Sh.Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan yaa dilay?. W/Q: Sh.Xassan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)

December 7, 2011 - Written by

Mecca:.-Dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan (Alle ha u naxariistee) wuxuu naxdin iyo tiiraanyo ku abuuray cid walba oo sheekha taqaannnay carab iyo cajamba, dikliisuna wuxuu noqday nabar aad u xanuun badan oo qof walba oo samo jacel qalbiga kaga dhacay.Si gaar ah wuxuu nabar kaasi u sii xanuujiyay cid walba oo ku howlaneyd islaaxinta ummadda oo dugsaneysay ama uu diktoorku garab iyo hiil u ahaa, iyada oo wakhtiga geeridiisii ka soo wareegay uu yaryahayna si baaxad leh ayaa loo tabay kaalintii uu ku aaddanaa, si muuqata ayaana loo dareemayaa dabeysha ka soo dhaceysa furintii uu ku jiray.

Dilka sheekha oo runtii ah nabar dadka aad u wada damqay wuxuu dhaliyay su’aal mashruuc ah oo ah tolow yaa dilay Dikrtoor Axmad?. Labadii wada hadasha ama dadkii meel isugu yimaadaba su’aasha aan afkoodu gafeynin waxay noqotay ma la garanayaa ciddii ka danbeysay dilka sheekha?.

Qaybo ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka hadlay dilka sheekhana waxay farta ku fiiqeen dhinacyo loo maleyn karo inay ka danbeeyeen shirqoolka sheekha lagu dilay, waxaanse wali tabayaa inaan hadalka loo dhibcaynin sidii loo baahnaa, dhacdadan xanuunka badanina waxay qasbeysaa in si qayaxan loo xaddido cidda la ogyahay ee sheekha dishay; si looga qaato mowqifka ku habboon.

Tolow yaa dilay Diktoor Axmad?

Diktoor Axmad waxaa dilay dadka caadeystay daadinta dhiigga xurmada leh ee kor iyo hoosba ugu dhawaaqay in Ilaahay loogu dhowaanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.

Diktoorka waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay dadka sabab la’aan gaaleysiiyaan, tuhmadii ay rabaanna ku dhajiyaan: waa jaajuus, gaaladuu u shaqeeyaa .. ee waliba bogagga sumcadda xun internetka ka sameystay ee hadh iyo habeenba dicaayadaha been abuurka ah dusha u saara kuwa ugu mudan culimada soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Diktoor Axmad waxaa dilay kuwa silsiladaha qoraalada ah ee been abuurka ah ka faafinayay taariikhdii dacwada soomaaliyeed ee dadkii ummadda wax taray oo dhan ku sheegay inay ahaayeen koox hagardaamada islaamka ka shaqeyneysay!.Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii culimada soomaali yeed ku sheegay inay culimo xun oo aan diinta ka runsheegeynin yihiin ( علماء السوء) oo waliba la badheedhay inay culimadu AMISOM culimo u yihiin, danaha gaaladana ka shaqeeyaan.

Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii sida badheedhka ah meel walba uga yidhi: culimada ictisaamka waa in la laayaa fasahaadka ay wadaanna dadka laga qabtaa iyaga oo ay intaas u dheereyd inay si gaar ah u magac dhabeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed iyaga oo kooxoohooda sirta ah ugu baaqaya inay dhafoorka ka toogtaan!. Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii dilay Dr. Ibraahim Xasan Cadow iyo Dr. Axmad Cabdullaahi Waayeel , Sh. Abuukar Xuseen iyo macalimiintii iyo ardaydii ka qalin jabineysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir ( Alle ha u wada naxariistee). Haddii la dafiri lahaana waxaa ab iyo isirba loo garanayaa wiilkii isku qarxiyay hotelka Shaamow ee galaaftay dadkii akhyaarta ahaa ee danbi la’aanta halkaas ugu halaagsamay.

Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii dilay Sh. Maxamad Tahaliil Warsame ( Alle ha u naxariistee) isaga oo sooman oo masjidka ka soo baxay cid uu danbi ka qabayna ayna jirin, dadkii yaqaannayna ay ku barteen samo jaceyl iyo laab xaadhnaan. Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii Boosaaso ku dilay C/wahaab Xamaas oo ka mid ahaa dhallinyarada khayrka lagu yaqaannay isaga oo salaaddii makhrib ka soo baxay, maalintiina soommnaa!.

Diktoor Axmad waxaa dilay kuwii gumaaday kawaadirtii ururka xisbul islaam ee dhiiggooda banneystay sabab la’aan ee baaqigii ururkaaas ka soo hadhayna ku sandulleeyay inay hubka dhigaan oo ay iyaga isu dhiibaan. Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay gaadmo ku toogtaan dadka masaajidda ku sii socda ama ka soo socda ee salaaddii soo tukaday ee ay dad badani dartood uga hadheen salaaddii jamaacada ee ay ku dadaali jireen inayna waligood ka habsaamin, howlina ayna ka reebin.

Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii dadka ashahaadanaya gowraca ugu jiidayay ee waliba ugu jawaabayay ashahaadadu wax ha kuu tarto ee waliba ficilkoodaas foosha xun duubay ee maanta isaga oo fiidiyow ah la hayo. Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii sida jumladda ah u gumaadayay dadka aan waxba galabsannin ee ay ugu danbeeyeen ardaydii waxbarashada ugu socotay dalka Turkiga ee mustaqbalka ummaddu u baxsan lahayd, ka dibna ku faanay xasuuqooda.

Diktoor Axmad waxaa dilay dadkii ay caadada u aheyd inay farriimo gooddi ah oo cod iyo qoraalba leh culimada u soo diraan iyaga oo ugu cago-jugleynaya inay dili doonaan haddii ay khaladaadkooda dadka u sheegaan. Diktoor Axmad waxaa dilay dadka ugu yaraan tobanka jeer farriimaha cabsi galinta ah u soo diray sida uu sheegay intii uu noolaa ee mar walba ugu hanjabayay inay dili doonaan.

Diktoor Axmad waxaa dilkiisa waxaa ka qaybqaatay wadaadadii Baydhabo lagu shiriyey ee sida qayaxan ula jahray in la laayo culimada soomaaliyeed ee codkoodii oo duuban maanta la hayo, aakhiro iyo adduunna cid walba oo shirkaas ka qayb gashay iyadaa og halka ay kaga lug baxayso dhiiggii Diktoor Axmad (Alle ha u naxariistee) iyo inta kale ee codkooda loo cuskan doono dilkeeda.

Diktoor Axmad waxaa dilay ururka Al shabaab oo horayba ugu howlanaa laynta culimada iyo nin doorka ummadda. Sharci ahaanna gacan ku dhiiglayaasha ka sokow waxaa si toos ah uga masuul ah faldambiyeedkaas, loona qisaasayaa aasaasayaasha  iyo madaxda ururkaas oo ugu horreeyo guddoomiyaha ururkaas Axmad Cabdi Aw Muxumad oo la ogyahay in uu si gaara u maamulo kooxaha shirqoolada iyo qaraxyada ee ururkaas, isla markaana si toos ah u bixiya amarada dilalka iyo qaraxyada .

Faldanbiyeedkan uu ururkani ku khaarijiyay Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan wuxuu si fiican u iftiiminayaa ujeedada kama dambeysta ah ee ururkani u socdo. Dilka Dr. Axmad iyo culamada kale ee ururukani dilayna wuxuu tilmaamayaa in loo baahanyahay in dib loo akhriyo ururkan oo markii hore loo eegayay inuu yahay urur diineed oo waxyaabo ka khaldanyihiin, waxayna arrintaasi horseedi doontaa in dhinacyo badan laga akhriyo oo ay ka mid tahay inaan meesha laga saari Karin in ururkani  fulinayo ajende dowli ah, uuna qayb ka yahay dagaalka cadowga islaamku ay ku wiiqayaan islaamka iyo ehelkiisa.

Ugu dambayn waxaan soo jeedinayaa in diraasad ballaadhan lagu sameeyo ururkan, lana joojiyo ku gaabsiga dhinacyada sharciga  ah ee dhinacyo kala duwana laga eego, cid kasta oo xog ka haysana ay ka qaybqaadato diraasadaas, waliba in si gaara diirada loo saaro taariikhda iyo soo jireenka aasasayaashiisa, duruufta iyo waqtiga ururkani samaysmay, tillaabooyinka uu qaaday intii uu jirey. Waxaa kale oo muhiim ah in la uruuriyo qoraalada iyo maaddada duuban ee ururkan madaxdiisa iyo xubnihiisu duubeen ee la heli karo.

10 Comments so far

Leave a comment

  1. asc. sh xasaan alla haku xifdiyo sida geesinimada le eed ubayaamisay cidda kadan baysay dilka sheekha alla ha unaxariistee anna waxaan isku dayayaa inaan ugu yaraan kabixiyo kun koobi oon ummada uqaybiyo asc

  2. ASC,

    Sheekh abuu xasaan aad baad u mahadsanthay sida cad ee aad daaha uga feydey, run ahaantii maanta wax hadhay ma jiraan mar haddii ay culimadii dhiigoodii banaysteen, waxaan ku talinayaa 1. marka u horeysa in loo diyaar garoobo sidii culimada nool loo difaaci lahaa oo loogu samayn lahaa ciidan gaar u ah oo ilaaliya maadaama ay hadaf noqdeen.
    2. Tan labaad in ummaada si guud oo fataawe culimadoo dhan ah loogu cadeeyo firqadan iyo meesha ay salka ku hayaan.
    3. in loo diyaar garoobo sidii laysaga dhicin lahaa.

  3. as wr wb

    baarakalaahu fiika wanafaca bik- wad facal-
    walaal aad iyo aad baad ugu mahadsantahay cadeyntaas iyo muujinta dareenkaaga murhifka ah ee aad ku muujisay kaalinta uu baneeney Allah u naxariistee Sh Dr ahmed X Abdirahman, iyo tilmaanta aad sida cad ee geesinimada leh farta ugu fiiqday cidhib beelayaasha ku halaagsamay dilka sheekha.
    waxaan soo jeedin lahaa in maqaalkan la faafiyo oo qof waliba uu u diro cidda uu garanayo iyo in weliba lagu soo qoro joornaalada afsoomaaliga ku soo baxa meel kasta, sidoo kale loo gudbiyo televesionada afsoomaliga ku hadla si ay barnaamijyadood ugu daraan.
    arinta kale ee xasuusinta mudani waxa weeye in dhacdadan laga faa’iidaysto oo laga fekero qorshe badbaado oo ummada somaliyeed lagu badbaadinayo, intaan haldoorkooda iyo hormoodkooda laga dhamayn.

    ws wr wb

  4. Asc, Maashaa Allaah walaal xasan deeq jazaakallaahu kheyraa. Walaal Ilaahay ayaan kuu weydiinaynaa cafis tan kale hadii culimadeena rabaaniyiintaa aan ka harno ma waxaan raacaynaa dad jaahiliin ah. Walaal culimadu waa kuwii dhaxlay nabigeena Muxammad scw, wax kamay dhaxlin ee waxay ka dhaxleen oo ay u duubteen inay ku socdaa kitaabka iyo sunnada oo ah labada shay ee suubanuhu noo dardaarmay inaan gows dambeedka ku qabsano. Waxaan rajaynayaa in culimadeenu ayay yihiin inshaa Allaahu tacaalaa daa’ifatul mansuurah oo ayna waajib tahay in laga mid noqdo daa’ifadaas maadaama xaqa daahirinayaan. Allaah ayaan asmaa’ihil xusnaa wasifaatihil culyaa ku weydiisanaynaa inuu culimada noo xifdiyo cilmigoodana nagu anfaco. Dhalin yarooy aan u istaagno difaaca culimadeena af iyo adin oo yaan la hagran qof kastoo naga mid ah wuxuu awooodo. Ilaahay waxaan weydiisanaynaa cid walba oo dhib la doonaysa culimadeena inuu qabto akhda caziizin muqtadir. Wabillaahi Attowfiiq.

  5. Asc wr wb waxaan marka hore u mahad celinayaa Sh Hassaan oo runtii wax badan iftiimiyay talo qaali ahna kusoo gunaanaday waxaan lee yahay Sh Hassaan allaah subxaanahu watacaallaa Miizaanka xasanaadka hakuu saaro maskaxda cilimiga iyo caqligana hakuuu siyaadiyo marka 2aad waxaan iyagana u mahad celinayaa dhamaan walaalaha comentiskooda ka dhiibtay qoraalka Sh Hassaan oo iyagna runtii ah walaalo la duuban taageero dhan walba ah marka 3aad waxaan halkaan rabaa inaan cafiiis ku waydiisto dhamaan inta kasoo horjeedo ururkaan dhiigya cabka ah ee diinta islaamka iyo ehelkeedaba marin habaabiyay cafiiskaas oo ah inaan anigu kamid ahaa taageerayaasha fikirka ee ururkaan balse aanan wali ficil ahaan u taageerin ama hanti ama talo toona runtii sababta kaliya ee aan ku taageeri jiray waxay ahayd inay agaal kula jiraan gaalo isbahaysatay balse sida hada uu muuqata ay u xuubsiibteen cadowga culumada somaliyed waxaan aad uga xumahay inaan dhowr jeer bogaan kusoo qoray comentisyo lidi ku ah fikirka webka ee ah taageerada culumada sharafta badan ee somaliyeed anigii daliishanaya maa gaalada wax laga sheeg uxaadarooyinka la jeedinayana iyaga looga hadlo maxaa alshabaab loogu mashquulayaa laakiin hada waxaan ogaaday in culumadu target tahay alshabaabna hadafkoodu uusan ahayn inay diin difaacaan balse uu yahay in somaliya ka ciribtiraan cid kastoo fikirkooda kasoo horjeeda taasna waa wax u baahan sida sheekh Hassaan sheegay in alshabaab lagu sameeyo daraasad weyn oo aan loo kala harin cid kastoo aqoon rasmi ah u leh alshabaabna ay qayb ka noqotay daraasadaas iyada ah runtii anigu waxaan ahaa shacabka fikirka laga qalday ee taageerada afka ah u haya alshabaab hadana waan kala noqday taageeradaas laakiin waxaan isku dayayaa in aan baaritaan ku sameeyo waxa rasmiga ah ee alshabaab u taagan yihiin insha allaah markale waxaan codsanayaa cafiiis iyo masaamax dhamaan umada somaliyeed iyo webk halgan.net comentisyadii aan idinku duri jiray anoo aaminsanaa fikir khaldan sc wr wb

  6. Aniga waxay ilatahay in culimadu istaagaan oo fadhiga ka kacaan sheekadu alamtara soo dhaaftay.

    1-waa i xaafadaha booaasaso laga sameeyo ciidan oo culimada iyo ganacsata iyo shacabku is caawiyaan oo aan la isku halayn nimankan dawladda sheegta ee puntland.

    2 waa i culimadu geed dheere iyo geed gaaban ba u fuulaan sidii somalia wax looga qaban lahaa oo aysan u daba fadhiisan dadkan magac u yaalka oo aan dadka iyo dalka danta ka lahayn waxaaan filaya in la marayo xiligii tataarka iyo ibno taybiyah oo kale sidii oo kale ayaa la rabaa in culimadu marada tuuran hadii kale sidaasaa habeenba mid oo qalan oo ay ku dhamaan hadii culimdu dhamaatona somali magaceedii saas buu ku dhamaan

    3 waxay ilatahay in la joogo xilligii bayaanka iyo dhaleecaynta loo badalihalaa ficil

  7. acww

    marka aan ka tagno waxa ay afka ka sheegtaan,ee aan diirada saaro waxa ay sameeyaan,wuxuu si sahlan u fahmi karaa qof kasta in nimankan waxa ay sheeganayaan iyo waxa ay samaynayaan ayna islahayn.Marka ma jahli baa u geeyay? haduu jahli u geeyay may culimada suaalaan?
    ma dad dagaaladii sokeeye saameeyeenbaa oo qaba cuduro nafsi ah? waxa ay sheegtaan in ay alqaacida ku xidhan yihiin,marka alqaacida ma waxa ay u dagaalantaan islaamka mise way lagaalantaa? waxa ay sheegtaan in ay shareecada islaamka wax ku xukumayaan, falkoodu wuu khilaafsan yahay shareecada islaamka,marka ma laga yaabaa in ay wataan islaam iyo shareeco cusub oo ay u soo sameeyeen maraykanka,ujeedaduna tahay in lagula dagaalamo islaamka iyo ehelkiisa.
    Alaa og xaqiiqda,laakiin falkoodu wuxuu u egyahay fal lagu burburinayo xarakada iyo saxwada islaamka ee ka jirta geeska africa.
    Sida wax u dhacayaan, waxay burburiyeen xisbul islaam iyo qof kasta ooy islahaayeen wuu idin fahmi karaa. waxay si dadban u sifeeyeen ragii maraykanku soomaaliya ka raadinayay ee uu lahaa alqaacida ayay la shaqeeyaan. waxay xabsi guri ku rideen sh.Xasan Turki,waxay ixtiwaa ku sameeyeen Sh.Xasan Daahir,waxayna sifeeyeen kawaadirtii ay xaraka islaamiya soo tarbiyaysay.Markay wajigaa soo hirgaliyeen, si layaab lehna u soo jileen filinkaa, ayay hada u soo gudbeen wajigii labaan oo ah in maadaama la sifeeyay garabkii milatariga, hada la sifeeyo culimada fahmi karta ama wax ka sheegi karta waxa ay samaynayaan.
    Baydhabo waxa lagu sameeyay gole culimo oo la rabo in lagu dhaho dad waynaha waata culimadii saxda ahayd,kuwa kale een alshabaab ku xidhnayna waxay ku xidhan yihiin bush iyo zanawi.hadii dadwaynuhu aqbalo arintaana in si fudud loo gudo galo wajigii labaad ee xasuuqa culimada.
    arinkaa waxaan ka fahmay falkooda oo kaliya,ee waxa ay afka ka sheegtaan waa qurux badan yahay.
    xalku hada wuxuu ku jiraa in culimadu hogaanka qabato,alshabaabna la kala saaro,inta ay qasbeen in laga xoreeyo,inta ay khaldeen ee daacada ahna la baraarujiyo,waayo kolkii horeba khayr doon bay ahaayeen,inta u shaqaysa laamaha sirdoonka ee caalamiga ah, ee inta sida sare loo soo tababaray sidaan wax u jishay, sidaana wax u fasaadisay in aan tusino in wiilasha saxwada ee bariga afrika ayna saahil ahayn,mashruucoodana aan fashilino,dhaqan celina aan u samayno,waayo waxaan nahay dad xadaari ah oon dadka u sifaynin si waxshi ah,ee anagu dadka waan dhaqan celinaa,ninkii diida dhaqan celinta maxkamad ayaanu saari. sidaa hadaan yeelo waxaan cadaynay hadaan nahay jiilka saxwada ee soomaaliyeed in aan ka soo baxday doorkaanagii ahaa in aan ummada islaamka wakiil uga nahay geeska afrika,muahal aan u nahay arinkaa.
    wcww

  8. Aad & aad ayaan kuu samaalayaa Sheekhaygoo. Waa sidaad sheegtay waan in umadda oo culimada hogaaminayso u istaagnaa inaan daraasad baahsan iyo xog ururin loo istaago. Sidaa waxaan u leeyahay, haddaad doonayso inaad dhagarta cadowgaaga ka gabato, waa inaad aqoon heshaa. cadow aan la’aqoon lagama guulaysan karayo.

    Midda labaad Alle wuxuu ku mahadsanyahay in qolayahan burburkoodii soo muuqdo. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan qof ka danbeeya inuusan Alle gacantooda ku sababin. Alle waxaan wax badan ka baryay habeenadan in haddii uu hanuun u qorayna hanuuniyo haddii kalena halaag deg-deg ah u keeno. Jazakallah akhii.

  9. asalaama caleykum salaanta islaamka ayaan idinku salaamay inta ra’ayigayga akhrindoonta sheekh xasan waad ku mahadsantahay warbixinta aad diyaarisay,marka hore waxaan rabay in aan ku xusuusiyo aayadii rabi ee aheyd {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيراً مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضاً أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتاً فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ }الحجرات12 arimahaan aad soo sheegtay waan kugu raacsanahay in ururkaan lagu sameeyo cilmi baaris dad aqoon u lehna aya kaqey galaan maxaa yeelay (jihaadka) ay sheeganaayaan ma ahan kii rasuulka iyo saxaabada gali jireen xukunka islaamka waa midka dadka qalbiga u dejiya oo loo soo cararo ma ahan mid dadka dhiigiisa baneysta ama laga cararo.akhii abu xasan waad ku mahad san tahay, waxaan rabay maadaama aan ilaa hada cidana loo soo qabadan dilki sheekha in aan ku danbaabno cidii dishay.jazakallah akhii.

  10. Jazaakallaah sh.Xasan sida kartida leh ee aad u bayaamisay maqaalkaagaan qiimaha badan. Ilaahay culimada dhamaantood hanoo xifdiyo, kuwa lidka u ah camalka khayrigaa oo ay hayaan oo waliba dilka jawaabta uga dhigayna Ilaahay tadbiirkooda tadmiirkooda haka dhigo. Mid shaki iigama jiro oo Ilaahay isagaa noo sheegay sida ku sugan xadiisul qudsiga in cidii la colaytanta awliyadiisa uu la dagaalayo. Marka qoladaas manhajka munxarifka ah wata waxay iclaamiyeen dagaal ay Alle ku duulaan yihiin, Allaahna wuu ka aarsan doonaa. Allaah ayaan ku waydiisanaynaa magacyadiisa wanaagsan iyo tilmaamihiisa sareeya inuu Ilaahay fashil dagdag ah ku keeno kuwa dhagar qabayaasasha ah ee culimadeena dilaya ama ku been abuuranaya waxay doonaan ha ahaadaan. Wabillaahi At-towfiiq.

Leave a comment

*