aan waxyaabahaan sheego balse waan qasbanahay oo kale ayey noqdeen waa qasban yihii in ey cirdigooda iyo diintooda iyo tan umada oodhan ay difaacaan.
    w w w

  19. xaashaaa!!!! waxaan ku jecelahay culimada xaqa ku taagan waligood minhaajkay banaanka soo dhigaan shikh shibile waa saxan yahy waxaana leenahay mudane takar waxa uu ugu biiray alshabaab waa kalsooni dari iyo culimadii waawenayd ooy isjiireen waxaan oran lahaa walaalka haya cajilada inuu usoo gudbiyo saxaafada si ay ushaaciso

  20. Asc salan kadib sheikh maxamud shibli ilahay ha barakeyo sida mar kasta xaqa u ugu hiliyo iyo culimada la mid ka ah? Intas ka dib waxan culimada somaliyed le yahay waqtigina aya la joga mar xaladana wa mar xaladi culimada somaliyed ayna in badan ka hadlan shababna ficiladoda foosha xun xun wad inad ka hadashid oo fadwa dini ah ad ka so sartin? Wa bilaahi towfiiq

  21. Ask, Jazaka Allaah Ya shiikh M.Shible xogta iyo xaqiiqada aad umadda u daahfurtay runtii waxay markhaanti ka tahay Ninka Nabiga SCW ku been abuurtay inay u sahlantahay inuu maantana Culimada Rabbaniyiinta ah ku been abuurto dhiiggoodana ku xalaashado been-abuur iyo mala-awaal ay iska dhaadhiciyeen isaga iyo ragiisa. Tolow ma dano aan islaam ahayn bay u adeegayaan waa yaabe ragga Nabiga SCW ku been abuuranaya ee dhallinta iyo bulshada muslimiinta jaahwareerinaya ee baabi’inayaa? Yaab! Tolow ma mustashriqiintii la sheegayey baa? Yaab? Allaah hayna hanuuniyo iyaga iyo Annagaba. Aamiin.

  22. asalaama calaykum.
    waan akhriyey warqaddii sheekh shibile ilaahay ha xafidee , waxaan kamid ahaa dadkii muxaadradaa copy ka helay anoo markaa fasax ku tegey norwey waxaana laimid usa, markii ladaawaday dadkii aad bay ulayaabeen waxaan xusuustaa nin copy ii samayanayey inuu yiri aan badiyo anoon cilmi sidaasa lahayn aan udiidey inuu badiyo waayo shaki ayaa iga galay wixii ku jirey , muddo kadib ayaan dhegaystay muxaadarada sheekh shibile uu kaga digayey oo ahayd pal talk sida sheekhu xusay kadibna waxaan iyana dhegaystey tii kale ee shiikh bashiir, run ahaantiina shakigii ayay iga saartey kadibna dadkii aan copyada siiyey waan uga wada digay iyagoo markaa aad ula dhacsanaa, calaa iyo kuli xaal hadalka sheekhu waa run anaa markhaati ka ah inuu dadka uga digey siwanaagsan ayaana u xusuutaa stepskii ay muxadaaradaasi martay.

    nabad gelyo.

  23. ASC JAZAAKALLAAHU KHAYRAN SH MAXAMUUD SHIBLE SHEEKHANAA HA SUGIN JAWAAB KA TIMAADA XASAN M TAKAR OO XAGEE BUU KA KEENI WAA WAX UU DAJIYEY ISAGUYE SUBXAANALLAAH WALLAKA XASAN TAKAR WAXAAN KULA TALINAYAA INUU KA LAABTO OO UU TAWBAD KEENO NABIGA CALAYHI SALAATU WASALAAM OO LAGU BEEN ABUURTO WAA DANBI WAYN WAXAAN KU XASUUSINAYAA XADIIS NABIGA KA SUGAN (من كذب علي متعمدا فليتبؤ مقعده من النار( WALAAL KA NOQO OO QAADO NASEEXADA CULIMADA.

  24. asc wr wb
    sheekhanaa jazaakallaahu kheeyran laakiin waxaan u baahanahay si aan u faa iideeysano in aad keen tid cod hadii aad kari kartid hadii kale naska kalimada eyadoo carabi ah si aan ooga faa iideeysano insha allaah wsc wr wb

  25. Alshabaab meesha iyo inta raacsan meesha diin kuma hayaan waxaana laga dhaqay wax alla wixii diin ahaa maskaxdooda kadibna waxaa la galiyey siday wax qarxin, shirqool iyo dili lahaayeen ayadoo loo sheegayo inay janno horay ka galayaan laakiin qof dad islaam dhiigooda bannaystay u malayn maayo. DADKA SOOMAALIYEED IYO CULUMADOODA WAXAA KA MAQAN ISKU DUUBNI INAY LA YIMAADAAN, IN WADANKA KACAAN LAGA BILAABO MIN HARGAYSA ILLAA XAMAR KADIBNA LALA DAGAALAMO AMA LALA HESHIIYO HADDII AY HESHIIS YEELAYAAN HADDII AY DIIDAANNA LA YIRAAHDO DALKA NOOGA BAXA, QABIIL QABIIL IYO GOBOL GOBOLAYSIGANA LAGA GUDBO OO LOO GUDBO NEW SOMALI NATIONALISM.STAND UP MY PEOPLE, STAND UP FOR YOUR DIGNITY, LIFE IN DIGNITY OR DIE IN DIGNITY EITHER WAY AND NO THIRD.

  26. Bismilaahi oo kadaabe sheekh ninka inaga gaadha hadana wuxu leeyahay culumada halalaayo shaydaanweeye reeryaysan

  27. Muxaadarada takar oo cod ah sii daaya si shakigu u yaraado.

  28. Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuh

    Sheekh Shible waa ku mahadsan yahay cusboonaysiintas uu nasoo xusuusiyay. Aniga Muxamed ahaan waan waraystay sheekha mar uu London sidaa oo kale cashar uu akhrinayay soo dhex galiyay mar uu fasirayay dajaal 40 malmood u aduunka joogayo oo uu sheegay meesha uu kaga soo dagayo madiina al munawarrah in boqor fahad guri ka dhistay Airport helocopters isticmalan laga dhisay marka sida uu Sheekh takar sheegay dajaal ayaa isticmalaya ayuu ku shegay madama 40 maalmod kaliyauu joogayo.

    1- Sheekha waxan ku dhahay sheekh sidaas fasirkeeda ma banaana nabigana sidas kuma fasirin waxa uu ku fasiray dameer waliba dhago dhaadher leh maalmaha qarkoodna ay sanad la eg yihiin. Sheeku wuxuu iigu jawabay kan ayaa sidan saxda ah macquulka ugu dhow.

    2- Cajaladaha sheekha sheegayo wali waan hayaa anigaba.

    Sheekh takar kaligiis ma ahan waxa qaba culumo kale oo carbed aya la qabta sida nimanka qoray Armagedon, Huulaakoo iyo kitaabo kale ay ku shegayan dagalkii ciraq in uu ku xigi doono mahdiga.

    Wassalmu Calaykum

  29. wsc

    runtii waxan ka qayb galay mutamarka oo aan goob jooge ka ah,waa sax sh shibiile warkiisu,habenkii u sh shibiile ka hadalayay paltalk waxan ka ahay goob joog waxu noo sheegay sh shikile inta u halka ku soo qoray,2002bayna ahayd.

  30. Asc wr wb aniga qudhayda muxaadaradaas waan dhagaystay waxaa kaloo ku jirtay in daarihii maraykanka ee la qarxiyay ay kamid tahay caalamaadka qiyaamaha isagoo u saaraniya in ay muslimiintu dumiyeen axaadiith sheegaysa in daarahaas muslimiintu ay dumin doonaana ay jirto waa arinka aan la yaabanahay nin sidaas u hadlay oo hadana ku noolaa wadanka UK si nabad ahna ugu noolaa oo aan loo xirin loona qabsan in uu yahay argagixiso hadana alshabaab ku biiray isagoo ka yimid wadanka UK sow xaajadu uma muuqato waxa ay ku eedaynayaan culumada magaca leh ee somaliyeed in alshabaab ay shaqadeeda tahay si target looga dhigto loona banaysto dhiiga umada muslimka ah meel kastoo ay joogto gaar ahaan kan culumada somaliyeed ilaahay ayaa mahad leh iga soo reebay alshabaab iyo hadafkeedii ahaa diin iyo dal dumiska iyo laynta umada somaliyed inteeda aqoonta leh walaahi waxaa iisoo baxaya waxyaabo badan oo cadaynaya in alshabaab ay yihiin duul waalan oo diinta alle ku raad gadanaya islaamkana ciribtiraya ilaahay ku waas umada ha tuso hana fadeexeeyo oo ha waayaan geed ay ku gabadaan sc wr wb

  31. ilaahay mahamud shibile haku barakeeyo adiyo culimada caqliga u saaxiibka ahba fadhiga ka kaca umada somaliyeed waxa kaliye ee maanta ay gar gaaar ka sugayso waa idinka waa dadkaas waxa soomaliya culimo isaga dhigaya caruurtana maalin walba ku shubaya dabaka oo waxan diin ahayn uga dhigaya dhalinyarada diin
    dadkaan cida kaliya ee maanta umada ka qaban karta waa idinka ilaahay haydin barakeeyo hana idinka xijaabo dhamaan waxii shar ah

  32. asc wrwb all subxaanalaaha ,,waa sheeko caruureed aad moodo maaweelo been ah. ;xadiis kulahaa; qof kastaa oon diinta wax macna leh aan ka aqoon inyar mooyee ayaa garan kara waxan xadiis ku sheega ah ee nabiga csw looga been abuurtay astaq firulaah ya alaah

  33. asalaamu calaykum
    waxaan ka codsan lahaa sheekha inuu axaadiith-tan carabi noogu soo qoro, tan kale masalada in laga daayo waxaasaan iri iyo saasuu yiri ee si cilmiyaysan looga hadlo ehela waad u tihiin si xaqu u cadaado.
    waadna mahadsan tihiin

  34. masha ALLAH, shiikh ALLAHA ku barakeeyo runtii arrinkaan waa arinka culumada lagu yaqaan iyadoon la is xag xagan oon la is cayn inuu ka dalbado adillada iyo cadaynta waloow ay ka fiicnaan laheed in ay is balansadaan.
    ilaahoow culumada somaliyeed dhexdooda wanaag dhig Aamiin

  35. kuwa sheekh umal uu weydiiyana waa jiraan oo sh xasan maxamuud takar laga rabo inuu ka jaawaabo

Leave a comment

*