Sh.Maxamuud Shible oo na soo gaarsiyey qoraal uu uga warramayo wixii dhexmaray isaga iyo Sheekh Xasan Maxamuud Takar
December 7, 2011 - Written bySh.Maxamuud Shiikh Maxamed Shible ayaa caawa waxaa uu shabakadaha Somalireal iyo Halgan.net soo gaarsiiyey qoraal uu uga warramayo wixii dhexmaray isaga iyo wadaad lagu magacaabo Sh.Xassan Maxamuud Takar, wuxuuna qoraalka Sheikhu u dhignaa sidan:
Hordhac:
Anigoo ah Maxamuud Maxamed Shible waxaan dhagaystay kalimad kooban oo uu jeediyay Sh. Xassan Maxamuud Takar oo daba socotay muxaadaro uu jeediyay Sh. Maxamed Cabdi Umal oo uu kaga jawaabayey waxyaabo uu sheegay Sh. Xassan Maxamuud Takar. Waxaa kaliya oo aan wax ka dhahayaa waxii aniga iyo Sh. Xassan takar na dhexmaray waqti laga joogo ku dhawaad 10 sano, kuna saabsanaa muxaadaro uu jeediyay Sh. Xasan Maxamuud Takar aniguna aan waqtigaas wax ka waydiiyay culima kalena wax ka yidhaahdeen.
Muxaadarada
Waxay kamid ahayd muxaadarada Sh. Xassan Maxamuud Takar muxaadarooyin laga soo jeediyay kulan sanadeedka diiniga ah ee lagu qabto Sweden bisha June ama July Sh. Xassan Maxamuud Takar-na uu kaga qayb galay muxaadaradan inta aan xasuusnahay. Waxaa waqtigaas lagu qaban jiray Holland oo aan deganaa kulan sanadeed diini ah oo dhaca bisha July dhexdeeda ama dhamaadkeeda, waxaana ka horeyn jiray mar kasta kulanka Sweden lagu qabto. Waxaa kasoo qeyb galay kulankii Holland lagu qabanayey Sh. Yuusuf Axmed oo ah sheekha jooga markazka laga iibsaday Gotenberg, Sweden, kana mid ahaa culimadii lacagaha u aruurinayey dhismaha markazkaas.
Waxay Sh. Yuusuf iyo dadkii la socday keeneen cajaladihii laga soo duubay kulanka Sweden oo si aad ah looga xiisanayey wadamada Yurub, waxaana bilaabatay in dadka loo duubo. Sh. Yuusuf ayaa igala hadlay muxaadarada Shiikh. Xassan Maxamuud Takar oo igu yidhi: Wax badan oo aan la yaabay ayaan ku arkay ee dhagayso inta aan dadka loo duubin, hase ahaatee waxba iigama taaban waxa uu ku arkay.
Dhagaysiga Muxaadarada:
Waxaan dhagaystay muxaadaradii Sh. Xassan Maxamuud Takar, waxaana ku celceliyay 3 jeer oo aan markii danbe qoraal ku sameeyay axaadiith badan iyo tafaasiir aanan horay u maqal si aan dib ugu laabto kutubta.Waxaan dib ugu laabtay kutubta axaadiithta iyo tafaasiirta intii aan heli karay, waxaana raadiyay sugnaanta axaadiith ku jirtay muxaadarada oo gaadhaysa ilaa 6 Xadiith iyo tafsiir aayado quraan ah.
Waxaa ii soo baxday in aan muxaadarada ka xanibo duubitaanka.
Wada hadalkii aniga iyo Sh. Xassan Maxamuud Takar:
Waxaan raadiyay Sh. Xassan Maxamuud Takar oo waqtigaas joogay London, waxaana kula hadlay Telefoon, waxaan u sheegay in aan doonayo inaan wax ka waydiiyo muxaadaradaas, waxaana ka codsaday inuu waqti munaasab ah oo uu heli karo waraaqihii uu wax ku diyaariyay i ballamiyo. Sh. Xassan Maxamuud Takar waa iga aqbalay, waxuuna ballan ii qabtay waqti salaada cishaha ka dib u ahayd ayaga oo uu kusoo laabanayey guriga. Waxaan wada hadalnay waqti dheer oo saacad dhan ama ka badan, waxaana wax ka weydiinayey axaadiith iyo tafaasiir aan qaarkood dib ka sheegi doono in shaa Allaah.
Natiijada:
Wada hadalkaas dheer kadib waxaan ka waayey Sh. Xassan Maxamuud Takar wax uu meel iigu sheego, ama meel ii celiyo.
Waxaa ka mid ahaa waxii uu ii sheegay intaan waraysiga iyo waydinta ku jirnay:
1) Inuu diyaariyay baxthi hase ahaatee uu kaga maqan yahay Soomaaliya, waxa uu sheegayna ay kamid yihiin waxa uu ka xasuustay.
2) In uu xamaasooday oo uu sheegay axaadiith uusan meelna ku xasuusan.
3) In axaadiithta sanadkoodu daciifka yahay la saxiixin karo haddii uu waafaqo waxa jira (waaqica).
4) In aan loo baahnayn tafaasiirta culimada markii wax la wacdinayo, ee loo baahan yahay markii wax la aqrinayo.
Waxaan ka codsaday Sh. Xassan Maxamuud Takar in uu cudurdaar ka bixiyo waxyaabaha aan sugnayn ee uu ku sheegay muxaadarada waana iga diiday codsigaas.
Waxaan u sheegay in aanan ka aamusi doonin oo ay qasab tahay in aan dadka uga digo waxa aan jirin ee uu ku sheegay muxaadarada, waxuuna igu yidhi taasi waa hanjabaad, aniguna waxaan ugu jawaabay sidaad doonto u qaado.
Talaabadii xigtay:
Waxaan waraaq u qoray Somalimedia oo ahayd qoladii duubtay Muaxaadarooyinka Sweden, waxaana ka codsaday in ay joojiyaan duubsita iyo faafinta muxaadarada, waxayna ku qornay carabi. Waxay ii sheegeen walaalihii waqtigaas joogay oo uu kamdi ahaa Axmed Dheere in ay u direen warqadii iyo cajaladiiba Sh. Shariif Cabdinuur, ka dib markuu dhagaystayna soo adkeeyay qoraalkaygii oo ay sidaas ku joojiyeen.
Intaas kadib:
Waxaan intaas kadib ka hadlay Paltalk-ga qolkii la dhihi jiray ( Somali Islamic Shcool) ama( Somali Alusunna Waljamaaca ) oo waqtigaas camirnaa.
Waxaan halkaas kaga digay muxaadadara Sh. Xasan Maxamuud Takar, waxaana sheegay qeyb kamid ah waxii na dhexmaray iyo inay ku jiraan axaadiith been abuur ah.
Waxan ballan qaaday inaan ka hadli doono oo aan faah faahin doono waxa ka qaldan ee aan tilmaamay.
Sh. Bashiir Shiil
Waxaan wada hadalnay maalmihiiba Sh. Bashiir Yuusuf Shiil oo barnamijka fatawada u qaabilsanaa qolkaas Paltalk-ga ah, waxuuna ii sheegay inuu arkay cajaladaas waxa ku jira ee aan arkay. Waxaa kale oo uu ii sheegay inuu diyaariyay jawaab faah faahsan oo uu ku qaadaa dhigayo axaadiithta iyio tafaasiirta ku jirta muxaadarada Sh. Xassan Maxamuud Takar. Waxaan iska daayay jawaabtii aan doonayey in aan bixiyo maadaama uu Sh. Bashiir Yuusuf Shiil ka jawaabayo, taasina aan is lahaa way ku filantahay.
Sh. Bashiir wuxuu qabtay muxaadaro 2 cajaladood noqotay, waana helay hase ahaatee mashquulka dartiis maanan dhagaysan, mana sii daba galin waqtigaas kadib.Ma jirto wax intaas dhaafsan oo aniga iyo Sh. Xassan Maxamuud Takar na dhexmaray ama uu ii helay axaadiithtii aan raadinayey, mana maqal wax jawaab ah oo uu ka bixiyay ruduudii lagaga hadlayey arrintaas.
Hadda iyo Gunaanad:
Muxaadaradii uu jeediyay Shiikh. Xassan Maxamuud Takar way taallaa halkan Nairobi iyo meela kaleba, wayna sahlantahay in lasoo bandhigo hadalkiisii oo sheegaya axaadiithta lagu haysto. Haddii Sh. Xassan Maxamuud Takar uu hayo jawaab dadka shaafisa oo axaadiithtaas uu kaga jawaabay, waxaan dhihi lahaa haddaba hasoo gudbiyo. Waxaan aniga iyo dadkuba sugaynaa meesha ay ku yaalaan axaadiithtan soo socota oo kamid ah kuwii badnaa ee lagu haystay Sh. Xasan Maxamuud Takar:
(1) Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?
(2) Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?
(3) Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?
(4) Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?
(5) Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka ?
Waxaan ka codsanayaa Sh. Xasan Maxamuud Takar in uu meel ku sheego axaadiithtaas ku jirta muxaadaradiisa aan ka hadlayno.
Waxaa Qoray/Sh. Maxamuud maxamed Shible
07-Dec 2011 Nairobi – Kenya

.gif)

