Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan? W/Q Jama A. Aidid

December 8, 2011 - Written by

Qoraalkan kooban waxaan qoray bishii February 20,2011, waxaan u gudbiyey in uu iga hubiyo sidii caadada ii ahayd Shiikh.Dr Axmed XaajiC/raxmaan (Alle ha u naxariistee) si aan ugu faafiyo bogaga Internet ka, laakiin nasiib darro Shiikhu muddo iigama soo jawaabin, waana ku adkaatay in uu ii ansixiyo, dabeecaddiisa ayaaba ahayd in fikradaha sidan oo kale u adag-adag uusan u badheedhin taageeradooda.

Waa kan qoraalkii:

Garaad-jab Taariikheed.

Waxaa in mudo ah ka socday mareegaha internet-ka olole balaadhan ah oo aay hormuud ka yihiin bogag (websites) dhowra, kaasoo noqday mowduuc saldhig u ah bogaggaas, iyadoo fariintooda oo dhami aay ku wareegayso kicin iyo abaabul ka dhan ah culimada soomaaliyeed kuwooda ugu haybada iyo taariikhda culus.

Ololahaani waxuu soo maray dhowr marxaladood  oo kala duwan, isagoo markii hore ku bilowday luqad dabacsan oo u muuqatay cataab iyo canaan khuseysa aragtida culimada aay ka qabaan arimaha taagan, waxuuse ololahaasi qunyar qunyar ugu siqayay xadgudub iyo inuu noqdo  mid isku xidhan oo u muuqda in uu qorshe weyni ka danbeeyo.

Ololahaan waxaa loo kaashaday farsamooyin badan oo u muuqday dhagar saxaafadeed iyo doqomeysimiskaxeed kaasoo xambaarsanaa sumcad dil, ceebayn, sawiro laga xishoodo, been sheegid taariikheed oo bartilmaameedkeedu yahay dadka da’da yar iyo taageerayaasha warmaqabtada ah ee bogaggaas akhriya si loogu qanciyo ujeedooyinka guracan, maskax ahaana loogu diyaariyo qorshaha fog ee la maagan yahay.

Waxaa markhaati ma doonto ah qoraaladaasi sida aay uga gudbeen dhamaan xuduudihii akhlaaqeed ee saxaafada sharafta leh, iyagoo  ku dhacay booraan taariikhdu xusi doonto sida aay isugu qanciyeen inay sumcad-dilka intaas le’eg (Character Assisination) kula kacaan rag cimrigooda intooda badan ku soo qaatay fidinta diinta islaamka.

Olalahaani sida aay dareensan yihiin dadkii la socday waxuu soo maray marxalado kala duwan, oo mid walba leedahay u jeedooyin iyo ahdaaf laga dhaadhicinayo dadka, bal dib u xusuuso marxaladihii uu soo maray..

“Culimadu jihaadka si buuxda ha u taageeraan”“Culimadu Jihaadkii bay hagradeen” “Culimadu jihaadka ha taageereen ama haka aamusaan.”

“Culimaa’suu ama wadaad xumayaasha jihaad diidka ah.”

Mudo yar markii cinwaanadaas la naaxnaaxiyey si loogu gogol xaadho waxaa bilaabmey marxaladii duulaanka qaawan iyo luqadii khiyaameynta taasoo ah in cid walba oo aragtidaada aan kula qabin lagu riixo safka cadowga lana yidhaahdo cadowga ayuu la shaqeeyaa.Taasoo ah hab-dhaqan aay caan ku ahaayeen nidaamyada Shuuciga ama hantiwadaaga  ah oo cid walba oo  aan mabda’a shuuciyadda qaadan aay ku tilmaami jireen wuxuu u shaqeeyaa quwadaha dib usocodka ama imbiriyaaliyada
caalamiga ah.

Ololihii waxuu u gudbey weerar saf balaadhan ah oo culimadii lagu ekeeyay,  iyadoo weerarkaas ay u istaageen rag loo
igmadey oo shaqo ka dhigtay si loogu bisleeyo dadka go’aanka dhagarta ah ee ladamacsanyahay oo aay cadahay in duulaankaas saxaafadeedi uu gogol xaadh u ahaa.

Ujeedadii rasmiga ahayd ee ololihii Culimada lagu hayay oo kashifmey:

Waxaa xogo rasmi ahi oo laga helay ilo lagu kalsoonaan karo aay xaqiijinayaan in dhaqdhaqaaqa Alshabaab ay go’aan ku gaadheen in Culimo Soomaaliyeed oo farabadan la laayo, arintaas oo si rasmi ah looga soo xigtay xubno ka tirsan isla kooxdaas, waxaana marag ma doonto ah in duulaankii saxaafadda ka socday uu higsanayay gaadhista yoolkaan.

Rumeyso ama ha rumeysan waxaa dhalinyaro yaryar lagu buuxiyey in markaan jihaadka ugu fadliga badan ee janada lagu galayaa  uu yahay midka Culimada lagu laynayo, iyadoo loo sawirey inay yihiin cadowga keliya ee maanta hortaagan guul aay kooxdaasi gaarto.

Waxaa dad badan oo arimaha Soomaliaya ku kuurgala ay aaminsan yihiin in qorshahaani uu qayb kayahay mashruuc dadka Soomaaliyeed lagaga saarayo dalka, si taasi loo gaadhana ay khasab noqotay in la dabar gooyo tiirka ugu weyn jiritaanka umadeed oo ah culimada diinta Islaamka.

Ma filayno in marka si mug leh loo raadraaco qormooyinka, maqaalada, fatwooyinka, jeesjeeska, been-abuurka, sawirrada iyo dulmiga aan kala go’a lahayn ee lagu buuxiyey bogaggaas ay ka dhignaayeen maxkamad saxaafadeed, taasoo sida muuqata hadalasoo gabagabeeyay si loogu gudbo xukunkii ka dhashay maxkamadaas wax walba iyadu isku ah markhaati, xaakim, qareen iyo doode intaba.

Arintaani waxay keenaysaa kun su’aalood oo ku saabsan waxyaabaha socda yaa ka dambeeya? Yaa dan ku qaba
in arimahu heerkaan gaadhaan ? Sidee looga bixi karaa? Maxaa kala gudboon shacabka Soomaaliyeed waxa socda? Ma odhan karnaa waxaynu maraynaa garaad-jab taariikhi ah iyo waaliyeey tali ?

Su,aalahaas iyo kuwa la mid ahba qoraalo taxane ayaan ku iftiimin doonaa iyadoo qoraaladani ay ahaan doonaan kuwo furan oo cid walba oo aragti iyo maskax ku biirinaysa ay ku darsan karto.

Jama A. Aidid
jamyare@hotmail.com

11 Comments so far

Leave a comment

  1. asc walalal waxaan ilaahay ugu baryayaa dr sh.axmed in janatul firdos oo geeyo kuwii ka danbeyay ilaahay cuqubada ha u soo dadajijo amiiiiiiiiiiin?insha allaah kuwa ku fikirayo in in ay dilaan culimada iyo sarakiisha shacabka waa ay arkaan

  2. Salaamulaahi calaykum warxma.walaalyaal Ninkii dilay Cali Binu Abuu Daalib waxuu sheeganayey muslim ahlu khayra,weliba markuu seeftiisii shaydaanka ahyd ku dhufatay raliya laahu canhu waxuu yidhi walaahi caliyoow dilkaaga ilaahay baan ugu dhawaanaya.[inaalilaahu waa inaalilaahu raajucuun]miyaad ka shakisantahiin kuwii cali janada ku raadsanyey inuu sheikh Ahmed raximahu laah inuu jano ku raadiyo? walaalyaal xataa hadayna gacan ku dilin waxay ku dileen Fatwa.waxaadse ogaataan hadaan ilaahay soo hanuunin ninmanka Ixraafay bacda hanuun inay gacan sedexaadna oo cadawga muslimiinta ah meesha soo galayso si ay uga faidaysaan fatwooyinkan Alshabaab……

  3. Asallaamu Calaykum

    Umu Cabdullaahi iyo walaalha kale allaah ha idin wada barkeeyo walaalha halgan net allaah ha idin dhowro, waxaa naftayda ku soo noqnoqaneysa in daadkaan loo sabraayey labaatanka sano weliba sii dhaaranaaya waxaan dhihi lahaa anaga culimadeena ciday wax tuhmaan waanu tuhmin waayo iyaga ayaa noo indho ah diintaana noo yaqaana.

  4. baaraka allaahu fiika jamac

  5. arinta ah in culimada,macalimiinta,saraakiisha iyo wax garadka laga laayo waxaa ka dambeeya Sahyuuniyada caalmaiga ah iyo mukhaabaraadka islaamka la dagaalama, qolada fulineysa ha ogaato ama yaaney ogaan
    dadka soomaliyeed waxaa waajib ku ah inay daafacdaan dadkooda muhiim ah ama wadanka ha isaga guuraan. Somaliya waxaa loogu soo dhacay intii ugu dambeysay ka dib markey fashishay qorshooyin hore. waxaase hadda soo baxday inay cadaaneyso hawshan yaa wada,

    Alle ha idinla jiro

  6. Asc, marka hore waxaan Allaah ubaryayaaa in Allaah unaxariisto shaykheena Dr. Axmed, dhamaan dadka muslimiintana uu samir iyo iiman kasiiyo, khaasatan ehelkii iyo caruurtiisa. haddaan walaalkan u jawaabo, walaal waa run Allaah quluubta muslimiinto ha mideeyo, laakiin waxaa laga maarmaan ah in xaqa lacadeeyo. Wallaal nimankan ayagaa cadaystay, intaa email ayey ugu hanjabaan culumada, shirkii baydhabo ayey hadana dhalinyarta amar kusiiyeen in ladilo culumada. Haddaan laga hadlin dadkaan laynaya araga umadda iyo ardayda wadanka, waxay lamidtahay in lagu taageersanyahay. Wallaal waa in lacaddeyo xaqa, adiga xitta waajib ayaa kaasaaran ilaalinta dhiiga culuma. Asc.

  7. Asc, Sxbkey Jaamac caydiid Ilaahay ajar hakaa siiyo maqaalkaan aad diyaarisay kohor inta uusan geeriyoon Dr.Sh.Axmed X.C/raxmaan Allaah Naxariistiisa ha dhex galiyee. Walaal Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noo badiyo dadka caqliga u saaxiibka ah inshaa Allaah waa rajaynayaa inaad ka mid tahay. Walaal waa inagu waajib inaan culimadeena garab istaagno oo aan kasoo horjeesano kuwa iyagu manhajka munxarifka ah sita oo ku caasi garoobay culimadoodii soo tarbiyaysay halkii ay u mahad celin lahaayeen Allaahna u weydiin lahaayeen inuu xifdiyo. Dhalin yaroo maanta waxaa inoo taal hawl culus oo waa inaan Culimada kadambeyno oo taageerno aan isla mar ahaantaasna ku difaacno af, gacan iyo maalkeenaba. Haddii taas la inaka waayo waxaan aaminsanahay inaan khasaarayno waayo majaahilbaan ku raali noqonaynaa inuu nootaliyo. Allaah swt ayaan asmaa’ihil xusnaa wasifaatihil culyaa ku weydiisanaynaa inuu culimada noo xifdiyo cilmigoodana nagu anfaco, cid kasta oo dhib la doonaysana ilaahay fashil dagdag ah ku keeno. Wabillaahi Attowfiiq.

  8. Asalaamu caleykum

    Jaamac Allah ajar haka siiyo qoraalkaan qaali ah.
    Walaalayaal waa arintaan waxey ka soo bilaabatey markii hore in culimada la yareysto, Kabacdina la radiyo, Kabacdina la caayo, ka bacdina In ay u hanjabaan, kabacdina in ay dilaan.
    Waa dad aan lahaeyn asal taariikheed, malaha Asal diin (Xalaqatul Cilmi) wixii aasaasey kooxdaan.
    Allah waxaan ka baryeynaa in uu soo hanuuniyo oo xaqa tuso, hadii uusan hanuun daroorana uu umadda uga raaxeeyo.
    Kuwii soo abaabuley Dilkii Sh Dr Axmed, iyo kuwii ka dilayba waxaan Allah uga baryeynaa (قتلوه قتلهم الله)
    Wasalaamu caleykum

  9. ninka maqaalkaan soo qoray iyo dad badanba waxaan dhihi lahaa iyo naftaydaba war aan ilaahay ka baqno oon iska dayno kooxaysiga iyo in ruux muslim ilaah iyo rasuulkiisa rumeeyay kooxaysi lagu soo dhawaysto kooxaysina lagu naco. aniga hadaan ilaah ka baqo waxaan u arkaa cadaalad xumo in la yiraah wadaadkaa la dilay ALLE ha u naxariistee shabaab baa dilay cadayn la’aan sababtoo ah iyagii way ka ordayaan oo waxay leeyihiin maanu dilin marka in lagu nabo maahan bilaa cadayn. qisadii nabi daauud ee labadii nin ee walaalaha ahaa midna lahaa 99 ido midna lahaa 1 ido. waxay u yimaadeen in nabi daauud ukala gar qaado markaa baa ninkii halka ido lahaa yiri kani waa walaalkay wuxuu leeyahay 99 ido anna hal xabo baan leeyahay wuxuuna igu yiri halkaaga xabo iigu kaamil yeel, markaan iri la doodna oo isdifaac hadalkii buu iga badiyay.nabi daauud wuxuu yiri wuu ku dulmiyay in uu kuwaydiistay halkaaga xabo inuu ku biirsado kuwiisa,…. markaa buu ogaaday nabi daauud in la fitneeyay oo uu ilaahiis u noqday asagoo rukuucsan. shiikhii tafsiirka ii akhriyay wuxuu yiri waxay aheed in nabi daauud si kasta ooy ugu egtahay in ninkaa la dulmiyay inuusan ka tanaasulin in ninka kale uu dhagaysto warkiisa markaa kadib uu xukun gaaro. marka walaalayaal yaan xukun la iska gaarin si kasta oo ay adinka idunkula egtahay in wadaadkaa shabaab dilay. kooxaysigana aan iska dhaafno, ilaahay muslimiinta kalmadooda ha kulmiyo kuwa is jecelna ALLAHA ka dhigo Aamiin, fadlan hawlwadeenada websiteka ixtiraama aragtida dadka oo un hasoo daynina commentiga aad adinku un jeceshihiin jazakumullahu khayran

  10. Assallaama Calleykum wr web dhamaan walaalaha Allaah iyo Rasuulka rumeeyey ee raacay, waa hubaal in ehlu-cilmiga la guri doono oo Jahligu isu hari doono. waxaan ku talin lahaa in Cullimada Amnigooda la illaaliyo security waa muhiim:: sidoo kale masjidyada haloo sameeyo rag allaah dartii u illaaliya si dhiiga cullimada loo badbaadiyo. Alraxmaan (Allaah) ayaan si gaara uga codsanayaa inuu kashifo oo soo celiyo qofkii diley sh.axmed xaaji c/raxmaan isagoo naftiisa ku markhaati kacaya oo leh Anaa dilley, kooxdaas iyo cidaas baana isoo dirtay Rabbina arinkaas waa awoodaa Nacam.Allaah naxariistiisa ha ku manaysto she.axmed xaaji c/raxmaan Aamiin. geeridiisii jirka iyo qalbiga aayaa ii xanuusaday. innallaaha macannaa!!

  11. Salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
    waxaan mahad u celin lahaa walaalkan qoraalkan muhiimka ah soo bandhigay oo aan isleeyahay wuxuu dhacay waqtigii loo baahnaa ,markaa waxaan ku dhiiri gelinayaa inuusan ka caajisin ee uu soo bandhigo dhamastirana qoraalkan hadii alle idmo.

Leave a comment

*