Kulan diini ah caawa lagu qabtay Masjid Al-Rowada oo looga hadlay dilkii Sh.Dr Ahmed Xaji (Dhageyso)

December 7, 2011 - Written by

Boosaaso:- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa caawa waxaa lagu qabtay kulan diini ah oo looga hadlay taariikhdii Shiikh.Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaana kulankaas ka soo qeyb galay dad weyne aad u tiro badan kuwaas oo ka kooban dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka ayaa waxaa taw jiihaad kala duwan ka jeedshay culumada kala ah .

1-Sheekh Daahir Aw Cabdi
2-Sh C/qaadir Nuur Faarax
3- Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur .

Hadalka ayaa waxaa bilaabay Sh.Daahir aw Cabdi  oo ka mid ah culumada dalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay taariikh nololeedkii Sheekh Dr.Ahmed Xaaji Craxmaan allaha u naxariistee. Sheekh Daaahir ayaa si qoto dheer uga hadlay akhlaaqda Sh.Ahmed iyo in uu ka soo jeeday qoys baac dheer ku lahaa diinta waxaa kale oo Sheekh Daahir Aw Cabdi si gaar ah uga hadlay maraaxishii cilmga ee uu soo maray Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo darajooyinkii uu ka gaaray waxbarashadiisa.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa si cad u sheegay in isaga iyo Shiikh Dr Ahmed si gaar ah loogu hanjabay oo Dr Ahmed uu u sheegay in lagu yiri marna noolaan meysid loona soo diray hanjabaadyo kala duwan.Culumada ayaa sheegay in ay hayaan waraaqihii iyo SMS kii loogu soo hanjabay , shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa xusay in culimadu ay wadi doonaa diinta iyo faafinteeda wixii lagu qoonsadayna ay ahayd Nadwooyin tasxiixin ah oo ay ka jeediyeen magaalooyinka Boosaaso , garoowe  iyagoo markaas hadafkoodu ahaa in la saxo masiirka saxwada ka dib markii talooyinkii culimada ay u jeediyeen Maxaakimta lagu diiday.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa murug darteed laga dareemayey in ay ku adagtahay in uu wado taariikh nololeedka koobnayd ee  uu kaga hadlayey allah u naxariisteen Sh Dr axmed Xaaji , culimada , ducaad iyo waxgaradka ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Bosaaso ayaa ilaa intii la dilay Sh Dr axmed Xaaji waxaa ay qaateen kulamo xasaasi ah.

Hoos Ka Dhageyso Kalimadii uu jeediyey Sheekh Daahir aw Cabdi oo si weyn loogu xasuusto dacwadii uu ka wadi jiray Masjidkii Ceelhindi ee magaalada Muqdisho.

Qeybtii Koowaad

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/SheekhDaahir.mp3]

Intaas ka dib waxaa lagu hadalka qaatay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna si kooban uga hadalay taariikhdii dacawa ee Soomaaliya iyo dhibkii laga soo maray dacwada oo ay hogaanka u hayeen Ururkii Itixaad Islaami .Sheekh C/qaadir ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale wixii uu ka yaqaanay Dr.ahmed Xaaji C/raxmaan .

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa ku celiyey caawa in dilka Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ay ka danbeeyeen Al-Shabaab 

Hoos Ka Dhageyso kalimadii Sh C/qaadir Nuur Faarax.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/SheekhCqadir.mp3]

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa isana wacdi kooban ka jeediyey Masjidka Al-Rowada wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Sheekh iyo caalim ka mid ah Soomaaliya diintana dowr weyn ku lahaa wanaagiisa lagu badalay in la dilo taas oo musiibo ah.intaas ka dib baaq ay culumada soo saareen ayaa waxaa goobta ka akhriyey Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur .

[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/fuad.mp3]

Halgan.net ayaa soo gudbin doona dhawaan bayaanka culumada oo qoraal ah iyo Emailada .waraaqihii  loogu hanjbay Dr Ahmed Xaaji C/raxaam oo ay gacanta ku hayaan Culumada magaalada Boosaaso. inshallaah .

Halgan.net

29 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahayow unaxariisto

  2. alloow naxriiso raxmatan waa sicah

  3. allahuma arxamhu waqfirlahu wakhlufna kherya minhu, wacajul cuquubata manqatalahum.

  4. alaahu akbar sheeqaxmad waxuu ahaa aabihii umada

  5. al shabaab wadanka iyo dadka ha laga qabto

  6. INala Lilahi Wa Inna Ilahi Rajicuun, Allahuma Ajirnaa Fii Musiibatina Hadihi Wakhlufnaa Khayran minhaa.
    Sheekh Dr. Ahmed Xaaji, Alle ayaan Naxariistiisa uga baryeynaa, Allena waxaan ka baryeynaa in uu naga qabto Dhalimiinta sida gardaraddaha ku dilay, Allahamma La tasalidhum bacda Al-shayk Axadaan min khalqikia, Wakfiinaa wakfi Jamiical Muslim min Shari Haaulaahi, Inaka Samiicu Aliim.
    Shukran Halgan.net sidaa aad noogu soo gudbiseen Muxadarooyinka qiimah leh ee culumadda.

  7. ilahoow shikha janadi fardowsa ka warabi gadashisna kuwi fidnoba hanaga dhigin eheladi iyo qarabadi u katagayna samir iyo imaan alaha kasiiyo amiin ku wi dilana jahanama allaha galiyo

  8. Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajiuun,samir iyo iimaan Alle hanaga siiyo Sh. Dr. Axmad Shiikh Ab/man oo lagu diley magaalada Boosaaso.
    Alle waxaan kabaryin inuu u naxariisto, waayo wuxuu ahaa nin u bareeray khatar, laakiin aaminsanaa ajasa, marka waxaan mar kale Rabbi kabaryin in uu adduun iyo aakhiraba kucadaabo ciddii kadambeeysey falkaan fulaynimada ah.
    Gaar ahaan waxaan tacsi gaar ah u dirin Xaasaskii iyo caruurtiisii.

  9. waxaan tacsi udirayaa eheladii iyo qaraabadii uuka geeryooday ilaahay haownaxariistee Dr. Axmed C/raxmaan

  10. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. sabir iyo iimaan allaah ha inaga wada siiyo sheekh Ahmed X C/raxam oo innaga wada tegey.
    intaa ka dib ummada soomaaliyed oo ay culumadu hor kacayaan waxaa innagu waajib ah in aan go’aan cad ka qaadano oo aynu shabaab oo hadda u xuub siibtey khawaarij, laynta iyo banaysadka dhiiga qofka muslimka ah oo aan xitaa culumadii tawxiidka ay dhiigooda banaystee.

    wasalama caleykum

  11. ilah ha u naxariisto raxmatan wasica sh axmed xaji c/raxmaan

  12. anigoo ah Abdishakur hasan Hagiomar waxaan tacsii udirayaa dhaman musliminta ilama qumana in tacsi loo diro ehelkiisa sababta oo ah iyaga kaliya kama dhiman sidaa daraadeed anagoo dhan ayaa tacsi noo taalaa dhamaanteen inaalilaahi wa inaailaahiraajucuu

  13. Asc.umada soomaaliyeed iyo dhamaan muslimiinta waxaan uga tacsiyeynayaa geeridaa naxdinta leh ee Dr.sh.axmed xaaji abdiraxman in ilaahay sheekha u naxariisto.anana booskii sheekhna kumanaan la mid ah in ilaahay noogu bedelo.umada soomaaliyeedna waxaan ilaahay uga baryayaa dowlad islaam ah oo aan weligeed ka dhicin in ilaahay nagu arsuqo aamiin aamiin aamiin

  14. walalayaal dilka sheekha waa mid annagana indho la,aanteena ah kuwii diley darajo kuma gaarayaan cuqubo rabaani ah mooyaane cammo illah haka dhigo oo cuqubo degdeg dunida korkeeda rabi hakasoo saaro oo imtixaan eysan kabixin noocuu doonaba illaahow aammin umadda soomaaliyeed sheekh iyo caama hala duceeyo oo inta culumadda xumaan lamaagan hala inkaaro oo inta haddeer shhekheenii qaaliga dishey si khaalis ah haloo habaaro hanun umaba baryaaayo aniga alaahumma aammiin sheekhana rabbi janatul firdowsatul aclaa hageeyo kitaabkiisana midigta haka siiyo rabi asagaa arkaaya dulmiga lagu diley allaahu akbr….

  15. asc ulahay ha,unaxariisto sh axmed xaji c/raxman oo kamid aha culumada somaliyeed ee waween xaqiiqatan shekha waxuu marti noogu ahaa wadanka south africa bishan hada aan kujirno 25 ilahoow unaxariiso ilahoow janadaada kawaraabi waxaaa dilay gacan ka xaq daran shekadu waxey mareeysa inii nadartu liraxmani sawman yaaaaaaaab

  16. inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun
    waxaan alle subxaanuhu wa tacaalaa ka baryayaa in uu janadiisii firdowsa aheyd uu ka waraabiyo qavrigana u waasiciyo shahaadana allaha u aqbalo kuwii diley iyo kuwii ka damneeyey ama ka raali ahaa dilkiisa uu alle jasadooda ka abaal mariyo.
    aamiin

  17. Allah u naxariisto Sh.Ahmed Xaaji Abdirahman, eheladii uu ka geeriyoodeyna samir iyo xasanaad allah ka waraabiyo.

    Xaqa allah tuso kuwa diley haddii alle hannuun ugu talo galay, umadana allah ka qabto. Aamiin ya allah.

  18. ilaahay ha unaxariisto sh.axmed xaji.abdirahman jannadii fardowsa alaha ka waraa biyo dhamaan somalia oodhan allaha naga siiyo gaar ahaana xaasaskii iyo caruurtii qaraabadii iyo ehalkii oo ka baxay samir iyo ee maan allaha naga wada siiyo marxuun kane jannatut aclaa allaha ka wa raabiyo AAMIN AAMIN YAA AL-LAAH

  19. ilaha ha u naxariistu shekha waxan lee hy ducadii rasulka salalahu calayhi wasalam \ alahuma ajirnaa fii musiibatinaa wakhlufna khayran minaa

  20. A/C khayr alahaidin siiyo yaan la,aamusin inbadana halaga hadlo arintan naxdinta iyo fajicisada leh wara baahintana wadaadana waxaan kacodsanayaa inay kaqaybqaataan faafinta duruustii uu bixinjiray waana in ilaahay inbadan labaryo dhagarqabahaa suu ilaahay usoo qabto ilaahay waaxaan kabaryaynaa inuu soo qabto AMIIIIIIIIIIIIIIIN W/T

  21. Al shabaab magaca culumo yawn lasiinin. Waa jirri, waa qaadhicu dharriiqiin, waa qaatiliin. Cidii alshabaab ah oo lagaranayo oo fatwada bixinayo waadanbiilayaal, jazahoodana waa in lamariyo markuu ilaahay yiraahdo. Anu waxaan layaabanahay alshabaab waaba la gartay laakiin culimadii iyo dadkii intiisi kale maxaa ku dhacay. Ilaa iyo hada sheikh yiri alshabaab way khaldantahay ma jiro. Maxaalooga cabsoonhayaa Dadka ma loo cadeeyo in alshabaab jihad aynan ku jirin oo la iska dhiciyo,

  22. Ass/c

    Allaah waxaan uga baryayaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo sh.Axmed X.c/ramaan , una aqbalo ducada badan ee mu,uminiinta,

    Walaal waxaa iga xasuus ah in aan la gadhigin dhiiga sheekha qadiyad siyaasi ah oo dad markii horeba usu danlahaa aanay ka faa,iidaysan taasi waxay dulmi ku tahay eheladii iyo awliyaa,u damkii sheekha ,waxay sidoo kale laga dhaxlayaa in la dadafeeyo dhiiga sheekha

    waxaan kale oo kula talinayaa qof kasta oo yiraahda waxaa dilay sheeka urur hebel iyo qolo hebel in uu bayino keeno , taas ayaa wax u taraysa
    qoyska uu sheekhu ka dhintay iyo dhmaan dadka mulimiinta ahba , waxaan kale oo colimada kula talinayaa in ay iska daayaan dag-dega iyo fudaydka iyaga wax u dhimaaya,wixii ay sheegaanna hanoqdaan wax ay hubaan oo ay cadaynayaan oo ay hordhigayaan awlyaa,u damka

    qolada aad loo hadalhayo ee carabka lala dhacaayana waxaan leeyahay waa in ay iscadeeyaan oo ay kabari noqdaan dhiiga daahirka ee sheeka hadii aanay qanin

  23. Inaa lihaahi wa Inna Ilaahay rajucuun, Rabi subxaana watacaalaa
    Waxaan ka baryeynaa inuu dambi dhaaf uga dhigo janaddii fardowsana
    Ka waraabiyo. Haddaba inta nool maxaa la gudboon?.
    Ummad yahay tashada waa hadaad ogsoon tihiin dalkaan iyo ciidaan
    Inaad leedihiin. Unisom iyo Igad-na waxba idiin qaban mayso.
    Dadkaan Indhaha idinka ridayana qof banaanka ka yimid ma ahane
    Waa dadka idinku dhex jira. Shacabkana waxay eeda saaraan dowlada
    Iyo maamulada jira, awodoodana waan qiyaasi karnaa. Marka shacabka
    Ha xisaabtamaan oo guri guri wixii ku soo kordha aqbaaradka ha isku gubiyaan
    Si loola socdo dadka qaarkiis dhaqdhaqaaqoda. Waxaan aamin
    Sanahay shacab gacanta is qabsaday wanaagna ku tashaday Ilaahna
    Talo saartay iney ka badbaadayaan masiibada hadda ku dhacday
    Iyo kuwo la mid ah oo kale.

    Ilaahay kheyrka hana waafajiyo Soomaalina waqtigan adag ay ku jirto
    Ilaahay ha u fududeeyo. Amiiiiiiiiiiiiiiiiin

  24. Dr. Axmed Janafirdowsa ayaan ilaahay uga baryaynaa.
    Hadii Ahlu diinka hubka isuqaataan ahlu shaydaanka yaa ku qoslaya kuna farxaya. waxaan kula talinaynaa shabaab almujaahidiin haday jidho eedaynta culimadu usoo jeedisay, ha’ahaado go’aan rasmiya oo iyaga kasoo baxay sheekha dilkiisu sida lasheegayo ama ha’ahaado mid ay kadanbeeyaan dhalinyaro fikradahaan raacsan, inay musiibadaan dhacday war cad kasoo saaraan…dad badan oo aan kamid ahay Jihaadka socda waan ku qanacsanahay laakiin shiikh walba oo aan kuqanacsanayn hala dilo arin diinta salkuleh ma’aha.
    fitnadaan eheludiinka ka dhex aloosantay waa in Alshabaab wax kaqabtaan kubadu goolkooday ku jidhaa…! alluma salim salim.

  25. waxaan tacsi u diraya ehelkii uu ka dhintay in ilaahay samir iyo imaan ka siiyo aamiiiiiiin aaaaamiin inalilaahi wa inaailaahi raajicuun.
    Waxaan soomalida u soo jeedinayaa in ay sida isku dhamaan waxaan diin ma aha ay samaynayaa ee ilaahay ha ka baqaan naf xaqdaro lagu dilo ma sahlana.

  26. ninkii moowd culumada rabaaniyiinta uheli karoow yuusan midna kadaaqin. walaahi waa hadal aad uweeyn. Ilaahay cuquubo hakusooo dadajiyo cidii kadambeeysay dilka Sheeykha. Amiin.

  27. ilhaah hanaxariisto dr ahmed cabdirahmaan. aamin runtii waa murugo ku soo korortay aduunka iyo gaar ahaan gayiga somaliyeed. aamin aamin aamin. ilaah cadaabtii ha’kufogeeye cidii dishay iyo cidii katalisay dilkiisa aduunkana illah hanagutuso ciqaabtooda aamin aamin

  28. ilaahay naxaristii jano ha siiyo walaalkeen ahaana sheekheenii umada soomaliyeed ilaahay nasri khery qaba hasiiyo mishkiladu waa badan tahay lakiin maata waxay maraysaa meeshii oogu xumayd maxa yeelay mar hadaan maanta marayno in aragii umada la u gaadhsado war ilaahay naarta haku fogeeyo kii dilay iyo kuwii lasoo abaabulay marxuumkana naxariistii jano hasiiyo amiin aamiin

Leave a comment

*