Sh.Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan yaa dilay?. W/Q: Sh.Xassan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)
December 7, 2011 - Written byMecca:.-Dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan (Alle ha u naxariistee) wuxuu naxdin iyo tiiraanyo ku abuuray cid walba oo sheekha taqaannnay carab iyo cajamba, dikliisuna wuxuu noqday nabar aad u xanuun badan oo qof walba oo samo jacel qalbiga kaga dhacay.Si gaar ah wuxuu nabar kaasi u sii xanuujiyay cid walba oo ku howlaneyd islaaxinta ummadda oo dugsaneysay ama uu diktoorku garab iyo hiil u ahaa, iyada oo wakhtiga geeridiisii ka soo wareegay uu yaryahayna si baaxad leh ayaa loo tabay kaalintii uu ku aaddanaa, si muuqata ayaana loo dareemayaa dabeysha ka soo dhaceysa furintii uu ku jiray.
Dilka sheekha oo runtii ah nabar dadka aad u wada damqay wuxuu dhaliyay su’aal mashruuc ah oo ah tolow yaa dilay Dikrtoor Axmad?. Labadii wada hadasha ama dadkii meel isugu yimaadaba su’aasha aan afkoodu gafeynin waxay noqotay ma la garanayaa ciddii ka danbeysay dilka sheekha?.
Qaybo ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka hadlay dilka sheekhana waxay farta ku fiiqeen dhinacyo loo maleyn karo inay ka danbeeyeen shirqoolka sheekha lagu dilay, waxaanse wali tabayaa inaan hadalka loo dhibcaynin sidii loo baahnaa, dhacdadan xanuunka badanina waxay qasbeysaa in si qayaxan loo xaddido cidda la ogyahay ee sheekha dishay; si looga qaato mowqifka ku habboon.
Tolow yaa dilay Diktoor Axmad?
Diktoor Axmad waxaa dilay dadka caadeystay daadinta dhiigga xurmada leh ee kor iyo hoosba ugu dhawaaqay in Ilaahay loogu dhowaanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.
Diktoorka waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay dadka sabab la’aan gaaleysiiyaan, tuhmadii ay rabaanna ku dhajiyaan: waa jaajuus, gaaladuu u shaqeeyaa .. ee waliba bogagga sumcadda xun internetka ka sameystay ee hadh iyo habeenba dicaayadaha been abuurka ah dusha u saara kuwa ugu mudan culimada soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee Diktoor Axmad waxaa dilay kuwa silsiladaha qoraalada ah ee been abuurka ah ka faafinayay taariikhdii dacwada soomaaliyeed ee dadkii ummadda wax taray oo dhan ku sheegay inay ahaayeen koox hagardaamada islaamka ka shaqeyneysay!.Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii culimada soomaali yeed ku sheegay inay culimo xun oo aan diinta ka runsheegeynin yihiin ( علماء السوء) oo waliba la badheedhay inay culimadu AMISOM culimo u yihiin, danaha gaaladana ka shaqeeyaan.
Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii sida badheedhka ah meel walba uga yidhi: culimada ictisaamka waa in la laayaa fasahaadka ay wadaanna dadka laga qabtaa iyaga oo ay intaas u dheereyd inay si gaar ah u magac dhabeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed iyaga oo kooxoohooda sirta ah ugu baaqaya inay dhafoorka ka toogtaan!. Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii dilay Dr. Ibraahim Xasan Cadow iyo Dr. Axmad Cabdullaahi Waayeel , Sh. Abuukar Xuseen iyo macalimiintii iyo ardaydii ka qalin jabineysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir ( Alle ha u wada naxariistee). Haddii la dafiri lahaana waxaa ab iyo isirba loo garanayaa wiilkii isku qarxiyay hotelka Shaamow ee galaaftay dadkii akhyaarta ahaa ee danbi la’aanta halkaas ugu halaagsamay.
Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii dilay Sh. Maxamad Tahaliil Warsame ( Alle ha u naxariistee) isaga oo sooman oo masjidka ka soo baxay cid uu danbi ka qabayna ayna jirin, dadkii yaqaannayna ay ku barteen samo jaceyl iyo laab xaadhnaan. Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii Boosaaso ku dilay C/wahaab Xamaas oo ka mid ahaa dhallinyarada khayrka lagu yaqaannay isaga oo salaaddii makhrib ka soo baxay, maalintiina soommnaa!.
Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii gumaaday kawaadirtii ururka xisbul islaam ee dhiiggooda banneystay sabab la’aan ee baaqigii ururkaaas ka soo hadhayna ku sandulleeyay inay hubka dhigaan oo ay iyaga isu dhiibaan. Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay gaadmo ku toogtaan dadka masaajidda ku sii socda ama ka soo socda ee salaaddii soo tukaday ee ay dad badani dartood uga hadheen salaaddii jamaacada ee ay ku dadaali jireen inayna waligood ka habsaamin, howlina ayna ka reebin.
Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii dadka ashahaadanaya gowraca ugu jiidayay ee waliba ugu jawaabayay ashahaadadu wax ha kuu tarto ee waliba ficilkoodaas foosha xun duubay ee maanta isaga oo fiidiyow ah la hayo. Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii sida jumladda ah u gumaadayay dadka aan waxba galabsannin ee ay ugu danbeeyeen ardaydii waxbarashada ugu socotay dalka Turkiga ee mustaqbalka ummaddu u baxsan lahayd, ka dibna ku faanay xasuuqooda.
Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay farriimo gooddi ah oo cod iyo qoraalba leh culimada u soo diraan iyaga oo ugu cago-jugleynaya inay dili doonaan haddii ay khaladaadkooda dadka u sheegaan. Diktoor Axmad waxaa dilay dadka ugu yaraan tobanka jeer farriimaha cabsi galinta ah u soo diray sida uu sheegay intii uu noolaa ee mar walba ugu hanjabayay inay dili doonaan.
Diktoor Axmad waxaa dilkiisa waxaa ka qaybqaatay wadaadadii Baydhabo lagu shiriyey ee sida qayaxan ula jahray in la laayo culimada soomaaliyeed ee codkoodii oo duuban maanta la hayo, aakhiro iyo adduunna cid walba oo shirkaas ka qayb gashay iyadaa og halka ay kaga lug baxayso dhiiggii Diktoor Axmad (Alle ha u naxariistee) iyo inta kale ee codkooda loo cuskan doono dilkeeda.
Diktoor Axmad waxaa dilay ururka Al shabaab oo horayba ugu howlanaa laynta culimada iyo nin doorka ummadda. Sharci ahaanna gacan ku dhiiglayaasha ka sokow waxaa si toos ah uga masuul ah faldambiyeedkaas, loona qisaasayaa aasaasayaasha iyo madaxda ururkaas oo ugu horreeyo guddoomiyaha ururkaas Axmad Cabdi Aw Muxumad oo la ogyahay in uu si gaara u maamulo kooxaha shirqoolada iyo qaraxyada ee ururkaas, isla markaana si toos ah u bixiya amarada dilalka iyo qaraxyada .
Faldanbiyeedkan uu ururkani ku khaarijiyay Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan wuxuu si fiican u iftiiminayaa ujeedada kama dambeysta ah ee ururkani u socdo. Dilka Dr. Axmad iyo culamada kale ee ururukani dilayna wuxuu tilmaamayaa in loo baahanyahay in dib loo akhriyo ururkan oo markii hore loo eegayay inuu yahay urur diineed oo waxyaabo ka khaldanyihiin, waxayna arrintaasi horseedi doontaa in dhinacyo badan laga akhriyo oo ay ka mid tahay inaan meesha laga saari Karin in ururkani fulinayo ajende dowli ah, uuna qayb ka yahay dagaalka cadowga islaamku ay ku wiiqayaan islaamka iyo ehelkiisa.
Ugu dambayn waxaan soo jeedinayaa in diraasad ballaadhan lagu sameeyo ururkan, lana joojiyo ku gaabsiga dhinacyada sharciga ah ee dhinacyo kala duwana laga eego, cid kasta oo xog ka haysana ay ka qaybqaadato diraasadaas, waliba in si gaara diirada loo saaro taariikhda iyo soo jireenka aasasayaashiisa, duruufta iyo waqtiga ururkani samaysmay, tillaabooyinka uu qaaday intii uu jirey. Waxaa kale oo muhiim ah in la uruuriyo qoraalada iyo maaddada duuban ee ururkan madaxdiisa iyo xubnihiisu duubeen ee la heli karo.

.gif)

