Kulan diini ah caawa lagu qabtay Masjid Al-Rowada oo looga hadlay dilkii Sh.Dr Ahmed Xaji (Dhageyso)
December 7, 2011 - Written byBoosaaso:- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa caawa waxaa lagu qabtay kulan diini ah oo looga hadlay taariikhdii Shiikh.Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaana kulankaas ka soo qeyb galay dad weyne aad u tiro badan kuwaas oo ka kooban dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka ayaa waxaa taw jiihaad kala duwan ka jeedshay culumada kala ah .
1-Sheekh Daahir Aw Cabdi
2-Sh C/qaadir Nuur Faarax
3- Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur .
Hadalka ayaa waxaa bilaabay Sh.Daahir aw Cabdi oo ka mid ah culumada dalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay taariikh nololeedkii Sheekh Dr.Ahmed Xaaji Craxmaan allaha u naxariistee. Sheekh Daaahir ayaa si qoto dheer uga hadlay akhlaaqda Sh.Ahmed iyo in uu ka soo jeeday qoys baac dheer ku lahaa diinta waxaa kale oo Sheekh Daahir Aw Cabdi si gaar ah uga hadlay maraaxishii cilmga ee uu soo maray Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo darajooyinkii uu ka gaaray waxbarashadiisa.
Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa si cad u sheegay in isaga iyo Shiikh Dr Ahmed si gaar ah loogu hanjabay oo Dr Ahmed uu u sheegay in lagu yiri marna noolaan meysid loona soo diray hanjabaadyo kala duwan.Culumada ayaa sheegay in ay hayaan waraaqihii iyo SMS kii loogu soo hanjabay , shiikh Daahir Aw-cabdi ayaa xusay in culimadu ay wadi doonaa diinta iyo faafinteeda wixii lagu qoonsadayna ay ahayd Nadwooyin tasxiixin ah oo ay ka jeediyeen magaalooyinka Boosaaso , garoowe iyagoo markaas hadafkoodu ahaa in la saxo masiirka saxwada ka dib markii talooyinkii culimada ay u jeediyeen Maxaakimta lagu diiday.
Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa murug darteed laga dareemayey in ay ku adagtahay in uu wado taariikh nololeedka koobnayd ee uu kaga hadlayey allah u naxariisteen Sh Dr axmed Xaaji , culimada , ducaad iyo waxgaradka ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Bosaaso ayaa ilaa intii la dilay Sh Dr axmed Xaaji waxaa ay qaateen kulamo xasaasi ah.
Hoos Ka Dhageyso Kalimadii uu jeediyey Sheekh Daahir aw Cabdi oo si weyn loogu xasuusto dacwadii uu ka wadi jiray Masjidkii Ceelhindi ee magaalada Muqdisho.
Qeybtii Koowaad
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/SheekhDaahir.mp3]Intaas ka dib waxaa lagu hadalka qaatay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna si kooban uga hadalay taariikhdii dacawa ee Soomaaliya iyo dhibkii laga soo maray dacwada oo ay hogaanka u hayeen Ururkii Itixaad Islaami .Sheekh C/qaadir ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale wixii uu ka yaqaanay Dr.ahmed Xaaji C/raxmaan .
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa ku celiyey caawa in dilka Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ay ka danbeeyeen Al-Shabaab
Hoos Ka Dhageyso kalimadii Sh C/qaadir Nuur Faarax.
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/SheekhCqadir.mp3]Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa isana wacdi kooban ka jeediyey Masjidka Al-Rowada wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Sheekh iyo caalim ka mid ah Soomaaliya diintana dowr weyn ku lahaa wanaagiisa lagu badalay in la dilo taas oo musiibo ah.intaas ka dib baaq ay culumada soo saareen ayaa waxaa goobta ka akhriyey Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur .
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/fuad.mp3]Halgan.net ayaa soo gudbin doona dhawaan bayaanka culumada oo qoraal ah iyo Emailada .waraaqihii loogu hanjbay Dr Ahmed Xaaji C/raxaam oo ay gacanta ku hayaan Culumada magaalada Boosaaso. inshallaah .
Halgan.net

.gif)

