Sheekh Saalax Fowzan iyo Sh.Muxsin Cabaad oo ka hadlay Xaalada Markazka Daarul xadiis.(Dhagayso)

December 3, 2011 - Written by

Yemen:-Culumada ugu tunka weyn Dacwa Salafiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duulaanka iyo dulmi ga kooxda xag jirka ah ee Xuutiyiinta ee raafidada ah ee go,doonka ku haya Markazkii ugu weynaa Salafiyiinta ee Daarul xadiis ee gobalka Sacda gaar ahaan degmada Damaaj.

Culumada ka hadashay duulaanka xuutiyiinta ayaa waxaa ugu waaweyn.

2-Sh. Saalax Fowsaan ayaa ugu baaqay Ardayda iyo culumada Damaaj ee difaacaya Markaskii Daarul Xadiis in ay is difaacaan cirdigooda iyo naftooda iyo caruurtooda iyaga oo talo saaranaya alle subxaanaho watacaalaa Sh.Saalax Fowzaan ayaa sabab uga dhigay duulaanka xuutiyiinta khilaafka iyo tafaruqa kala dhex galay umada islaamka ah waxaana uu dardaarmay sabar dulqaad iyo Midnimo. Sheekh Saalax Fowsaan ayaa umada Islaamka uga digay kala taga iyo kooxeysiga wuxuuna ugu baaqay umada islaamka in ay noqdaan hal koox ayna meel uga soo wada jeestaan cadowgooda.

Hoos ka dhagayso nasiixada Shiikh Saalax Fowzaan
[audio:http://aloloom.net/upload/om/fozan/hothiin.mp3] 

 2-Sheekh Muxsin Cabaad oo isna ka mid ah culumada ugu waaweyn salafiyiinta ayaa isana ku baaqay in lala jihaado kooxda xuutiyiinta ee dulmiga ku haya Markazka Daarul Xadiis ee Damaaj wuxuuna ugu baaqay cida jihaadka ka qeyb galaysa in ay idin ka qaataan labada waalid isagoo sheekhu cadeeyey in Damaaj ay go,doonsheen kooxda Xuutiyiinta.

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. waa in layska difaacaa daalimiinta dagaalka ku hayaan sunada nabiga calayhi salatu wasalaam. allaha jabiyo xuutiyiintu

  2. a/c
    walaal axmedow jihaadku labu u qaybsamaa 1-jihaad dalab(raadin)
    2-jihaad dafci (difaaac)

  3. sc muslim isdilaya majihaad baa sh fowzani wuxu ku tilmaamay difaac muu oran jihaad

Leave a comment

*