Sh.Yuusuf Aaden Maxamed oo ka hadlay dilkii Shiikh.Dr Ahmed Xaaji habaanayna kuwii dilay(Dhageyso)
December 8, 2011 - Written byHargeysa:-Sheekh Yuusuf Aden oo ka mid ah culmada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay dilkii Dr Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah waxaana uu Sheekh Yuusuf Aden ayaa si kooban uga hadlay wixii uu ku yaqaanay Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan wuxuuna habaaray kuwii xaqdarada ku dilay Dr Ahmed Xaji C/raxmaan.
Dhamaan Culumada ku nool S/land ayaa meel adag ka istaagay dilka Dr Ahmed waxayna ugu baaqeen dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa haatan u soo dhigtay in ay laayaan culumadii Soomaaliya
Halgan.net ayaa waxaa la soo xiriiray ama Emailo ama qoraalo soo gaarsiiyey culumo aad u tiro badan oo runtii aan la soo koobi kari waxaana dhamaan alle uga baryeynaa in culumada uu ka abaal mariyo juhdigooda ay u soo mareen dacwada iyo tawxiidka ay sida wanaagsan u faafiyeen.
Sheekh Yuusuf Aden ayaa ah runtii Sheekh baac dheer ku leh dacwada Soomaaliya in badana loo soo dhibay waxaana si gaar ah ugu xasuustaa dulqaadkiisa iyo xikmadii uu ku soo waday dacwada.
Hoos Ka Dhageyso codka fadiilat Sheekh Yuusuf Aden.
[audio:http://www.masjidshaafici.com/audio/Boosaaso/Shyuusuf.mp3]
.gif)

