Abaal ka Dhac!!!! W/Q: C/qaadir Jaamac

January 28, 2012 - Written by

Dhacdooyinka isa soo taraya ee dhulkeenii hooyo iyo meel kastoo umadda Soomaalida ay joogto ka socda waxay igu soo kicisay utun weligayba igu taagnayd. Waxaan isweydiiyaa abaal ka dhacaan caadada u noqday ummadeena dad badan oo ka mid ah khaasna ku sii ah dhalinyaro u nisba sheeganaysa baraaruga Islaamka iyo saxwada ma inaguu nugu gaaryahay mise waa la inala wadaagaa. ?

Waxaan shaki ku jirin inay tahay dhaqamada aan fiicnayn ee cidwalba  ku sifoobi karto in asxaan iyo wanaag luguu falay aad  abaal ka dhac ugu jawaabto taasoo naftigeeda darajooyin kala leh. Waxaa xaqiiqo jirta ah in culimadii Islaamka ninba ninkuu ka arday fiicnaa uu cilmi giisa ka intishaar badnaa oo wuxuu mudan yahay oo uruurin ah uu helay, iyadoo barakada Alle-na ay meesha ku jirto, tusaale fiican oo casriga aan hada noolnahay

Waxaa ah, sida Sh. Ibn Baaz iyo Sh. Ibn Cuthaymeen Allaha u naxariistee ay ardadoodii u uruuriyeen cilmiga ay ka tageen oo meel walba isagoo habaysan aad ka heli kartid,Haddaba maxaan uga danleeyahay hordhacaas yar, waxaan goobjoog u ahaa qeyb ka mid ah wakhtiyadii ay dacwadaan towxiidka ee barakeysan ay fidaysay, taasoo aan indhahayga ku arkay dadaalkii aan caadiga ahayn iyo dardartii ay ku socotay dacwadaas.

Dhamaadkii sideetameeyadii waxay ahayd taariikh u baahan in baal dahab ah lugu qoro.

Ardaydii jaamacadaha , machadyada iyo iskuulada dhiganaysay ayaa ah kuwa dareemi kara qiimaha uu baraarugaas u lahaa jiritaankeena ummad ahaan, sababtoo ah ka hor fahamkaas diinta inay tahay manhaj iswata oo nolosha qeyb walba uga jira ma aanaan lahayn, oo iyadoo aan tukanayno oon soomayno ayaa hadana wixii la rabo la sameyn jiray.

Wuxuu baraarugaas keenay inuu meel walba oon cag dhignay Australia ilaa Alaskauu noo raacay inagoo ummad diin wadata ah, wax yaabaha aadka iigu soo noqnoqda waxaa ka mid ah tolow haday Qac du dhici lahayd oo la qixi lahaa iyadoo gabdhaheenii ay weli dirac guntiino iyo garays xiran yihiin wax ma inaga badbaadi lahaayeen. Ma heli lahayn dhalinyaro caruurta quraanka noo barta, culimo masaajido noo dhisa iyo suxbo fiican oo wanaageena iyo sidaan diinteena u ilaashan lahayn nagala talisa, iwm. ????

Maxaa hadaba keenay dadkii dadaalkaas bixiyay oo khatar badan u babac dhigay siday baraarugaas jiritaankeena muhiimka u ah noo soo gaarsiiyaan, welina nala daba taagan muxaadarooyin, mu’tamaro, websites cilmiga iyo wanaaga ummada u sheega in loogu abaal gudo aflagaado, tuhun, iyo kadaroo dibi dhale gaaleysiin. War ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, waxaan ognahay xadiiskii nabigeena NNK “qofkii aan dadka u mahad celin Illaahayna uma mahad celiyo”. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Af wax cunay xishoo”, waxaana hubaal ah hadii qofkii luqmad ku siiyay laga xishoonayo  waxaa mudan midkii risaaladii aad if iyo aakhiro ku badbaadi lahayd kuu soo gudbiyay inaad ixtiraamto. Wuxuu yiri nabigeeni suubanaa NNK “ Illaahay qadarintiisaa iyo weyneyntiisa waxaa ka mida in la karaameeyo oo la sharfo qofka Islaamnimada ku ciraystay iyo qofka qur’aanka xambaarsan.

W/Q: C/qaadir Jaamac.
ajama1969@gmail.com

 

 

 

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Jazaakallaah walaalkay, Ilaahay hana garansiiyo inaan culimada ixtiraamno oo aan waliba u ducayno intaa ka shaqayn lahayn waxyeeladooda. Ilaahay culimada hanoo xifdiyo dhamaantood, cilmigoodana hanagu anfaco, Allaahuma aamiin.

Leave a comment

*