مفهوم معنى كلمة «الأمس واليوم

January 28, 2012 - Written by

Denmark:-Waxaan rabaa in aan walaalaha ku darsdo fikirkeyga ku aadan khilaafka saaxada yaal iyo qaabka loo daba galay culumadii Soomaaliyeed oo aan diinta iyo wanaaga ku naqaanay iyada oo la iska horkeenayo muxaaadarooyin kala duwan ay qabteen si caamada loo mari habaabiyo waxaan walaalahay dhamaan ugu baaqayaa in alle ay ka baqaan oo ay aakhiradooda ilaashadaan iyaga oo ka fogaanaya kooxeysiga iyo hawada.

maqaal

Halgan.net

9 Comments so far

Leave a comment

  1. assalamu caleikom ahmed walal ilahay ajar haka siiyo inti aan oran laha ayad shegtay jzkllah shabab dhig muslin ayay uso xayteen qof hade meel ucadahay mel kamadoow gaalka cad aya xata dadka bani,adanimo uqiimeeya waba mid mulsinimo ku dhashaye ilahay xaqa hanawada tuso dhiigay banaysteena kaso hadeeyo .

  2. ASW
    WAANIYE HA LA WAANIYO
    WALAALKA WAANIYE WAXAY ISAGA IYO INTA LA AFKAAR AH GARAN WAAYEEN, GAALO IN LA LA DAGAALAMO LA ISKUMA HAYO, LAAKIIN 80 ARDAY SOOMAALIYEED AH OO WAX BARASHO DOON AH OO ISKU MEEL UU KU DILEY MID LA SOO DIRAY OO WAANIYE OO KALE AHI GOORMAY GAALO NOQDEEN, GOORMAA QOFKASTA OO AAN FIKRADAA QABIN UU GAAL NOQDAY, HALGANKA IYO JIHAADKA MA WAXAY KULA JIRAAN UMADA ISLAAMKA EE DHIIGOODA AY BANAYSTEEN CULIMO IYO CAAMO, WAANIYOW DIB U EEG WAXAAD AAMINSAN TAAHAY ILAAH NA U SOO NOQO.. JIHAAD KUMA JIRTID DHIIG BAA QOORTA KUU SURAN XUSUUSO GABADHII JAAHILIYADA LAGU AASAY EE LA ORAN DOONO ” WA IDAL MAW’UUDATU SU’ILAAT BI AYYI DANBIN QUTILAT” CULIMADA CAYDOODA IYO DHIIGOOODA MA U MALAYNAYSAA INAAN LA IDIN WAYDIIN DOONIN.

  3. walaalka waaniye la baxay wuxuu kala fahmiwaayey caayda iyo saxitaanka ama naseexada diinta ee waajibka ah. nabigii iyo saxaabadiisa allaha ka wada raalinoqdee ayaa la saxayey,oo quraanku canaananayey,si ay isu saxaan. war adinkaa suubanaha iyo saxaabadiisii ka fiican oo ka toosan ,oowaxaad ma khaldamayaal aan laga daba hadli karin, mise toosinta iyo baraarujinta ilaahay baa ah in ilaahay caayey suubanaha iyo ragiisa. mar hadey arrintu tahay toosin iyo tilmaamid khaladka lagu socdo saaxiib ma ahan cay. culimaduna wax ma cayso ee ardaasha ayaa wax caysa.tusaale suubanahu dadka wuxuu ugu yeerayey tawxiid iyo toosnaan,ayaguna waa gaaladii qureeshe waxay oran jireen anaga iyo ilaahyadanada ayuu caayey. fadlan cay ma ahan dhiiga muslimiinta si fudud ha udaadinina,muslimiinta hagaaleysiinina si,aad dhiiga ubaneysataan,dalka sabab ha ugu noqonina ay gaaladu ku qabsato. maxaa ka fiican oo waano ah, oo walaal ku jecel ah,oo waliba ay dhibaatadaadu dhibeyso. walaalayaal qaata waanada iyo tusaalaha culimada ayaa leh cilmi iyo waayo,aragnimo wax lagu miisaamo…….wabilaali tawfiiq…..

  4. Jazaakallaah walaal mowduuc aad u qiimo badan ayaad keeentay,waana dhibaato in culimadii dacwadaan kusoo ciroobay ama waqtigooda galiyay aan maanta in badan oo dhalin yaraa aysan u ogayn abaalkooda. Runtii waxaan oran karaa waa diqsi oo kale oo eegta boogta iyo waxa xun oo aan arki karin wax nadiif ah, waxaan ula jeedaa wanaaga tirada badan ee culumadu hayaan ama soo qabteen maxaa ka indhasaabay oo ay u sheegayaa khalad haduuba jiro kaliya oo waliba labuun buuniyay iyadoo lagu dheehayo been aad u farabadan. Walaalka Waaniye la baxay, nin mujaahid ah kumaba mashquulo culimada iyo muslimiinta waayo waxaa u muuqda wax ka weyn, Ilaahay baase og qofka mujaahid ah oo nimanka aad adigu difaacayso khaladaad faro badan ayaa lagu hayaa oo ay kamid tahay boqol qof oo hal meel lagu dilay oo aan dhib loo arag, taasna waa ku ceeb qof muslim ah inuu ku qanco. Ilaahay Culumada hanoo xifdiyo, cilmigoodana hanagu anfaco, dhalinyarada dhibaataynaysana Allaah hasoo hanuuniyo, haduusan hanuun la doonina waxa ay ka mudan yihiin Ilaahay ha ugu abaal gudo, Allaahuma aamiin.

  5. To Waaniye. Walaal Shaab Culumo caysay ma aanan arag ee nimanka Culumada ugu kala yeeray Rabaaniyiin iyo Culumaa’usuu waa iyaga. Teeda kale Shabaab Culumadii wadanka maahan ee Jabhad ama Xarako ka jirta Somalia. Khalaadkooda in dadka loo bayaaniyana waa xaq.Inaad Culada iyo Shaaab isku meel dhigtana waaba khalad noqaya Kaaba’ir. Iska ilaali wax yaabaha qaarkood.Culumadeenu markasta iyagaa saxan waayo waxaan ku baranay bay ilaa iyo hada utaagan yihiin oo ah inay Xaqa Cadeeyaan. Shaab waxay ka Gubanayaan oo kaliya halaydin saxo. Dhiiga Muslimka oo aad banaysanaaan iska daaya. Gaalada aad wadanka ku soo Hogaaminaysaan kadaaya. Iyo wixii la mid ah.

  6. walaalka maqaalkan qoray kheer alaah hasiiyo wuxuu kahadlay wax jira oo dadbadan maanta lagu aafeeyay,laakiin waxaan jeclaan lahaa kheer alaah hakusiiyee magacaaga oo sax ah oo dhamaystiran sooraaci waayo waayadan danbe waxaa batay abuu abuu iyo ibnu ibnu taas oo noqotay meel bahala galeen ah oo lagu dhuunto intii culimada lacaayo, marka sheekh meeshaas hadhax galine kasoo bax alaah kuguma daro kuwaase waxaan rajeen maqaalka xiga in dadbadani kugaran doonaan mahadsanid sheekh raalina ahoog waxaan rabaa inaadan sumad laawe noqonin

  7. Salaamu Calaykum

    Walaalka khayr alaha siiyo difaaca culumada waa waajib kuwa caaya alaha calaamad ka soo saaro

  8. salamu Calaykum

    Mashalaah maqaalka waa mid qiimo badan alaha xifdiyo walaalka soo qoray

  9. walaal waa sax inayna wax wanaagsan ahyn dadka oo wax ayna ahayn lagu tilmaamo amaba ceebo hooda laraad raadiyo. laakiin waxaa iswaydiin mudan hadii ninkii iska fadhiyay een wax dagaal ah kujirin uu cayda u adkaysan kari waayay maxaad moodaa nin dagaal iyo holac kujirana.

    ma waxaad filaysay inay culimada aad sheegayso shabaabka saydoonaan ucaayaan shabaabna ayna hadal kusoocelinin??? taasi miyayna wax lalayaabo ahayn??

    mise cayda alshabaab lacaayaayi waa wanaag iyagu inay wax caayaana waa xumaan????

    mise cayda iyaga lacaayayaaba kuuma muuqato???

    taasina sow cadaalad darro maahan???

    sow lagugumana tilmaami karo qof tacasub uuni kabuuxo??? macnaha waxaan uuga jeedaa hadaad wax kasheega shabaabka aad ogaan wayday oo ta wadaadada kalana buuro kulatahay.

    waxaan ka codsanayaa shabakada halgan inaad aragtidayda soodaysaan mahadsanidin

Leave a comment

*