Sh.Maxamuud Shible oo na soo gaarsiyey qoraal uu mar labaad Sh.Xassan Takar uga codsanayo inuu meel ku sheego Axaadiith been abuur ah

December 16, 2011 - Written by

Khamiis, December 16, 2011 Sh.Maxamuud Sh.Maxamed Shible oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa qoraal uu soo gaarsiiyey Shabakaddaha wararka Halgan.net iyo Somalireal.com waxaa uu mar kale kaga codsaday Sh xassan Maxamuud Takar in uu meel ku sheego Axaadiis  been abuur ah oo uu horay u sheegay.

Qoraalka Shikh Maxamed Shible ayaa waxaa uu u qornaa sida tan.

Sh.Maxamuud Sh.Maxamed Shible ayaa waxa uu shabakadaha Somalireal.com iyo Halgan.net soo gaarsiiyey qoraal kale oo uu Sheikh Xasan Maxamuud Takar uga dalbanayo inuu meel ku sheego Axaadiith been abuur ah oo uu horey u sheegay, wuxuuna qoraalka Sheikhu u dhignaa sidan:.

Mar Kale iyo Codsigii  Sh. Xassan Takar

Waxaan dhagaystay kalimad kooban oo uu sh. Xassan Takar kaga jawaabay axaadiith-tii aan ka codsaday inuu meel ku sheego.

Waxaan dhamaan u xaqiijinayaa akhristayaasha qoraaladan qodobada  soo socda:

1)      Sh. Xassan Maxamuud Takar maanu inkirin in axaadiith-taas uu ku sheegay muxaadaradiisa, mana filayo in taasi dhici karto oo waxaa la hayaa muxaadaradii lafteeda.

2)      Sh. Xasan Takar kitaabta uu sheegay inta wax galka ah ee riwaayaad-ka iyo axaadiith-ta warisa waan wada hayaa, waxaana ka raadiyay ayaga iyo kitaabta kaleba mudo ku dhaw 10 sano.

3)      Waxaa dhamaan sh. Xassan iyo inta kaleba u xaqiijinayaa in axaadiith-taas aan waydiiyay aanay ku jirin kitaabta soo socota oo uu sheegay inuu kasoo diyaariyay muxaadaradaas:

  1. Kitaabka ” Al-fitan ” ee Nuceym ibnu Xamaad sheekha Imaamul Bukhaari.
  2. Kitaabka “Ashraadu-ssaaca” ee Imaam Barzanji.
  3. Kitaabka Mahdiga ee Ibnu xajar Al-haytami.
  4. Kitaabka C/caziiz Kaamil ee labada kun uu ka qoray.
  5. Kitaabka Dr. safar Al-xawaali.

Codsi Mar kale:

Waxaan Sh. Xassan Maxamuud Takar ka codsanayaa mar labaad in sidii culimada lagu yaqiinay  meel ugu sheego axaadiith-ta oo kala ah:

(1)    Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?

(2)    Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?

(3)    Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?

(4)    Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?

(5)    Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka?

Axaadiith-ta daciifka ah:

Waxaan ka dhagaystay Sh. Xassan maxamuud Takar in axaadiith-ta daciifka ah loo daliishan karo baabka tarqiib iyo tarhiib, fadaa’il Al- acmaal, waxaan ku tacliiqin lahaa 5-tan qodob:

1-      Waa sidaas uu sheegay Sh. Xassan Maxamuud Takar in ay qabaan culima badan, laakiin ma ahan Axaadiith-tan aan ka hadlayno daciif ee waa Mawduuc ( Been abuur).

2-      Waxaan rajaynayaa in Sh. Xassan Maxamuud Takar igu waafaqayo in Axaadiith-ta mawduuca (Been abuurka ) ah aan meelnaba loo daliishan karin oo aan culimada xadiith-ku isku khilaafin.

3-      Waxaa kale oo aan rajaynayaa in uu igu waafaqayo in axaadiith-ta mawduuca ( been abuurka ) ah waajib diini ah tahay in la cadeeyo oo umadda laga qabto.

4-      Waxaa kale oo aan ka rajaynayaa in Sh. Xassan Maxamuud Takar igu waafaqayo in samaynta axaadiith Mawduuc (Been abuur) ah kamid tahay xaaraanta ugu waawayn danbiyada la galo, culimada qaarkoodna qabaan in lagu gaaloobayo.

5-      Axaadiith-tani ma ahan Daciif ee Waa mawduuc ( Been abuur ) kumana taalo meel kamid ah kitaabta intaan ogahay, oo sheegaa ma dhaaftee meel haku sheego.

Sidaas darteed:

Waxaan Sh. Xassan Maxamuud Takar uga codsanayaa si xeel dheer oo celcelis leh:

In axaadiith-taas sheego kitaabka ay ku qoran tahay iyo meesha ay kaga qoran tahay ?

Waxaan ka aqbali lahaa ugana mahad celin lahaa haddii uu ku sheego tan iyo kutubta lagu aruuriyay axaadiith-ta been abuurka ( Mawduuca ) ah !!.

Haddiise Sh. Xassan Maxamuud Takar meelnaba ku sheegi karin axaadiith-taas uu asagu sheegay in Nabigu SCW yidhi, waxaan ka codsanayaa in uu ka bixiyo Cudurdaar si baabkaas loo xidho.

Xasuusin:

–          Waxaan xasuusinayaa Sh. Xassan Maxamuud Takar in maanta tahay aduun barina tahay aakhiro, qof walibana qaldami karo, laakiin ay tahay in aanu ku adkaysan qaladka uu galo, gaar ahaan midkan oo kale.

–          Waxaa kale oo aan xasuusinayaa dhamaan aqristayaasha in haddii Sh. Xassan Maxamuud Takar meel ku sheegi waayo axaadiith-taas in loo qaadanayo in asagu sameeyay oo ay tahay been abuur (Mawduuc ) uu diiday in uu ka cudurdaarto.

–          Waxaan xasuusinayaa dhammaan aqristayaasha qoralkayga in qofkii ay ku cadaato in uu sameeyay axaadiith been abuur ah ( Mawduuc ) aanay banaanayn in diin iyo aduun toona wax laga rumaysto, inta uu nool yahayna aanu gali karin marqaati wax yar iyo wax wayn toona.

–       Waxaan xasuusinayaa dhamaan inta qoraalkaygani gaadho in ay waajib ku tahay Xarakada Al-shabaab in ay ka mamnuucaan qof kasta oo ay ku cadaato in uu ku been abuurtay  Nabiga Scw in uu ka hadlo diin, danbina tahay in loo ogolaado ka hadalka diinta qof Nabiga Scw waxuu doono ka sheegaya ama ku been abuuranaya.

Gunaanad:

Hadaba si aanay taasi u dhicin waxaan Sh. Xassan Maxamuud Takar ka codsanayaa in uu is bari yeelo oo axaadiith-taas si toos ah meel ugu sheego.

 Waxaa Qorey /

Sh. Maxamuud Maxamed Shible

49 Comments so far

Leave a comment

  1. dhamaantiin wan idin salaamayaa salaan kadib waxan leeyahay walaalka soo qorayay jawaabaha uu ugu jawaabayo sh umal iyi sh shible . islmaba lahan waxad soo qortay iyo waxa labada sheeq eey hdeheen kutabaa waan kaweeynay waxan ku dhihi lahaa kulaabo afarta qodob oo ku qoran axaadista uu afsomaliyeey sh shib uu leeyahay waan ku heestaa sh takar waad mahadsantihiin e

  2. ASCWW inaa li laahi wa inaa ilahi raajicuun dhaman akhriste yaasha iyo dhamaan umada somaliyeed ee islamka ah iyo walibo dhaman shucuubta kale ee islamka ah. waxan raba inaan wax yar ka dhoho hadalka kalmad ku sabsan been abuurka lagu been abuuranayo NNNKH, in kasta oo anan haneen shiikh hadana waxan wayan hadana waxan doonayaa inaan inta aan ka aqaan diinta islmaka ku difaaco iyo in laga sheego NNNKH been, hadaba NNNKH waxa uu yiri( man axdatha fii amarinaa haada maa laysa minhu fa huwa radun) qofka ku soo dara ama keena waxa aan ka mid aheen amarkeena oo kan ha wax aan ka mid aheen waa lagu celinayaa. xadith kale waxa uu nabigu ku yiri, qofka igu been abuurta isaga og ha u diyar garoobo meesha uu narta ka gali lahaa. marka waxan baraarujinayaa in aaan lagu dheeli karin beena laga shiigi karin xadithta rasuulka CSWS. NNNKH waxa uu yiri qofka islmaka ah waa ku dhici karaa zino ama dil uu qof dilo lakin been ma sheegi karo. marka iyada oo bentu umada islamka ah ay ka tahay xaran hadana in laga sii been sheego NNNKH ayaa ka sii daran oo ah arin ka khatarsan, marka sheikh Hassan Mohamud Takar waxa ka codasanayaa inuu sheego meesha ay ku jiran axadithtan, waxana leeyahay sheikha ilahay rali ha inaka wada noqdo dhamanteen ee xassanow ma ah axadithta rasuulku CSWS tiknolagid ama wax cusub oo malinbo wax laga badalo ee waa sharciga islamaka ee dhabta ah, waana hadalkii NNNKH oo ah Khatamu Nabiyiin, marka sheikh xassanow meel soo saar xadithtas si loowada arko oo loogu qanco hadii kalese sheikh ilahay ka baq oo ku dhawaq oo iclami in ay yihiin waxaan jirin iyo (Mawduuc)Been abuur maxa yeelay manta oo aduun ah waxa ka dameesa aakhiro oo malin adag ah oo qof walibo uu hor isatagayo ilahay isaga oo aan turjumaan la socon loona kala turjumeen isaga iyo ilahay. tobaduna sheekh way furantahay ila inta naftu imanayso kalxanta ama qoraxdu ka soo baxayso dhanka ay u dhacdo, marka sheikh xassanow ilahay ka cabso hadii aad u haysid kitab xadith yadan keen ama sheeg wa la wada raadin, ilee diintu waa diin qura oo wax ben laga shegi karo maha ee, diintune waa 1.Qala Alahu tacala2. Qala Rasuululaahi, wixii ka soo hara waa ijmacul culamaa. wax aan intaa aheen ma hayo anigu sheikh intuna waxay ku sugnyihiin kibtabka ilahay iyo sunada nabiga CSWS, xasanow ilahay ka cabso hadii anay jirin xadith yadan ama aadan u ahayn sal iyo rad cadee,( INALAHA LAA YASTAXYII MINAL XAQ) hadii kale se waxan kuu aqoon saneenaa inaad been ku soo dartay iyo waxa aan sal iyo rad laheen axadithta NNKH, shiikh ayaad noo tahay ee sheikh runta ka sheeg waxa lagugu haysto ee ah xadithtan ama cadee in ay tahay been abuur.
    waxii aan gafay ilahay ha iga cafiyo waxa aan saxayna ilahay ha iga abaal mariyo, naftayda,akhriste yaasha iyo culimada, waxan ilahay u wydiinayaa kuwa hadalka kiisa san qaata inuu inaka dhigo kiisa xuna isaga diga, ilahay ayaa awood u leh ee. wana idi salamayaa dhamantiin ACS

  3. maasha allaah shiikh shibile waan filayaa inuu arintaa lafo guray oo uu kutubtii layaqaanay ka waayay,kolka hadalku waa cadyahaye xasan takarow “tanu sheege ma dhaafto” waa mide hadii aad sheegto halkay ku yaaliin waxay noqonaysaa cilmi aad culimada dheertahay waanana hubaa inaad taageero badan ku helayso,tan kale anagiina shakigu waanaga baxayaa.

    xasan takar jawaabtiisii waxaa uu ku sheegay inuu u tilmaamay shibile kitaabka tirmidi balse nasiibdaro laga waaa!!!!!

    codsi \:\\ halgan.net fadlan sida qurxoonee aad noogu soo gudbiseen noogu radiya cajiladahaas waa mu’tamarkii xagaagii 03 ee scandinevia allaha idin xifdiyee

  4. as c jazakalaahu khar shekh shible
    sida wanaag san ee aad uu hor istaagtay ku been abuurashada nebigena suban scw waana waajib qof kasta oo muslim ah in uu beer abuurkan oo kale ka hadlo haday arin saxiix ah noqoto oo xathistan laga waayo kutubta iyo mel kaleba
    shekh xasan takar waxaan leyahay sheekhow alle ka baq oo iska daa
    been abuurkan haduu run yahay iyo kan aad shekh yada aad ku been abuuran sida oo kale
    alle uga cabso naftada in aad dhiig muslim banaysato oo aad u fadwoto dhalin yaro aan cilmi weyn lahan ama lahan ba kadibna sidaa aay nar ku mutastan marka adunka ka dharso fidnadiisa adigu ha u bilaabine koley waad dhex gashee toobada alle wa furan tahay ee alle u so laabo adiga oo sii gar ah naftada ula tashanaya as c

  5. asalamucalaymuk sheikh maxamuud shible jazakalah khayr .sh.xasan takar walaal waxaa laga doonayaa in aad cadeeyo meesha ay ku qorantahay xathisyadan. hadii ay moowluuc tahay ama aysen ku sugneyn walaal sheekh xasan takar waxaan ku leeyahay ilaahey kheyr ka ku siiyo ee maanta waa aduunyo barrina waa aakhiro ka tobadkeen inta ay goori goortahay. MAHADSANID

  6. asw: Waxaan hada joojiyey inaan ku dhaqmo fatwadii culimada sh xasaan xuseen ama sh xasan takar ee ku aadanayd in culimada la laayo ama aduunka la dhaafiyo. mar hadii ay dhacay in rasuulka lagu been abuuranayo culimada qaarkeed ee ku dhow dhow sh takarna ay ka aamuseen. naftayda inaan naar ka badbaadiyo xaq bay igu tahay iyaguna tooda ayay leeyihiin. aniga ayaa la i waydiinayaa culimada ama muslimka kale ee aan dhiigiisa daadiyo waxa ii muuqatay mar haddii allaah yiri waa la waydiin gabadhii yaradyd ee la aasay xiligii jaahiliyada waxa ay galabsatay ee nafteeda loo diley { واذا الموؤدة سئلت بأي ذنب قتلت } maxay kula tahay culimada xambaarsan dhaxalka rasuulka scw ee dhiigooda la daadinayo ama naloo diray inaan daadino iyagoo sooman, tukanaya ama dacwo fidinaya. ALLAAH HALA XUSUUSTO MARKA HORTIISA AAN TAGNO INAGA OO DHIIG MUSLIM QABNA. Sh Takar waxa u fiican inuu hada aqbal ayay towbadu leedahay ee uu ka noqdo rasuulka uu ku been abuurtay iyo dhiiga culimada uu fatwooday in la daadiyo. asw

  7. ASC. Walaala yaal, waxaan ahay qof xog ogaal ah,waxa loo kashifay Sh.Takar waqtigan ayaan rabaa inaan idiin sheeko.

    Waqti badan ayaa laga codsaday inuu ka laabto been abuurka loo ceeb asturo, laakiin waa lagu guul dareeystay. Iyada oo aay taasi jirto ayuu Khudbad xagjirnimo ah ka jeediyay Beeydhabo, waana taas mida keentay in umadda loo soo bandhigo si umada looga qabto shartiisa.

    Codsi ku Muslimiinta KENYA gaar ahaan Culimada:
    Waa in Sh. Hassan Xussen umada laga qabtaa, xattaa ha noqoto in muxaadarooyinka iyo warbaahinta laga mamnuuco.
    Waxaa wax lala yaabo ah, in askarta KENYA loo diray gudaha Soomaaliya, si Alshabaab loola dagaalamo, Sh. Hassana uu Nairoobi ka fadwoodo in la daadiyo dhiiga SHACABKA KENYA!!!!!!!!!!!

  8. KU: ABU CABDULLAAHI.

    Walaal macaane waan kugu raacsanahay fikirkaaga. lakiin adigu qoraalkayga gaaban ee kore ma aadan fahmin baan filayaa.

    Sheekheenna Shibli ilaahay ha xafidee ayaan qoraalkiisa ka fahmay inuu lee yahay (war shabaabow TAKAR uun iska qabta sidii ay ayagu yihiin dad saxan).

    Shabaabka dacwaday wadaan oo dhan ayaa been abuur iyo qardo-jeex ah. waxaan jeclaa inaan sheekheennu shabaabka noogu ekaysiin inay ok uun yihiin mar hadday Mr TAKAR is ka qabtaan.

    Shabaab haddii culimadu naqdin lahayd halkaas naguma gaareen!!

  9. TO salafi: walaal ma waxay kula tahay ku shabaab horjooga inay waxba ku dhaamaan takar xaga canaadka. Shabaab hadii waxa ay wadaan tahay diin maxdi ah mar hore bay takarka ay sheikhul mujaahidiia ka dhigteen qaban la haayee. Bal waxaa ay ku khasbanyihiin inay xiraan oo maxkamad kusaaraan been abuurkan uu nabiga ku been abuurtay maadaama ay sheeganayaan imaaro islaami ah Laakiin, nin meeli ucadahay meeli ka madow. Shabaab hadda waxaa u daran cid nimanka culimada ah ee ay ubixiyeen culimaa usuu’ ka qabata oo soo cayda, waxayna u arkaanin xasan takar yahay perfect guy for that job. Shabaabi diin nooma hayaan cidii iyaga diin shareeco kasugtaana waa siduu ilaahay yiri oo kale ‘kasaraabin biqiicatin yaxsabuhidham’aanu maa’an xataa izaa ataahu lam yajidhu shay’an

  10. Shabaabow TAKAR uun iska qabta, adinku ok baadtihiine ma ahaynwax looga fadhiyay sheekhayaga SHIBLI

  11. AAWW
    Maashaa Allah, shabaab ma jecli waan necbahay, waayo dadka indhaha iyo caqliga ama culimada u ah oo FADWADA u iclaaminaya waa kuwaas nabigeenii suubaa CSW ku been abuuranaya, nin NABIGII KU BEEN ABUURTEY NIN UU IIMAAN U YAHAAY MUXUU II KEENI KARAA, MAXAASE LAGA FAAIIDI KARAA? waxaa laga faaiidi karaa DULINIMO ADUUN IYO CADAAB aakhiro, qof ashahaadanay in la dilo diinta kuma maqal hadii uusan ahayn arinta quraanka ku cad sida qisaasta iwm, hadii uu qofku ayaga ka horyimado oo uu tukanayo waa dilayaan, khaasatan waxay ku eegtaan markay masaajidyada kasoo baxayaan oo dadku ay ALLE usoo sujuudeen, waa wax laga naxo diin noocee ah ayey haysaan, shaki weyn iyo mucjiso ayey Somaliya kusoo siyaadiyeen, Laakiin Allah SWT waa og yahay xigmad baana ku jirta waxa soconaya, ee ALLAH haloo noqdo, Sheekh Takaroow Rasuulka SCW wuxuu yiri Bini’aadamku waa qaldamaan, waxaana ugu khayr badan kan kasoo noqda( quraanka akhriso inta Ayyadood (Inalah qufuru raxiim), soo noqo waxba kugu dhici mayaan, is adkayna iyo inkiraadu waa calaamadaha jaahiliyada, no one is perfect, we are humane being, please return to Allah, try to repent to Allah before reappearance

  12. asalamucalaymuk sheikh shible jazakalah khayr xasan takar wa in uu sheego meesha ay ku qorantahay xathisyadan hadii ay beentiis tahay ka tobadkeeno anigu waligay ma maqlin kuwan oo kale subhan allahi allah ayan ka magan galay wixii ummada been abuur ay ku shegayan hadalkii nabiga csw illah in u ka nabad galiyo amiin

  13. Kalimatu xaq yuriidu bihaa al baadil bay aniga iila muuqaraa qoraalka Shibile waana qayb ka mid ah Duulaanka ay shabaab ku hayaaan , waa laga yaabaa in TAKAR ku qaldan yahay axaadistaan lakin xiliga lagu beegay iyo qaabka loo qorshaynayo ayaa shaki badan leh . maxaa awal oo dhan looga hadli waayey , tan kale waxaa iga yaaabiyey niman Khawaarij uu u yaqaaan oo Dilkoodu banaan yahay oo waliba ilaahay loogu dhwaaanayo Waa sida ay tahaye hadii ay khawaarij yihiin ayaa hadana culimadoodii iyo diin looga sheekaynayaaa oo la leeyahay kaas khidaabka diiniga ah u diida , kaasna u ogolaaado KKK

  14. asc calaykum ikhwani sh. taka kalmadii ugu danbeesay. ayaa jawaab laga waayay. wali hadala xuxun ayuu ku hadlaa sida ribay cunaan dadka xoolahoode dhacaan, billahi calaykum. noo sheeg kitaabka numberka cia qortay sanadka. umada oo dhan hakaa faaideystaan. maxaadaro, kaama dooneeyno. jawaab bas ku gaabso. mida umada qaarkood waxay isweydiinayaan maxaaa laga rabaa 10sano kahor arinka lakiin qofkii wax fahmaya. gunta laga leeyahay. waxaa waaye sh. takar hadii umada lagu fasaxo oo sidaa lagu daayo. wax badan ayuu haleenayaa. waa in lacadeeyo ileen diin buu aqrinayaa. ee maaaha arinkale bilahi calaykum fahma fiqiga meesha ku jira sh. takar markii hore majhool ayuu ahaa yacni lama garaneeynin. lakiin hada dad badaa dhageesto. culumada keyr allah siiyo waxa laga hortagaayo waa fitanka ka imaankaro, sh. takar diiniyan iyo dunwaaniyan. dabcan 10kii sano iyo arinkaan. iyo sidaan u karo wakaa

  15. Tagar ninka la yiraahdo anigu afkayga shiikh inaan ugu yeero ma karo nin been abuur kii u sareeyay gaystay, dilka culimada saalixiinta ahna banaystay. Hase ahaatee ninkaasi waa dambiile wayn sheekadiisana shiikh umul baa soo afjaray ee waxba yaanan lagu meeraysan cadee iyo meel ku sheeg wuxuu u bareeray oo qasdigeedu yahay in dad lagu laayo aan waxba galabsan ee xukun islaamiya halagu rido sidii laga yeelayo culimada ha cadayso maalintii la soo qabto ayaa lagu fulinayaa haduu Alla idmo. Waxaase iga yaabiyay raga nin ka mida aya yiri anivu alshabaab waan taageersanahay tagarna arinka uu ku jiro waa lagaga gar leeyahay taamacnaheedu ma tahay dilkii shiikh ahmed abdirahman ay shabaab dishay waan ku raacsanahay.. Allow amuuraha sahal xaalku ma fiicnee..

  16. KU: Sh. Mohamud Mohamed Shible:

    Salaanta Islaamka ee qiimaha badan ka dib, Sheekhanaa waxaan kaa codsanayaa in Ina Takar hada meelbuu noogu xiranyahaye in bal aad Gadaal wada u milicsatay oo Xasaan Xuseen warkiisa meel naga saartid <> diinta waxaas qabta meel loo helo. Sidoo kale xasaan xuseen Dilka culimada ninkii ugu horeeeyay oo ku hidaaqay buu ahaa <> warkaas dhiigu ka qubanayo waa in meel loo helo, oo waliba dariska kasoo qulqulaya.

  17. Ascwrwb

    Mahad oo dhan Allah bay u sugnaantay, Nabadgalyo iyo naxariisna suubanaha baa leh.

    Allah ha kugu abaal marayo wanaag badan sheekhana, walaakin waxaan yaabay Qodobka xasuusinta ee maqaalka u danbeeya ee Al shabaab ku socda: waaba sidii adigoo la hadlaya dad quman oo ayagu beenta iyo been abuurka lagu aqoon, xaalkuse waa in been abuur oo dhan wiilasha laga laga soo gaaray, marka sheekhanaa xasan takar iyo wiilashu beenta waaba meesha iskaga egyihiin waligood. jzk allah khayraa

  18. Asc wr wbr
    Dhaman umada musliminta ah salan ka bacdi . Sheikh takarow adiga waxba lagama haleyn hadi nin ka cilmi badan aw ku qabtay o ad qalad ku sugantahay aqbal o towbada u labo ama kitab hebel no: hebel ka firi ku dheh . Ceb ma ahan wa la iska qaban karaa qalad hadi aw jiro

  19. Jazakallahu khyran wa axsana ilayka ya sheekhnaa,sidaad i difacayso rasuulka waxay ka turjumaysa-jacaylka aad suubanaha u hayso,wana da,a biga lagu yaqaano 6lul xadithka.sheekh takarow culumada dhiigoda wa adiga ku haliilayee kajwaab ban ka sugaynaa.

  20. A C W dhamaan wallalaha akhristay mawduucan waxaan leeyahay Takarow wixii Aad dhumisay ee baadiyaysay adiga iyo inta magaca culimadasheeganaysa ILLAAHAY ulaabta oo toobadkeena dhamaad wallaalaha muslimiinta ahna waxaan u sheegaya ee waliba somaliyed waxaas oo kale ayaa ina rogay ilaa hadeerna wax laga akhrisanayaa ee aynu ka fiirsano

  21. Aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa Sh Shibli iyo Sh umal inay xaqa u istaageen oo ay beenta Sh takar naga moossen!

    Waxaase iga suaal ah Maxaa sh Xasaan asna meel loo saari waayay? oo shalay ahaa culimada ayagoo saxan baa la adduunka la dhaafin karaa oo la layn karaa!
    Maxaa shabaab oo idil loo radin waayay illayn XAsan TAKAR kaligiis ma khaldanee!

    Qoraalka Sh. Shibli aad baan u jeclaystay.. Waxaanse aad u yaabay markaan soo gaaray gabagabada uu sheekhu yiri” ….Xarakada Al-shabaab in ay ka mamnuucaan qof kasta oo ay ku cadaato in uu ku been abuurtay Nabiga Scw in uu ka hadlo diin…) oo ma waxa ay shabaabka kale wadaan baa diin ah? saw ayagoo dhami Nabiga scw kuma been abuuran?

    Shabaab oo dhan ma saxan yihiin wixii aan ka ahayn Oda TAKAR.

  22. ASC aad buu umahadsanyahay sh Mahamud shibile Qoraalkan aad buu u faahfahsanyahay Qofki raba in uu garqaato ama ay xaseexo wax tarayso Laakin mafilayo uu jawaab cad dhiibi doono sh.takar. waxaan sh shibille ka codsanayna in uu muxadaradisi hore soo galiyo in ay dadka oo dhan ugu cadaato aana luugu katsoomin axaadithta mowduca.Ilaahayha ha xifdiyo culumada utaagan diifaca diinta islaamka

  23. asc dhamn masha alah ilahay nasiiyay culuma xaqa cadayteda utagay ba mahad iska leh xasan takar o kalana aan culuma noga dhigin jazakumulah sh shibile iyo shiikh umal illahay cimrigina hanoo dhereyo dacana haku dhereyo,xasan takar waa nin illahay ugu talagay in uu fadeexeyo markii u culumada rabaniyinta oo dadka somaliyeed illahay sababtod ku badbadiyay meel ay adunka ka joganba uu dhiigoda banaystay been aburna kula kacay illahay hasoo hanunsho haduu hanun uqoranyahay hadi kale ilahay hanaga qabto xasan takar iyo alshabab nihayadoda ba so dhaw iska sabra culumada iyo dadka la dulmiyyaba nasriga ilahay wuu dhawyahay

  24. A,w.w maamsha allaah baarakalah shiikheena sh. Shibile khayr allaah hasiiyo allana habarakeeyo marka sheekh ninkan caytamaya ee nabiga kubeen abuurtay usamra inkaarqabaha

  25. To Diini: walaal wadaada way sheegeen in nimankan ALSHABAB layiraahdo ay hoose iyo si khaas ah ba ula hadleen si ay khaladaadka waawey ay galayaan u saxaan. laakiin way dhagaysan waayeen. waxaa culimada waajib ku ah inay xaqa cadeeyaan waliba ay u naseexaayan dadka oo dhan

  26. ascww sh maxmud shibili waasax hadalkaaga waxaan sugnaa waa jawabta sh xassan mxmuud takar ilaah ha idiin dhooro, mid ayaan raacsanaa marka, sh xassan takar ma hore ayuu jeediyey muxaadarada lkn waxaan la yaabey, sh shibili ma waxuu ka kululaadey shirkii baydhabo ee ictisaamka wax looga sheegay mase been abuurashada nb muxamad scws

  27. xasan takar waxa uu la aamusay waa cilmi daro runtii .
    fatwadiisa laynta ducaadda waxa kukalifay قلة العلم
    waxaan leeyahay walaalka fatwadaadu yayna kusoojeedsan ee isjir .

  28. waxaan leeyahay culimada sh shibli iyo umal nimankan khawaarijta meelkalaa looga yeedhayaa malhee waxaba waqtiga hakuluminina

  29. allahu akbar waxan salamaya dhamaan umada islamka ah meel kasta oo ey jooganba waxan u mahad celinaya igu horanti halgan.net mar labad waxan u mahad cilinaya shikh shible wax an ku leyahay jisaakalahu khayran wa xaq in qofka qaldama laqabto lakin meseladan mid aad iyo aad u adag wana cilmi iyo axaadiis mar ka waxan alle ka baryeyna xasan maxamud takar alle ka cabsado dibna u labto tabadna alle weydisto manta wa aduun lakin beri xisaab ba taal alle u noqo taan kale wax an layabanahay dadka mu jahidinta ku ahaya lehna wan tagersanahay walaal yaal ma xuma mabda in la tagero wana sax wa la tageri karayaa lakin su aal aya mesha taal wax ey tahay wax la yiri qofkasta aa muslim ahna diintenu fareysaa qof muslin ah dhigiso wa ka xaraan lakin dad banaystay dhiga islamka siqiir iyo kabiir xulimo iyo cuqaal waxgarad iyo qof kasta oo islam ah kuna jowabaya janadibu galay qofki qarax xas samaye walaal wa galo ma araneyno waayo dambi lakin muslin iyo mujahid tona ku shegimeyno illahay xaqa wa wa fajiyo qofka tagirsan ku wasna wa dhunsanyahay ee alle u noqo oo tobad weydiso maxa xasan takar keli ah lohaysta kuwa cariiraha ardayda ah inta ey dilan ayado quraan ah dalishanaya wa in la wacyigeliyo illahayna losonoqdo intas tabadana inta qofku adunka ku nolyahay wa furan tahay walaal yaal adunku wa faani ee tobada alle halo noqdo insha allahu inta islamka ah alle xaqa hatuso

  30. asc
    aniga waxaan unasteexaynayaa dhamaan dadka figradaha soodhiibanaya,waa la khaldami karaa isla markaana in la isa saxaa waa shaydiina laakiin culumada wada hadlaysa in ayada oo aan la fahansanayn waxa ayka wada hadlayaan lakala taageeraa ama midka loo arko inuu sax san yahay la amaano oo loo bishaareeyo kan loo arko in uu khaldan yahayna la fogeeyo si shaydaanka loogu kaalmeeyaa arin saxa maah, ninkii cilmi leh oo masalada ka hadli karaa ha isticmaalo cilmigiisa laakiin culumada yaan la isku xuuxin.
    Nasteexo culimadu ha isu tudhaan hadii sheekh masalo ku khaldamo umada in loo cadeeyaa waa shaybanaan laakiin sheekha walaalkaa ah ula hadal inuu xaqa ku dhiirado oo aan shaydaanku ka guulaysan.

  31. Takfiirka xujadoodu waxay ku Dhisantahay been iyo qiiro hadii beentooda wadaadadu cadeeyaan beentooda cidlay is tubayaan , oo muslimiintan la gawracayo CID ku gargaarta helimaayaan

  32. ASALAAMA CALEYKUM DHAMAAN WALAALAHA JAZAKALLAH SH.SHIBLE INTAAS KA DIB WALAALAHA WAXAAN XASUUSINAYAA MUXAADARADA UU SH.XASSAN TAKAR KU SHEEGAY MACRUUF AYEY AHEYD WELIBA WAXAA KU JIRAY HADLO XUN OO KA MID AH XARAMKA (LIWAAD)KA DHACO OO DHULAABU CIMIGII ISKU LIWAADAYAAN XARAMKII (MUXAADARADA MAGACEEDA WUXUU AHAA ALMIXAN WA MIXAL) SAAS BUU U EKAA WAAN DHAGEYSTAY SHEEKH SHILE WAXAAD CODSATEEN IN AAN LA JOOJIYO MUXAADARADA LAAKIIN WAY FAAFTAY SHEEKH SHIBLE HADUU KU SOO JAWAABI WAAYO SHEEKH XASSAN TAKAR USBUUC MUXAADARADA UMADA U SOO GELIYA SI ALSHABAAB LAFTIRKEED WAX UGU CADAADAAN. SUAAL BAAN WEYDIINAYAA ALSHABAAB XUKUNKIISA MUXUU YAHAY NIN NABIGA KU BEEN ABUURTAY XUKUN ISLAAMNA WAAD FULISAAN JAWAASIISTA WAA DISHAAN SAARIQA GACANTA WAAD KA GOYSAAN TAARIKU SALAADKA WAA TACRIISAAN QOFKII NABIGA KU BEEN ABUURTA WAA IN XUKUNKIISA LAGU QAADAA.

  33. asalaamu calaykum waxa nasri ilaahay no ah in ilaahay noogu deeqay culimo nocas oo kale ah oo sidaa udifacaysa axadistii nabiga salawaatulaahi wasaalaamu calayh waxan kalo ku darsanayaa sh. takar axadista hada meel kuma shegi karo o waa mawduuc inta kutub iyo takhriijaad uu sheegayana waan ka eegnay waxba kama jiraan markaa waxa ubanaan laba mid uun: 1: inuu cadeeyo inay been abuur ka ahayd sababti donto haku xanbaarto markaa uu sheegayay isagana uu ka bari noqdo dadkana ucadeeyo inaan la qadin karin oo uu qaato waracaa iyo wanagaa iyo xalaal miradkaa bani adamku waa qaldamaan
    2: ama inuu kusi madax adagyo arintan ayna cadaato inuu isagu sameyay si camdiyana usameeyay nabigana toos ugu abuurtay markaa axkaam wixii aduunya ah iyo ciqaab wixii aakhiro ah ha sugo……………………….. walaahu aclam

  34. Sida gabadhaas leila ayaan sh shible ka codsan lahaa inuu cajaladaha ninkaas halgan usoo gudbiyo. Halgan fadlan cajaladahaas noo soo tabiya. Nabiga oo lagu been abuurto wax sahlan ma ahan.

  35. ASALAM CALAYKUM WARAXMATULLAAH
    SHIIKH SHIBLI JAZAKALLAHU KHAIR HADALKA WANAAGSAN OO CILMIYAYSAN OO AAD U QORTAY XASAN TAKAR ILAAHAYNA HAKAA DHIGO KUWA DIFAACA SUNNADA NABIGA OO KA ILAALIYO KUWA KU BEEN ABUURTA NABIGA SALALLAAHU CALAYHI WASALAM , SHIIKH SHIBIL WAXAAN MARKA HORE ILAAHAY MARAG GALINAYAA IN AAN ILAAHAY DARTIIS KUU JECLAHAY WILINA SI KAFOOL KAFOOL AH MA AANAN KU ARAG , SHIKH SHIBIL WAXAAN KUU SHEEGILAHAA IN AAN XASAN TAKAR ANIGA IYO ASAGU MUDO SANAD KU DHAW MEEL WADA JOOGNAY SIDAAS DARTEED AANAN U MALAYNAYN XASAN TAKAR IN UU SAN KA MID AHAYN AHLU CILMIGA AQOONTA U LEH DIINTA ISLAAMKA LAAKIIN UU YAHAY NIN MUSLIM AH OO CAAMI OO LUUQADA CARABIGA YAQAAN OO BAS LAAKIIN CILMIGA DIINTA UU SAN U LAHAYN WAX AQOON SIDAAS DARTEED CULIMADA WAXAAN KULA TALIN LAHAA IN AAN LOO RADIN SIDII NIN CAALIM AH AMA AQOON DEEMEED OO DHEER LEH LAAKIIN LOOLA TACAAMULO SIDII NIN CAAMI AH OO AAN LA GAARSIIN DARAJO UU SAN JOOGIN XASAN TAKAR AANA LAGA SUGIN JAWAAB CILMIYAYSAN MAADAAMA ANIGU AAN MUDO LA JOOGAY OO AAN AQAANO ISAGA IYO DADKA CAAMIYIINTA AH WAA ISKU MID

  36. Mansha allah. Sh Shibille intii lagu yaqanay oo waafaqsan Diinkeenii ayuu Sh Xassan Takar si fiican ugu sheegay. Hadaba tani ma ahan Xizbi Hebel iyo Xizbi Hebel ee waa Difaaca Suubanaheenii Mohmed SCW. Iyadoo laga hadlayo Xadiith meel larabo in lasaaro ayaad arki doontoon. Reer Indhoole oo iyagoo waxa laga hadlayo fahmin Difaacaya wadaad Nabigeenii ku been abuurtay. Somalidu waxay ku maah maahdaa Carabi inay ku nabto ayay hadana Nabigana kaaga hormataa.
    Nin dhihi la Towba yaarabi. Baa dhahaya Mujaahid baan ahay.

  37. maasha alah sh. maxamudoow ilaahey ha ku xafido qeyr badane alah ku siiyo sida wanaagsan ee aad u difaaceyso in rasuulkeenii maxamed laga been abuurto …asww

  38. asc wr wb
    maa sha allaah jazaakallaahu kheeyran sheekh shibille allaah haku dhooro hana ku xafido aduun iyo aakhiro shekhanaa maa sha allaah runtii aad baad xaqa u cadeeysay sheekh xassan takar allaah ha soo hanunsho hana soo hadeeyo adiga qodobkaas taagnaaw sheekh umal nah hanoo taagnaado in uu soo cadeey meesha uu sheekh ku yiri kenya in eey gasho somaliya waa xaq eyadana sheekha waan ka sugeeynaa sheekh xassan takarow rabi ka baq yeeysan ku qaadin sheekh baad tahay jamaca islaamiyanah waad ka soo baxday oo axdiis qaldan kaama soo fuli karaan taas yeesan ku qaadin tankale sheekh anah waxaan ku heestaa muxaadaradii u danbeeysay oo eheed in sacuudiga muslimiinta lagu xasuuqo oo ma kiinad la galiyo lana shiido sidii cooskii????? hadalkaas dhageesta soo galiya netka fadlan oogana diga muslimiinta hadalada noo caas ah oo been abuurka ah wajzaakumullaahu kheeyran
    xusuusin halgan
    fadlan sheekh noo weey diiya muxaadarada sheekh in uu noo ogalaado in aan dhageeysano si aan xaqiiqada u fahano oo aan axaadiistaas qoraal ahaan baan aragnay aan afkiisa ka hubsano wsc wr wb

  39. ASCALEYKUM DHAMAAN MUSLIMIINTA HALKAAN WARKA WANAAGSAN KU QORTA AMA KA DHAGEYSTA SALAANTAS MUSLIMKAAYAAN IDINKU SALAAMEY WAXAAN SALAAN GAARA U DIRAYAA DHAMAAN WADAADADA SOMALIYEED MEELWALBA AAY KALA JOOGAAN, WAXAAN WADAADADA KA CODSANAYAA IN MARKA AAY WADA HADLAYAAN AAY SI QAAS AH U WADA HADLAAN OO AYSAN WEBSAYDYADA KUSOO QORIN ARIMAHA NOOCAAN OO KALE MAXAA YEELEY MA WAAGSANA IN AAY WADAADADU HAWADA ISKA DUQEEYAAN AMA ADINKU ISKU JEESTAAN OO IS CANBEERAYSAAN TAASNA WAXAA KA FAAYIDEYSANAYA CADOWGEENA MIDA KALE SHEEK XASAN MAXAMUUD TAKAR WAXAAN KA CODSANAYAA INUU SI QAAS AH U WACO SHEEKH MAXAMED UMAL IYO SHEEKH MAXAMUUD SHIBLE ARINTAANA AAY KA HESHIYAAN KA DIBNA AAY LA HADLAAN DADWEYNAHA SOMALIYEED AYAGOO HESHIISA WABILAAHI TOWFIIQ SALAMA CALEYKUM.

    • A/S/C AAKHII BAADI MEEL AANAY JIRIN LAGAMA DOONO HUMBAALEYTUNA MA FIICNA, QADIYADDU DAD IS HAYSTA MA’AHA EE WAA NABIGII S/C/W OO LAGU BEEN ABUURTAY WAANA MAS’ALO KHATAR WEYN AH GAALNIMONA GAARSIIN KARTA NINKII KU KACAA, MARKA HALA HESHIIYADAADU XAGAY LA HEYSATAA OO HOOS HALOO WADA HADLO. MASE TAQAANA MUNKARKII SI CALAN AH LOO GALO IN LOOGA TOWBAD KEENI KARO OO KALIYA SI CALAN AH EE SIR AANAY ANFACAYNIN ADUUNKA DUSHIISE ILAAHAYSE AAKHARO WAA SUU DOONO YEELLI

  40. alahu akbar, Waxaa dhib qaba ninkaas nabigeeni ku been abuurtay oo hadana kusii adag khaladkiisa cidii uu sheeq maanta u yahay oo uu fatwo u bixinayo, somalida waxaan ka codsanayaa inay iska ilaaliyaan ninkaas. waxaan kuleeeyahay takaroooow maanta ma aha masalo ijtihaaad ah waxa lagugu haysto ee waa iftiraaaa ad ku samaysay nabigeen SCW ee tawbad baa kula siman, kitaabadii aad noo dirtayna waaan kaso waynay ee inaad qaldan tay umada u sheeg ilaahayna oga tawbad keen, mar danbena idaacadaha yaanan lagaa maqlin. HALGAN.NET aad iyo aad baan idinkaga mahadcelinayaaa so gudbinta qoraalkan

  41. Maashaa Allah. Waxaan kale oo akhristayaasha xasuusinayaa hadalkii nabiga scw laga wariyey “qofkii igu been abuurta haka diyaarsado booskiisa naarta”. Sh. Xassan M Takar waxaa uu sheekh weyn u yahay Al Shabaab. Iskaa in jihaad iyo arimo kale la waydiiyee culimadii salafka qofkii nabiga ku been abuurta hal xadiis xataa kama qaadan jirin. Fadlan Xassan Mohamud Takarow kasoo jawaab suaalahan, oo habaaska aad isku qarineysid jooji. Markuu su’aal lagu waydiiyo, illeen jaamacada baad soo dhigataye, su’aasha siday tahay u abaar. Sh. Basha Salad iyo culima kale, iyo mowduucyo kale oo aan laguu dirsan ha isku qarinin.

  42. masha allah s shibile si fiican ayaad u hadashay
    lkn waxaan kaa codsaneynaa in aad muxaadaradaas usoo
    gudbisid halgan si ay dadka oo dhan u maqlaan halahaas ayaan sh shibile ka codsan lahaa asc

  43. Xasanoow ilahay kabaq sh.shibile wuxuu kuwaydinayaa WAa cilmi iyo diin ee axdistaas aad kubeen abuuratay ilahay uga tobadken.midxigta waxa ad umadaan ushegaystid waa diin in aad nabiga kubenaburtaidna WAa khatar wayn ee ama meel saar ama xaqa usoo noqo, midakale axadistaan adigaa lagugu tacjisinaya moyee WAa u cadahay shekhena shibile in ay mowduuc beeen abuur tahay. Ilahay kabaq oo towbadkeen tan baakaga bahan in aad bari iskaga dhigtid ilayn nabigeenii Bay arintu maraysaye
    Wjzk khayraa Shekh shibile

  44. dhamaan muslimiinta meel walbo ay joogaan waan salaamayaa salaan sare salaamullaahi calaykum sheikh takar waxaan leenahay meel u bixi hadalkan laba qodob baad ku bad baadi kartaa meeshee ku qoran yihiin xadiistan sheeg ama illaahay u soo laabo oo cududaar ka bixi hadaad yeeli waydo adeerow mujaahidiinta ka dhax bax oo ku laabo biridaaniyo taasna hadaad diido xisaabtan u diyaar garow

  45. wallee maanta ma joogto ra,yi iyo fikrad ee waa cilmi iyo maxaa xujjo ah oo haysataa sh. takaroow warku waa cad yahay marka waxaan ku leenahay ama Illaahay u noqo oo tawbadkeen ama xadiithta aad sheegtay hadey ku yaalaan meel aan dadku arag u sheeg,, adiguna markaas cizi iyo sharaf ku dhex lahoow dad. wabillaahi tawfiiq.

  46. AAD BUU U MAHADSANYAHAY SH SHIBLE SIDA WANAAGSAN EE UU USOO QORAY QORAALKAAN AMA CODSIGIISAAN,

    SIDOO KALE WAXAAN FILAYAA IN SHIISH TAKAR ASAGANA USOO JAWAABI DOONO INSHA ALAAH,

    NBI.

  47. Alaah akbar Shiekh Takaroow IS Dabaalis warkiis waa dhamaadan ee Waxaa lagaa sugaa In aad Jawaabto Hadii kale Towba wali Jaanis ayaa heesata .. Jawaab logu qanco ama Towba kolley waxaan sugnaabo waa Takar

  48. as war wab…

    gari ilaahay bay taqaannaaye shiikh takar waa in uu meeel saaraa axaadiithtaas…tan kale anigu waxan ka mid ahay ragga taageersan mujaahidiinta alshabaab laakiin xaqa ayaa nin walba ka weyn waxana gaar ah hadalka shiikh shibli ee ah in laga joojiyo takar khidaabka ilaa uu meel saarayo axaadiithtan ama uu ka iclaaminayo tawbad .garweeye hadalkaasi ninka in aad diidantahay mawaaqiftiisa qaarna ka dhalan mayso inaad xaqa uu sheego inkirto …salaama

Leave a comment

*