Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan ?

December 13, 2011 - Written by

Alle baa mahad oo dhan u sugnaatay  intaas ka dib Waa yaab! Dadka dilaya dadka muslimka ah maxay u daliishanayaan ? Maxaa dan ah oo ugu jirta dil kaas ? Diintee u banneysay? Maxaa argagax loo galiyey dhammaan dadkaas oo dalkoodii bannaanka looga saaray, loona baday xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo Itobiya? Dhiiga oo la daadiyo, xaq la’ aan, waa danbi aad uweyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo. Waxaa laga oohiyey hooyoyin, caruur, culumo, waxgard iyo waayeel. Waxaa qof kasta oo u danqanaya dadkaas la gudboon in uu ka qaybqaato joojinta dilka dadka soomaaliyeed ee muslimka ah. Haddii Eebbe Idmo, si aan ugu bayaammino cirib xumida ka dhalata daadinta dhiigga dadka muslimka ah, waxaan ummadda u soo gudbin doonaa Aayado Quran ah iyo Axaadiis ka sugnaatay suubaneheennii Muxammad (sallalahu caleyhi wasalam) oo dhammaantood ka digaya dhiigga qofka muslimka ah. Diinteennu, sida Rasuulku (SCW) inoo sheegay waa waano, waxa ugu fiican ee la isku waani yaana waa is xasuusinta kitabka iyo sunnaha.
Halkaan riix dilka qofka muslimka ah

W/Q Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman
Halgan.net, Uk

2 Comments so far

Leave a comment

  1. As-salamu calaykum adeer jazaakallahu khayran, qoraalkan aadka uqiimaha badan ee aad soomaalida usoo dirtay, allah qofwalboo akhrista haku anfaco. Baarakallhu fiik adeer wakhtigaana allah hakuu barakeeyo.

  2. Aad bad u bayamisay dilka foosha xun ee somalia ka socda,jasaakalahu khay sheikh mahadsanid

Leave a comment

*