Waxyaalaha laga faaiidi karo Muxaadaradii Sh.Cabdiqadir Nuur Farax ee shirkii Garoowe.

December 29, 2011 - Written by

Sida la wada ogsoonyahay waxaa markii ay taariikhdu ahayd December 21, 2011 ka furmay magaalada garoowe shir loogu magic daray WADA TASHI, shirkaas ayaa waxaa muxaadaro gaaban oo socotay 7 daqiiqo ku furay Sh. Cabdiqadir Nur Faarax oo ka mid ah culumada soomaliyeed ee haatan ku dhaqan soomaaliya. Haddaba inta aanan ka hadlin waxyaalihii laga faaiiday kalmada shiikha iyo dacaayado lagu qoray shabakada internetka, aan tilmaamno waxa lag yiri shiih cabdiqaadir. hadda ka hor maqaal soo gaaray shabakada www.qardhaawi.com oo loogaga hadlayey taariikh nololedka sh. Cabdiqaadir nuur faarax, maqaalkaasi wuxuu tilmaamay sidan:

Sheekh Cabdiqaadir Nuur, waa nin si cad u caddeeya mawqifkiisa ku salaysan diinta Islaamka, waa nin aan hadalka munaasibka ah ee xaqa ah la gaban, waxaana uu had iyo jeer Ummada u sheegaa in ay ka shaqeeyaan maslaxadooda iyo horumarkooda si ay u ahaadaan Ummad ay u nabad-gasho diintooda, dalkooda iyo dadkooda” waxaa kalo oo ku qornaa maqaalkaas “Sheekh Cabdi qaadir, waxa u si wayn wakhtigiisa u siiyaa arimaha suluxa isagoo ku saleeya shareecada Islaamka,waxaana shaku ku jirin in cid-kastaaba ay ku qanacdo xukunkiisa ku salaysan shareecada Islaamka ee xashada lahayn ee xaqa ah” waxaad ka heli kartaa taarikhdiisa oo dhamaystiran http://www.qardhaawi.com/shiikhcabdiqadir.html Haddaba hadii aynu aragnay wax yar oo ka mid ah sida lagu yaqaan sheikh cabdiqaadir, aan u soo noqono kalmadii uu ka yiri shirka garoowe ka dhacay, inta aan kalmadaan lagu faafin shabakadaha sida

www.halgan.net waxaa la shaaciyey in shiikh cabdiqaadir uu amaanay oo u mahad celiyey Itoobiya, Uganda, Burundi, Black Water Mahiga iyo Beesha Caalamka iyo waxyaale kale oo aan u habooneey in shiikha lagu tilmaamo. Haddaba jawabtu waxay tahay markii uu shiikhu muxaadarad ka aqariyey shirka ma ka hadlay intaa kor ku taal mise kama hadlin. Waxaan dhegaysanay maxaadaradiisa laga bilaabo istiftaaxa ilaa iyo gunaanadka. Dabadeed waxaan xusuustay xadiith uu nabigu (nabad gelyo korkiisa ha ahatee) yiri:من رد عن عرض أخيه بالغيب رد الله عن وجهه النار يوم القيام oo macnahiisu yahay qofkii celiya oo difaaca qof walaalkisa cirdigiisa iyo sharaftiisa ilaahay ayaa qofkaa wajigisa naarta ka dhawra.

Waxaan go’aansaday inaan wax yar ka iraahdo muxaadarada shiikha tilmaamana faaiidada ka dhex muuqata maxadarada uu shiikhu jeediyey waxaa ka muuqatay shiikha inuu u hadaly si qof culumo ah u hadlo, waxaa ka muuqatay inuu wacdi iyo waciid uu dadka kula hadlayey, waxaa muuqatay in shiikhu uu dadka ku baraarujiyey arimo badan oo dani ugu jirto bulshada soomaaliyeed aduunka iyo aakhiroba.

Suaal: maku ceebaysan yahay shiikhu inuu tago shir ay wada joogaan muslim, munaafiqiin iyo gaalo isagoo rabo inuu dadka ilaahay xusuusiyo? Jawabtu waxaa weeye arin qofkasta oo daaci ah oo garanaya masuuliyada dacwada uu fahmi karo, waxaa qofka xambaarsan diinta ilaahay wajib ku ah inuu aado oo radiyo fadhiyadaas oo kale kuna xuso ilahay diintiisa, xumaantana dadka u cadayo si ay uga haraan, wanaagana dadku ugu sheegto si ay u racaan. Nabiga (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo maray shir ay wada fadhiyaan muslimiin, munaafiqin, iyo mushrikin, wuxu ku dul akhriyey suurad ka mid quraanka kariimka ah. Haddaba arintaas waa mid laga doonayo qof kasta oo daaci ah oo raba dadka inuu diinta gaarsiiyo, arintasna shiikh cabdiqaadir ilaahay ajar ha ka siiyo.

Hadaba aan usoo noqono maxaadaradii shiikha oo aan fiirino waxyaalaha shiikhu ka hadlay markii shirka la furayey:

1) markii uu shiikhu furfurtay muxaadarada wuxuu ku bilaabay oo dadka u sheegay cabsida ilahay, iyo in ilaah oo laga cabsadaa ay qofka u keenayso in ilaahay umuurihiisa u fududeeyo.

 

2) in ilaahay la adeeco, waxyaalaha ay umadu ku gaarayso wanaaga waxaa ugu wayn inuu ilahii abuurtay adeeco, wuxuu sheekhu meeshaa ku xusay in ilahay noo abuurtay cibaadadiisa oo kali ah wax kale aan lanoo abuuran.

 

3) wuxuu shiikhu tilmaamay in Kitaab la inoo soo dejiyey, kitabkaas oo ummada u ah mid xaqa u cadaynaya, raxmad iyo bishaaro u ah muslimiinta meel kasta oo ay joogaan lana doonayo in aynu qabsano kitaabka ilahay subxaanahu wa tacaalaa.

 

4) Wuxuu sheekhu dabadeed goob joogayaasha u sheegay xaqa ilahay uu adoomada ku leeyahay iyo xaqa ay adoomadu leeyihiin hadii ay ka soo baxaan xaqa ilahay. Wuxuu yiri ilahay xaq buu nagu leeyahay aan ka soo baxno, xaqaas oo ah inaan caabudno. Markii cibaadada nala ka helo ilahay wuxuu balan qaadan inuusan cadaabayn qofkii xaqaa ka soo baxo oo caabuda ilahay subxanahu wa tacaalaa.

 

5) Wuxuu shiikhu bilaabay inuu yiraahdo waxaan dadka shirkaan isugu yimi u dardaarmayaa ku dhaqanka shareecada. Isagoo hadalkii sii wata ayuu shiikhu yiri shareecada ku dhaqankeedu waa iga dardaaran waa in la hir galiyaa ku dhaqanka shareecada.

6) Shiikhu wuxuu celceliyey dadku inay ilaahay u baahan yihiin wuxaana hadaladiisii ka mid ahaa dadow ilaahay baad u baahan tihiin ee ilaahay u noqda, hadaynu xariga ilaahay qabsano waxanynu rabno waan gaaraynaa.

 

7) Wuxuu kale uu shiikhu tilmaamay dardaaranka ilahay subxaanaha watacaalaa oo ah in xariga ilaahay la wada qabsado oo aan kala tagin wuxuu akhriyey aayad cadaynaya midnimada lagu midoobo xariga ilahay inay waajib tahay. Wuxuu kale oo uu shiikhu tilmaamay ayad ku jirta suuratul ala-cimaraan oo ilahay nooga digaayo in lakala qaybsamo sidii kuwuu naga horeeyey ay u kala qaybsameen, marka dadaow ogaada iskhilaafka ilaahay wuxuu sheegay aduunkana waa khasaaro aakhira in cadaab lagu mudanayo. War dadow ha iskhilaafinina ha murminina hadaad murantaan oo is khilaaftaana awoodiina ayaa dhumaysa.

 

8) Wuxuu shiikhu dadka shirka isug yimi xusuusiyey meesha ay maanta xaalada soomalidu marayso iyo waxa keenay, wuxuu yiri waxaynu khilaafnay tacaalimtii ilaahay naga doonayey, waan islaynay, waan kala tagnay, qabaail baan isu laynay,

siyaasaad baan isku laynay, casabiyaad iyo tolo’ayey baan isu laynay, goormaynu hadaba fahmi doonaa miraha laga gaarayo? Dhowr iyo labaatan sano ayaan ku jirnaa arintaas, hadaan laga soo noqon, oo aan la towbad keenin, oo danta guud la hor marin (sideedaba danta guud marka la gaaro ..maslaxa caama. Ayaa la heli karaa midda khaaska ah), umadda danteeda guud in laysugu yimaadaa waa laga maarmaan. Ilaah aan ka baqano oo aan xaqeeda ilaalino.

9) Wuxuu shiikhu tilmaamay in halkan ay isugu yimaadeen dadka sheeganaya inay hayaan hogaanka umadda, waxaa loo baahan in la dareemo masuuliyadda aad umadda u haysaan. Waxaan loo baahan yahay masuuliyadaa in la dareemo oo lagu dhaqaaqo sidii qaranka iyo soomalinimada loo soo celin lahaa.

 

10) Wuxuu sheeku ugu dambayntii tilmaamay in nabigu noo sheegay masuuliyada iyo qofka masuulka ah waxaa laga doonayo, wuxuu nabigu (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) yiri dhamaantiin masuul baa tihiin waana laydin waydiinayaa masuuliyadda aad qaadeen. Ummaddu waa muslimiin waxayna xaq u leeyihiin in loo ilaaliyo masuuliyadooda, aniguna waan idinla dardaarmayaa ee ogaada nin xil qaaday eed qaad, ha la toobad keeno oo ilaah ha loo noqdo.

 

Haddaba haddi aan eegnay shiikha hadaladiisii oo kooban laga bilaabo bilow ilaa iyo dhamaad, waxaa muuqata shiikhu inuu dadka xusuusinayey ilaahay subxaanahu wa tacaalaa iyo in xarigiisa la qabsado, iigama ayan muuqan meel shiikhu ku amaanay Itoobiya, Uganda, Burundi, Black Water Mahiga iyo Beesha Caalamka sida lagu qoray shabakadaha wararka qayb ka mid ah.

Haddaba maxaa la gudboon dadka isku mashquuliya inay qoraan hadba wixii ku cusub bulshada dhexdeeda, waxaa la gudboon arimaha soo socda:

 

1) Ilaah in ay ka cabsadaan oo hubiyaan waxay qorayaan

2) Inay ogaadaan waxa aan la hubin oo la qoraa in ay dambi tahay

3) In haddii xataa qofka aad neceb tahay waa in waxaad ka qoraysaa uu run noqdo, waxaan xusuusinayaa “abuu sufyaan oo wali aan islaamin ayaa wuxuu aaday shaam, waxaa u yeeray ninkii haysay roomaaniyiinta, wuxuu wax ka waydiiyey nabiga (nabad gelyo korkiisa ha ahaatee), abuu sufyaan wuxuu ku jawaabay sidii runta ahayd, wuxuu iska ilaliyey inuu been ka sheego isagoo walibaa markaa ay isaga iyo nabiga cadaawad ka dhexaysay. Quraankuna wuxuu tilmaamaya oo leeyahay “cid aad necebtihiin awgeed yaanay idinku xambaarin inaad dulmi samaysaan . Waxaa kale xusuusin lahaa in nabiga la tusiyey dad mindi lagu jeexjeexayo afkooda iyo sankooda iyo indhahoodaba ka dibna nabigu yiri waa dadka warka beenta ah garsiiya jihooyinka dhulka.

4) Qofka haddii aad wax xun ka sheegto ama aad ku dhacdo sharaftiisa ma aha dambi ilaahay ku dhaafayo ee waa dambi la doonayo in qofkii aad xamatay ama aad sharaftiisa ku dhacaday waydiisato cafis.

Ugu dambayntii waxaan naftiina iyo taydaba u dardaarmayaa ilaah ka cabsi iyo waxa lagu hadlayo intaan lagu hadlin la hubiyo in dambi ka imanayo iyo kale, wuxuu

nabigu xadiis macnihiisa ku leeyahay “qofka rumeeyey ilaahya iyo aakhiro ha ku hadlo hadal wanaagsan ama ha iska aamuso” xadiiskaa markuu imam nawawi sharxayey wuxuu yiri: qofku markuu hadlayo waa inuu intaanu hadlin hubiyaa in hadalkaan ay maslaxo ama mafsado ka imaanaysa, hadii waxa ka dhalanaya hadalka ay sinaadaan xumaanta iyo samaanta waxaa haboon in qofku iska aamuso. Wuxu kale oo nabigu yiri “yaa ii damaanad qaadaya afka iyo farjiga( yacani xaaran iyo hadal xun ka ilaalinaya) oo aan u balan qaadaa jano”.

 

Waxaa qoray: Cabdiqani Qardhaawi
qardhaawi@yahoo.com
December 27, 2011
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Sh Cabdi Qani Qardhaawi

 sh_Qardhaawi

11 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc,jazaaka allahu khyr aljazaa akhii sida qiimaha badan oo aad u radiday ragga shaqada ka dhigtay jaa,ifada culumada,lkn maxa looga danleyahy been abuurad kan???????? 1: waxa la rabaa in lagu dhiso “fatawa al xamraa” marka culumada dhiigood si dhib yar loo dilo. ilahay hanoo xifdiyo culumada. 2:culumada iyo camada in la iska horkeeno,si ay bulshada dabin sahlan ay ugu soo dhacdo,wal ciyadu bi allah. 3: mareegaha ay wax ku qoraan si ay u yeeshaan aqristayal fara badan,- ileen dad magac iyo wanag lagu yaqano bay xag-xaganayane. Nasexa caamah ilahay SWT”hadii qof fasiq ah uu war idiin la yimaadoISKAHUBIYA.

  2. asc,Sheikh abdulkadir taariikhdiisa dacwad waa ka balaarantahay intaan,waxuu dacwada ka soofuliyey somalia iyo africa wadama kamid ah,isaga iyo sh yuusuf qali(hargeysa) iyagoo dacwada ka wada wadan africada ah ayaa maxamed siyaad barre ku soo kaxeeyay anagaa u baahan diinta ee kaalaya,waxuu aniga oo aan xajka ku kulanay ii sheegay 1970 in uu makka joogey oo wax kabaranayey.arimaha qarsoon qofka isaga iyo ilaahiis laakin qof ilaa xiligaas dacwo iyo diin soo waday oo da’ah in lamaago diini sheegi mayso,dhaqanka suuban sidookale, waxan soodhaafay intaan ogahay 1990 dacwadii socotay ee mogdisho in uu caan ku ahaa,taariikhda sheikh hala qoro oo waa taariikh dheer.

  3. Asalaamu calaykum walaalayaal.

    Ilaahay baa mahadda idilkeed leh, Sheekh C/Qani Qardhaawi Baarakalaahu fiik. Waxaad gudatay waajibkaagii.
    Ragga aad la hadlaysaa dhaga maleh waa niman aan culimada xurmeen bal waxay ugu yeeraan Culumaau suu’. ( لقد أسمعت لو ناديت حيا ولاكن لاحياه لمن تنادى).
    Waxay had iyo goor usoo jeedaan inay culimada Soomaaliyeed wax ka sheegaan ijaafeeyaan cirdigooga iyo sharafkooga meel uga dhacaan.

    Wiilashaan yaryar qaarkood maba dhalan markii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Ilaahay ha xifdiyo) uu dadka tawxiidka barayay uguna yeeray diinta iyo dariiqa saxda ah, weliba iyagoo amaankoogu khatar ku jiro.

    Ilaahay jalla culaah ha inoo xifdiyo Culimada islaamka meel ay joogaanba, dadka musalidiinta ah ee culimada iyo diinta islaamkana dhibaya haka qabto oo mkarigooga iyaga dib ha ugu cesho.

    Walaalayaal halgan.net ummadda Islaamka ah khaatasan ummadda Soomaaliyeed hawl weyn baad uhaysaan ee Allaah abaalkiina janno haka dhigo Aakhiro, adduunka baraare iyo sacaado.

    Wasalaamu Calaykum.

    Maxamed Saciid

  4. Asalama calaykum wr wb. Walaalkeen Sh Abdiqani Qardhaawi illaahay ayaa kaa jazaynaya sida wacan ee aad culimada iyo xaqa 2bada u ugu istaagtay inaad taageerto. kuwa wax kuqora websideyada lawada yaqaano waxaa hubaal ah in ay Gaalo u shaqeeyaan. oo danahoodu yihiin in Culamadeena Xalaasha ah naloogu badalo kuwo Xaraan ku naaxyo ah. OO Masaajida dadka ku ag dilla waxaan Muslim ahayna aan dilin. oo Takfiiriyiin ah.

  5. waxaan layaabanahay somalimemo waxay isku dayday inay raali galin ka bixiso qoraalka oo markii hore ku sharaxdeen website kooda, laakiin kadaroo dibi dhal bay noqotay. Ninka qoray raali galinta xaalkiisii wuxuu noqday “war nin yahow raali ahow laakiin wali waan saxsanahay”. Aaayada ayuu daliishaday ee ah inaan la ogalayn in munaafiqiinta diinta ilaahay ku jees jeesaya haan lala fariisan. Waxaan waydiin lahaa gaalada uu wadankooda jooga oo lahubo gaalnimadooda lama fariisto? Isku bus ma fuulaan? Isku diyaarad ma fuulan? Neighbors iyo coworkers ma ahan? Adiga oo lahubo inaad diyaarul kufri ku nooshahay aayadaas kuma qabanayso nin sheekh ah oo dacwo bixinaya oo dhulkun yahay dhul muslim dadka meesha joogana badankoodu muslimiin yihiin, diin lagu jees jeesay ama lagu kufriyeyna aysan meesha ka cadayn way qabanaysaa? Arinta waa arrimaha dhalinyaro qaarkood ku daba gadismatay oo ay si khaldan wax looga dhaadhiciyey. Walaalk maqaalka raali galinta u eg qoray waxaan dhihi lahaa diinta fahamkeeda sifiican kaagama dhaadhicin ee walaal diinta sifiican wax ufahan oo kutubta basic ah ee dacwada iyo amr bil macruuf wa nahyi canil munkar ka hadlaysa soo akhri inta aadan naftaada badiyeen dad kale na aadan galaafsan.

  6. Asallamu Calaykum

    Alxamudulillaahi Maalikil Qahaar.

    Sheikh Cadiqani iyo walaalha halgan net oo har iyo habenba u taagan dacwada iyo u adeega diinta islaamka waxaan leeyahay wax aad raadinaysaan waa raali ahaanshaha rabi kamana helaysan aduunka dadka ku dhaqan saad ogtihiin waxaan hadaba idiin dardaarmin sabar iyo in aad wadaan dadaalka aad ku raadinaysaan diintaan sidii loo cadayn lahaa cida ku wada dabamaryanta iyo duliga caadaystan been abuurka iyo cayda Culimada baneeystay dhiiga Culimada iyo dhiiga Shacabka intaba.

    Aniga marhore ayaan waxaan hadal ku soo koobar hadl ahaa qofba Sheikh uu wax ka qaato ayuu ku akhlaaq yahay ee Alaah ha xifdiyo sheiikhda aan wax ka qaadano, tan labaad waxaan kaloo qabaa yaanba loo jawaabin ee halaga taliyo sidii diinta ale loo bari lahaa hana loo sameeyo dacwo ku aadan qof qof, waxii xanuunsana iclaaj haloo raadiyo illeeyn iyaga ayaa naftooda gabay oo dhigay meel aan u qalmin, waxaan kaloo kula dar daarmi lahaa dadkaas in ay isdaba qabtaan waayo hadii ay akhriro diin la,aan tagaan soo noqon mayaan waxayna hastaan maanta fursad qaali ah waxaana ayaan daro ugu filan in qalin ay ku qori karaan wax khayr ah ay ku qoraan wax shar ah, waxaana cad in maanta fasaadku uu ku koobaan doono ayaga idanka ale, walaalha webkaan wax ku soo qora dhamaan Allaah ha idin xifdiyo waxaana idiin dardaarmin in aad xoojisaan akhlaaq wanaaga idinka muuqda idinkoo aan cidna uga haybeeysan difaaca Culimada iyo diintaan ale.

    Walashiiiiin fil Isllaaaaaaaaaaaaam

  7. ASALAAMU CALAYKUM walaalayaal waxaan idinwaydiinayaa meesha uu ka jiro maqaalka shiikha soo gaaray http://www.qardhaawi.com/ oo ah taarikhda shiikh cabdulqaadir

  8. Salaamu Calaym

    Mashalaah ilaahay ha ku ciseeyo Sheekh cabdi Qani waxaanse kaa rabaa in masaajidka aad joogtid aad ka radisid oo aad nadawaad qabto xaalku alamtaro soo dhaaf haatan waxaa la rabaa in culumada la laayo ee maxaa dan ah Sh Cabdi qani?

    slaamu calaykum

  9. Salaamu Calaykum

    Sheekh Cabdi Qani ilaahay ha ku xifdiyo sida wanaagsan ee aad uga hadashay Sheekh C/qadir Nuur Faarax ardaasha wax ku qora Websidyada qiimo ma leh waa kuwo ku nool dhul Gaalo sida Minisota iyo Uk waa la yaqaan dantooda diin maaha ee waa qabiil iyo qurun ilaahay ha noo xifdiyo culumadeena

    wasaalu calaykum

  10. Asw..Alle ajar ha kaa siiyo, NASIIB DARO WAXAAD LA HADLAYSAA DAD BEEN ABUURKA U HAYSTA CIBAADADA UGU AJARKA BADAN OO ILLAAH LOOGU DHAWAADO. NABIGA (SCW) AYAA LAGU BEEN ABUURTAY OO AAN LA CANBAARAYN HADANA SHEEKH DADKA WACDIYEY OO FIDINTA ISLAAMKA KU CIRRAYSTAY AYAAN MAALINNA KA BAXSAN CAYDOODA. WAA SHEEKH UMADDA WELIGII DHEXJOOGEY OO LA YAQAAN LANA IXTIRAAMO LA ARKI KARO. WAXA IYAGA QUFUL MADAXA KAGA XIRAY NIN MADAXU U DIIBAN YAHAY AAN LA AQOON LANA ARKI KARIN (RASUULKA GABAR YAR OO JAARIYAD AHAA LA FAQI JIRTEY DANTEEDA U SHEEGAN JIRTEY UMADA AYUU KU DHEX JIREY)OO WAQOOYIGA KA SOO CARARAY KADIB MARKUU LACAG SOO DHACAY OO LA OGYAHAY. TAA WAXA KA DARAN XATAA IYAGU MA YAQAANAAN NINKA QUFULKA KU DHUFTAY OO FURAHA MA HELI KARAAN. KALIYA WUXUU U DHEEGAA SHEEKHAA HALA DILO KANI WAA MURTAD KAN WAA GAAL. WUXUUU UGA FAA’IIDAYSTAY CILMIGOODA OO YAR DIINTOODA OO YAR IYO DA’DOODA OO YAR. WUXUUU DHIBAATO KU HAYAA NINKA MADAXA DUUBAN EE AAN LA AQOON SHACABKA XAMAR DEGAN OO MISKIINKA 20 SANO DHIBAATADU U TAABATAY ALLE HA U MICIINO, IYO KUWA BARIGA DEGAN IYO CULIMADA KA SOO JEEDA LABADAA GOBOL. SIDA SH. ABDULQADIR IYO SH. BASHIIR SALAAD ALLE HA XAFIDEE. WELI MA ARAGTEEN ISAGOO SOMALILAND KA HADLAYA……??? WAA DAGAAL KII MOORYAANTA QABAA’ILKA OO GAR IYO MADAXDUUBASHO LAGU SIYAADIYEY. WELIBA KA SII NAXARIIS DARAN. KUWAASI CULIMADA MA LAYN JIRIN. WALLAAH MUSTACAAN

Leave a comment

*