Xilibaan ka tirsan DFKM oo sheegay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamanka DFKM

December 13, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanata kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka xilibaano ka tirsan DFKM oo sheegay in tiradoodu gaarayso ilaa 280 xilibaan ay xilka guddoomiyaha baarlamanka DFKM ay ka xayuubi yeen  Shariif Xassan Sh.Aadan.

Xidhibaanadan DFKM ayaa sheegay in ay mooshin ka keen een guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan ka dibna ay guda galeen in laga dooda mooshin ka iyadoo markii cod loo qaaday si gacan taag ah  ay xilka guddoomiyaha baarlamanka DFKM laga qaaday Shariif Xassan Shiikh Aadan.

Xilibaanada DFKM ayaa waxaa ay isla kulanka maanta ay shir guddoon ugu doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow oo ah xubin ka tirsan golaha Baarlamaanka DFKM, hadalka iyo kulanka ka soo baxay xilibaanbada DFKM  ayaan ilaa hadda waxaa aan  ka hadal Guddoomiyaha Baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh.Axmed iyo madaxweynaha DFKM Shariif Sh.Axmed.

A/cawaale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Ass Wrt Wbt

    salaanta kore kadib waxaa xaqiiq in hadii shariif lacag hayo aysan cod uqaadeen, ee waxa codka keenay waa jeebka maran: asna hadii uu hada wax soo hello maba filayee asagaba kuma filna??? marka waa lur haray shariif lurkisi halkaas hanooga haro: tan xigta calooshood u shaqaystayaan Baarlamaan ku sheega ah waa dadkii ugu liitay taariikhda Soomaali soomara.. xataa marka lagu daro qab-qablayashii soomaalida 2da lugood iyo 2da gamcoodba gooyey.. ee dhigay halkaa ay maanta taaaalo:
    Allow ayaagana si fudud nagu dhaafi kuwo ka khayr badan noogu badal adaa awoodee( aamiiin aaamiiin aaamiiin)

  2. lama Yaabin oo waa ciyaar duug ah wax ay Dhur-waayadu sameeyeen oo ah in la wareeriyo shacabka Soomaaliyeed oo dhibka badan qaba.”Qowda maqashii waxna ah u qaban”
    Waxaase u malaynayaa in Jeebkii Shariif wax laga waayey, lana sugi waayey in ta uu soo qaraabaayo, hadaba Shariifow waxa aad soo qaraabtay adigu isku qabooji mar kalena Casmara isugu keen yaree.Lol “Dhibka aad shacabka ku haysaan kala tag”

Leave a comment

*