Talow ma Nabi Muxamad صلي الله عليه وسلم lagu been abuurtaa fudud mise Sheekiina in la qabtaa adag

December 21, 2011 - Written by

Mahad Alle ka dib waxaan aqriyay qoraalo ay soo qoreen labo qof oo lakala dhaho Maxamed xirsi guuled iyo Axmed cartan, labadaasi qof waxa ay isku dayeen inay ka jawaabaan su,aalo ay direen Fadiilatu Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Fadiilatu Shiikh Maxamuud Maxamed Shibli , una direen Sh xasan maxamud takar, kuna saabsanaayeen inuu sheikh xasan kasoo jawaabo Axaadiis uu ku been abuurtay Suubanaheena muxamad (صلى الله عليه وسلم). Walaalaha isku dayay in ay ka jawaabaan Axaadiis-taas been abuurka ahayd ee uu dajiyay  Sh. Xasan Maxamud Takar lagana codsaday inuu meel ku sheego ma aysan ka hadlin axaadiis-taas, oo waxa ay aadeen meelo kale.

Waxaan walaalaha waydiin lahaa Tolow ma Nabi Muxamad صلي الله عليه وسلم in lagu been abuurtaa fudud mise sheekhiina in la qab taa adag. Mise tacasubka ama kooxeysiga ayaa idinkala waynaadey ku been abuurka Nabigeena Muxamad صلي الله عليه وسلم  .Bal ila eega Axaadiista la waydiiyay sheikh Xasan Takar iyo jawaabaha ay bixiyeen walaalaha isku dayay in ay sheikh Xassan Takar difaacaan.

Talow ma Nabi Muxamad صلي الله عليه وسلم lagu been abuurtaa fudud mise Sheekiina in la qabtaa adag

Xudeyfa raage cali

E-mail: xudeyfa@msn.com

 

14 Comments so far

Leave a comment

  1. asc
    marka hore waxaan oran lahaa dadkan soomaaliyeed ee iyaga laysi suray
    war ma ogtihiin in waxa idinka dhaxshaqaynayaa ey yihiin naftiina iyo shaydaan misse wax kasta waxaa idinkala weyn qabiilka iyo kooxaysiga
    tan kale sh, shibille sh, ummal sh, xassan kuligood waa culimo innagana waxaan nahay caammo ee maxaad isugu sii diraysaan

  2. Waxaan salaamayaa walaalaha Maamulka Halgan.net, Ee noosoo gudbiya cajaladaha Culimada.

    Intaas ka dib walaalayaalow hasoo gudbinina, qoraalka cid kasta waxaa soo dirta, ilaa aad ka tawthiiqisaan culimada waawayn.

    Waadna mahadsantihiin hawsha aad haysaan

  3. Waxaad ogtihiin in arrintani aaney cusbayn, laakiin ay sannado badani ka soo wareegeen markii Xasan Takar lagu qabsaday axaadith-taas been-abuurka ah. Sannado badan ka dib, waddadiisii buu Xasan Takar weli ku taagan yahay!

    Dad u bareeray iney Nebiga csws ku been abuurtaan, miyaa dan ka leh daadinta dhiigga Culimada iyo muslimiinta kale?

    Dad kuu hanjabaya oo ku xaqiraya miyaad baryo iyo walaalow wax uga heleysaa?

    Dadkaan baryada iyo heedha-heedhayntaa uga daraysa, ee waa inaan loo jixinjixin oo baadilkooda la caddayaa, shacabkana looga digaa, culimaduna ay Alle tala saartaan oo aaney ka biqin kooxdan qardajeexa ah ee xaqqa ka bayrtay.

  4. Waxaan aad ula yaabanahay in Xasan Takar uu ku adkaysto arrinkaan. Ma garanayo waxa ku xambaaray inay muddo dheer ku qaadato inuu ka laabto axaadiistaan, ceeb ma aha, wax gub ahna ma aha, inuu qofka wuxuu sheegay hadday qalad ahaayeen uu ka laabto, marka amaanada cilmiga laga hadlayo.
    Xasan Takar waxaan dhihi lahaa geeri meelay soo joogto lama ogee arrionkaan wax ka qabo oo isi sax, anaka iyo adigana Rabbi ha na dhawro.

  5. mash allah culumadu dallil cad ayay hayaan ee wiilsha yaryar ayuu xassan Takar bohol uga tilaabsaday

  6. walaal aad ayaad u mahadsnahay sida wanaagsan ee aad u soo qeexday arintaan sababtoo waxaan la yaabey nimanka difaacaya sh. takar kuna difaacaya xadiisyadaas aan raad saxa ah
    laheyn

  7. asllaaamu calaykum
    akhuuna xudayfa jazaka allahu kheyran ilaahi nah ha ku barakeeyo diifaca diintanah saxiixah aa kugu dilo aaamin intaa kadib wallah u caadee ineeey sen yirin axaddithkaas siida umada u o gaadan oo xassan takar laga rabo in uu ka noqdo iyo u toobadkeeno ilaah adiikale gaalnimo baa lagu xukuma yaa

  8. Asallaamu Calaykum

    xudayfa Allaah haku barkeeyo aqoonta aad diinta ale ku difaaceysidna allaah hakuu siyaadiyo

  9. walaalaha maamulka halgan.net iyo dhammaan walaalaha halkaan fikradooda wanaagsan ama baxthiga cilmigaa kusoo dudbiya oo br Xudayfe udambeeyay aadbay umahadsanyihiin waxaana leenahay JAZZAAKUMULLAHU KHAYRAN.
    Waxaan cillad kala kulmay ama iifurmi waayay PDF FILE-KII ee ma’wax aniga igu gaar ahbaa mise waa cilad jirta?
    bal arinkaa cillad bixiya halgan.net-dow
    wabaarakumullah khayran

  10. جزاك الله أخى الحذيفى ردك هذ يبدو لى منه الأدب وأسلوب أهل المعرفة حيث أنك بيّنت للإخوة كل شىء ولم تعتد على أحد منهم بل وما زلت وإلى آخر المقال تذ كّرهم بأنك أخ لهم وتحترمهم وكل ما تريد منهم تبيان الحق ومتابعة الحق وليس الأشخاص وعدم الإفترء على سيّدنا رسول الله صلى الله عليه وسلم

    وهذا مانريد منهم لأن نصرة الإسلام وطلب متابعة الحق والتوبة للجميع إلا أنهم يتحدثون وكأنهم بشرو بالجنة وأنهم فى بر الأمان وعلى آلاخرين المذنبين ما عدا منهم أن يتوبو إلى الله وهذ كمن نقبل منهم لأن سيّدنا رسول الله كان يتوب الى الله فى اليوم مئة مرة ولكن فى كلامهم حق يراد به باطل
    ودائما تفوح منهم وفى بادء مقالاتهم رائحة كريهة وهى عدم إحترام العلماء وإن خالفوهم إن كان لهم أصلا ملكة المخالفة

  11. Ac wb wb.Jazakalah Xudayfa. Waxaan maqli jiray. Nugaal baa Biyo wayday oo Docmaa looga arooray Dad mowqaadan karaan. waa Maya Maya. Daliil ay Culumadu kawaayeen Axaadiithta u malayn maayo Ciyaalka meesha ordaya inay helayaan. Waxa laga hadlayana maysan fahmin wali. Dafaaca Sh Xassan Takar ayaa wuxuu kala wayn yahay in la difaaco Nabigeenii Suubaa SCW.Anigu waxaan aamin sanahay inaysan Al shabaab meelgaaraynin lakiin ay naga dhamaynayaan Quraada iyo rag badan oo siqaldan wax loo faham siiyay.

  12. Allaah akbar jzkheyr akhii Insha allah waxaan sugnaabo waa shiekh Takar

  13. Walaal Xudeyfa aad baad u mahadsantahay. Waan sugaynay ninkaa difaacaya Xassan Takar oo xadiithta aan xiriirka la lahayn waxa lawaydiiyey oo been abuurka ahaa. Waxaan kaa codsanayaa inaad nimankan sidaas ugu toog haysid, khaasatan hadii aad Xadiith uu keenay sidii ugu difaaco been abuurku Takar ee ahaa “Waxaa la idinku dili doonaa magaca irhaab” oo innaba ha yaraate ladi iyo macnebe aysan wax cilaaqo ka dhaxeyn midka uu keenay si uu ninka uu Sheekha u ah ugu difaaco.

    Markale Jazaakallahu khayran. Waxaa la joogaa xilligii xujjada iyo bannaaninta loogu baahida bayanyahay iyadoo ay fitantii, been abuurkii, iyo ikhtilaadul baadil bil xaq uu aad ubatay.

    WSC

  14. xudeyfa maqaalkaaga qoraalkaaga aadbaan ula dhacay jazakallahu khayran, nabi muxammadna in lagu been abuurto maahan sallalahu calayci wasallam. walaal dadbadan buu kooxaysigu indho tirayaa waxaana kamida xataa kuwo badan oo maqaalo soo galiya webkaan halgan markaa warkooda dhaleecaysidna kuu arka koox dadku waxay ilaabeen in uu ilaahay un yahay maqaldame oo asaga un uu waxwalba ka hufanyahay. marka dadoow ogaada kooxaysiga iska dhaafa

Leave a comment

*