Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan ?

December 13, 2011 - Written by

Alle baa mahad oo dhan u sugnaatay  intaas ka dib Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan ? Maxaa dan ah oo ugu jirta dil kaas ? Diintee u banneysay? Maxaa argagax loo galiyey dhammaan dadkaas oo dalkoodii bannaanka looga saaray, loona baday xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo Itobiya? Dhiiga oo la daadiyo, xaq la’ aan, waa danbi aad uweyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo. Waxaa laga oohiyey hooyoyin, caruur, culumo, waxgard iyo waayeel. Waxaa qof kasta oo u danqanaya dadkaas la gudboon in uu ka qaybqaato joojinta dilka dadka soomaaliyeed ee muslimka ah. Haddii Eebbe Idmo, si aan ugu bayaammino cirib xumida ka dhalata daadinta dhiigga dadka muslimka ah, waxaan ummadda u soo gudbin doonaa Aayado Quran ah iyo Axaadiis ka sugnaatay suubaneheennii Muxammad (sallalahu caleyhi wasalam) oo dhammaantood ka digaya dhiigga qofka muslimka ah. Diinteennu, sida Rasuulku (SCW) inoo sheegay waa waano, waxa ugu fiican ee la isku waani yaana waa is xasuusinta kitabka iyo sunnaha.
Halkaan riix dilka qofka muslimka ah

W/Q Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman
Halgan.net, Uk

Leave a comment

Archives
December 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online