Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay? W/Q Cubtan Yuusuf

January 17, 2012 - Written by

Qormadatani qorideedu waxay igu dhalatay ka dib markii aan arkay qoraal qaab gabay ahaan ah u qoran oo uu leeyahay nin isku magacaabay “Abuu Faadumo”. Qoraalku wuxuu ku soo baxay shabakado ay mid tahay Soomali midnimo, kaasoo uu qoraagu ku ayidayey wax loo ekaysiiyay bayaan ay ururka Al-shabaab kaga jawaabayeen eed ay Beesha Leelkase u soo jeedisay ururkaas inay ka danbeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Abdirraxman. Bayaanka sixadiisa ma hubo mana wato wax cadaynaya inuu ka yimid dadka talada ururku ka go’do, wuxuuse u’egyahay wax ay soo farsameeyeen qolooyin aan oran karno gar iyo gar darraba ururka Al-shabaab bay garab taagan yihiin, ulana mucaamala falkooda iyo qowlkoodaba sidda waxyi samada ka soo degay. Bayaankaas markuu soo baxay isla markiiba Abu Fadumo sidii caadada ahayd wuxuu ku ayyiday gabay uu ku magacaabay “Diktoorkii waxaa gowracoo gooyay ruuxiisa galbeed iyo amxaariyo shuftada reer garoowaahe!”

Halkaan ka Akhir Abu Fadumo Nasiixa ma mudan yahay

Cubtan Yuusuf
cubtanyusuf@yahoo.com

24 Comments so far

Leave a comment

  1. asc manshalaah aad baan waxana ugu mahadcelinaya walaashay cubtan yuusuf maanshalah hadal murtiyaad ugu jawaab tay abuu faadmo wataciya haa udunn waaciya ilaahay haddu hanuun ladoodanay haso hanuusho

  2. Ninka la baxay Abuu Fatima waa takfiir jald ah weliba qabiiliste ah.

    Waa raggi. Wuxuu ka mid ahaa raggii Barre Huraale maleeshiyada u ahaa.

    Akhriya sida uu ninka dirir la yiraahdo ugu gabay ama uu raddiyey.

    Beesha Leelkase ninkan waa inay dacwad ku oogaan waayo wuxuu dhayalsadey dilka sheekha Dr Axmed Xaaji Abdiraxman isaga oo difaacay gacan ku dhiiglaha Godane.

  3. aad ayaan usalaamayaa walaashayda qaaliga ah ilaahay ajir iyo xasanaad ha kaa siiyo qoraalka qiimaha badan ee aad diyaarisayay suugaantuna hadii ay difaac u noqoto diinto waa wax aad u qiimo badan wcww

  4. Webka afka alshabaab ku hadla ee somalimemo bay war gacan ku rimis ah oo cubtan ku radinayaan soo galiyeen, gabar magaceedna way sheegteen. Wallee kuwii al shabaab u daba dhilifneyn jirey warkoodu iyo xaalkoogu waa gabal,dhacsi

  5. Masha allah tabaaraka llaah. illaahay ha barakeeyo walasheen cubtan runti حجج دامغة ayey dusha ka saartay ninka majhuulka ah ee abu faadumo wata. waxaan oran lahaa ninkaas gabdhu waa ka gar leedahay ee ninyhow alle horta u towbad keen qoraalkedana jawaab rasmi ah ka baxi haddi kale ogow in calaamad su’aal waligaa ku saarnaan doonto! masha allah ayaan markale leeyahay gabdha maqaalka so qortay walaasheen cubtan illaahay haka abaal mariyo.

  6. tuug la qabtey talo maleh
    Walahi cubtan walaalo waad laheshey lkn hala yaabin oo waa dad laqabtey dhinac walba ay damceen iney isku bariyeelaan ba waalagu qabta :
    – dilkii dr axmed wey inkireen waalagu fashiley jawaab baa laidin kasugeya baa lagu yiri
    – bayaan bey soo saareen oo hal ruuxna ku saxiixneyn .
    – hadana ninkan abuu fadima la magac baxay gabey soo dhodhobey o aan ku saleysneen diin caqli cilmi iyo cadaalaba .saa gabar kheyr qabto ah buu ale usoo direy oo sii aad u caqli iyo cilmi badan ugu jawaabtey alow ku xifdi cubtaney
    Niamanku waxba yesa been dhoodhobin dadki somaliyeedna wey idin qabteen tii alena wey dhimatahay alow na astur .

  7. Assc.
    Horta ninka la baxay Abu Faaduma waa khashiin an waxba ka aqoon diinta Ilaahay (swt).Waayo ninkaas iyo kuwo la midu waxay u qabaan kii la baxaaa Abu Hebel ama Abu Heblaaya in uu Shiikh noqonayo ama uuba mar hore Janadii loo diyaarshey.Badaawidu ma oga dadkii u horeeyey ee baxshey Abu in ay ahaayeen Carab hore ee an diinba haysan.
    Waayeel75.
    WSC

  8. Asc Maashallaah waxaan aad ugu farxay maqaalka cubtan waxaan allaah ka baryayaa in uu noo badiyo cubtan iyo amthaasheeda AAAAAMIN,
    walaal cutan waad asiibtay waxaad badisaa qoraalka noocan oo kale wa jzk

  9. masha allaah cubtan ukhtii waa u naseexaysay hadii uu wax ku qaadanayo. ninkan abuu ah.

  10. Inaad magaca gadaal dhigato ood kunyo ku geeraarto
    Oo gantaalada weerarka ah muslimka gowda kaga saarto
    Gar Ilaahay maahane ninyahow geesinmo muuji
    Oo magaca kuu gaarka ah golaha how diidin
    Amase inaad gar daran tahay ogow oo gujada jooji.
    walee kii Abu faadumo ahaa gabadh baa meel saartay rag ba loo raadin maayo gabdhahaa ku filan fulay yohow geesinimo muujo oo magacaaga meesha soo dhig tuug baa is qar qariyee kolay tuugaa kaa roon saan aaminsanahaye

  11. Wallaahi way la heshay,

    Marka hore waa la gar-naqsadaa, Alshabaab waa la eedeeyey, waxaana loo hayaa cadeymo in ay wadaadka Dr Axmed dileen, waliba waxaa gacanta lagu hayaa raggii dilay oo aan hadal ahayn ee iyagu qiraal ah.
    Haddaba maxay warqad rasmi ah oo xafiiskooda ka soo baxday ugu yaraan u soo qori waayeen oo ama ay ku inkirayaan ama ku qiranayaan waxa foosha xun ee ay sameeyeen? maadaama ay ku aamuseen waa qiraal baan u fahmay.
    waa maxay dadka qarsoon oo magaca aan la aqoon wata oo weli difaacaya Alshabab,oo marna tix marna tiraab ku difaacaya, ma amniyaadkii wadaadka dilaybaa weli hadlaya? oo iyagaa lagu yaqaanay inay is qariyaan oo Muslimka intay masaajidka kula tukadaan hadana dila,ama qarxiya, oo hadana jinaasadiisa ku tukada oo wax ka aasa.
    Aniga waxan qoraalkan gabadha ku diiday baa jira oo ah “maxay reerku cadaynta u dhamaystiri waayeen” war haddii ay ku dheheen waa noo caddahay, oo dadkii dilay iyo kuwii qorsheeyay gacan lagu hayo maxaa kuu dhiman ood sugaysaa?

  12. أسأل الله أن يوحد صفوف المسلمين في الصومال و خارجها، اللهم أعز الإسلام و المسلمين . انصح الأخ ابوفاطمة ان يقبل النصيحة

  13. السلام عليكم

    ما أدري كيف أستفتح التعليق، صدقوني إن القلم ليعجز أن أعبّر مدى سروري بالكاتبة عبتن يوسف، إنّها فذة من نوع عيار الثقيل من حيث كلامها الجذاب وتعبيرها القلّاب، إن كتابة عبتن تأسر العين قبل القلب، وقد منحها الله بحسن سياقة الكلام وعفة اللسان وعرض الموضوع بشفافية عالية، إضافة إلى ما يوحِي كلامها من فقه ظاهر في الدين، فجزاه الله تعالى خيراً وجعل الجنة مثواي ومثواها، أما ما يتعلق بأبي فاطمة أقول له إن كان حراً يفهم فحوى كلام الأخت ليس لك عذراً عند الله فقد نصحت لك الأخت وبالغت في النصيحة ، فلا ينبغي أن تقف ما ليس لك به علم، ولن ينفعك أمام الله تأييد حزب ومن أجله تتهم قرية كاملة ووصفتها أنها من عصابات المافي ، فتدارك قبل فوات الأوان وتب إلى ربك قبل الموت. والسلام عليكم.

  14. Salaamu Calayku
    Walaashay Cubtan alaha sabar siiyo kuwa Dilay Dr Ahmed waa afduubnaayeen kuwa ku qoray website(Somalimidnimo) ee yiri haloo diro amniyaadka culumada Icitsaam ka dib shirkii Baydhabo waa wada abu waa balaayo gaalo soo dirsatay qaniinyo qaniinyo baa kaa fujisa walaashay cubtan is cadee in ay yeelaan ha ka sugan ee ha la iska cesho nimanka .

    Laakiin Su,aasha is cadee hadii lagu badsho sidii Abuu Zakiriya Al-Qacqaac baa mudo looga nasan markuu radiyey Sheekh C/raxmaan Abyad Xafidahulaah Muftigoodiina Xasaan waxaa aamusiyey radigii Sh Abyad aan ka dhageysanay Halgan.net alaha idin xifdiyo dhamaantiin

    salaamu calaykum

  15. afkaaga caano lagu qabay cubtan waad asiibtay gar waa loo islaam hadii la isu garaabayo hadalku waa go, an yahay aftaham nimada iyo abwaanimadaada lala yaabi maayo maadama aad tidhi dr axmed ilaahay ha u naxaristo eh baan isku qoysnahay abuu faadumo baa jawaab laga sugayaa amba in badan oo hore la hadlay walaw aanan jawaab ka helin dr dilkiisa shabaab baa ku eedaysan dadna waa loo qabtay sifo rasmi ahna kuma aysan beenin wixii cilayna ilaahay calaamado dag dag ah haka muujiyo mar aan habaarayay gacan ku dhiig lihii dilay baan idhi :
    HA GO, EEN GACMIHII GADHAY EE GUMACA LEEF SIIYAY
    HA GARIIRTO GACAN TAAS GURACAN MIDIGTU HA GORFOWDO
    MIDKII GANAY MIDKUU GACAN KA HELAY FEKER KA KII KEENAY
    HA GABLAMO ADUUN YADA NAFTAAS NAARTA HA U GUURTO

  16. Cubtan khayr allaah ha siiyo cilmi iyo caqli ayay kulansatay iyo waliba degenaan, sidaas ayaana la doonayaa in shay walba lagu eego miisaan wanaagsan ee aan la iska ordin sida majhuulka gabadhu ka hadashasy, runtiina haddii uu abuu faadumo dareen yar leeyahay waxaa la gudboon inuu tawbad keeno sawaabka iyo caqliga saxda ahna uu u laabto, waxaanse u badinayaa in taageerayaasha shabaab ee indhaha la’ arintoodu tahay Walaakin Laa xayaata liman tunaadii

  17. a.s.c. illaahow qalbigeeda qabooji oo fidna aduun iyo mid aakhiro kabadbaadi,waan ku farxay qoraalkaaga wax badan gabdhe heena ayaa ka garasho badan rag badan oo maanta wax is moodey,iloobey in wax ay sameynayaan lala xisaabtamidoono,wallaahi inaan sii jeclaano culumadeena ma,ahane in aydaan nagu diri karin,waxaan u hadiyeynaynaa wiilasha aan dhalney wallaahi hadii alle idmo waxaan jeclahay inaan ugeeyo wiilasheyda culumad si ay ugu qidmeeyan,una difaacaan,ana aangarb istaago wax walbo oo aan hayo,bi,idni llaah,

  18. Jazaakallaah ukhtanaa al faadilah,runtii waad u naseexaysay ninkaas iyo kuwo badan oo la mida haday wax ku qaadanayaa. Ilaahay Sheekha samir ha inaga siiyo, wax walban sabir ayaa looga bixi karaa,Ilaahayna madayaco Sheekheenii oo waxaan uga rajaynaynaa inuu Allaah hoygiisa iyo keenaba ka dhigo janatul firdows al-aclaa aamiin yaarabi.Dadka noocaana walaal in badan oo ka mida qabiil ayayba ka tahay iyo dad nacayb sida hadalada uu qoray ninkaan hadalka uu ugu gafay dadka Muslimka ah oo reer Garoowe oo ayaguba ka mid ah dadka sheekhu ka dhintay.Waxaa kale oo jira kuwo diinta inxiraaf ka galay oo u arkaba dadka soomaalida oo dagaala ama dhib ku dhacdo inay la mid tahay gaalo dhibkooda laga nastay, subxaanallaah. Ilaahay waxaan ku baryaynaa Fii asmaa’ihil xusnaa wasifaatihil culaa inuu culimada hada joogta oo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ugu horeeya iyo culimada kalba noo xifdiyo, sidoo kale inuu naga kaafiyo sharka daalimiinta meel kasta oo ay joogaanba, Allaahuma aamiin.

  19. Salaamu Calaykum

    Walaasheen Cubtan alaha ka samarsiiyo Sh Dr Ahmed anaga iyo iyadaba waxaan leeyahay sabara ehelka oo dhan alle wuu kashifi doonaa kuwii dilay Dr Ahmed aduun iyo aakhiraba kuwa la baxay Abu waxba yeysan aakhiradiina idinka haligin waa belo jaan oo aan la aqoon wax dhalay gaalo ahaa xitaa lama oga.

  20. Salaamu Calaykum

    Mashalaah Cubtan Yuusuf alaha ku xifdiyo Gabdho Ictisaam ah baa ku durduriyey reer Abuu walee war baa taagan .

  21. Alleylehe waa gar hadalka cubtan:

    ma xammili karto quluubta muslimiintu waxyaabo badan oo dulmi ah oo maanta ka dhacaya caalamka islaamka kuwaas oo ah in dersindersin loo laayo oo laysu dulsaaro dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, amaba si keli keli keli ah dhiigooda loo daadiyo ka dibna taas lagu sheegto in ilaahay loogu dhowaanayo, waliba dadkii dhulka ilaahay korkiisa ugu kheyrka badnaa sida culimada iyo ducaadda.

    Waxaase wax waliba ugu daran in dulmigaas isaga ah qaar ka mid ah dadka loogu dawgalay marka falalka caynkaas ah geystaan halkii ay ka garaabi lahaayeen amaba dimadooda ka bari yeeli lahaayeen ay inkiraad qac ku siiyaan iyadoo wax waliba iska cad yihiin…lalaba yaabi maayo in ninkii wax dilayi inkiro wixii uu geystay oo awal baa gacan ku dhiigle aan alle ka baqeyni aan looga fadhiyin in uu qirto wuxuu la yimid, laakiin waxa la yaabka iyo amakaagga leh wuxuu yahay nin sheedda sare kasoo boodayi oo lagaba yaabo inuusan xaalkan la soconin uu si indho la,aan ah u difaaco ninkii dambiilaha ahaa ee jariimada uu geystayi iska caddahay.

    bal u fiirso sida walaasha cubtani sheegtay ninka la baxay abuu faadumo ee isagu iska dhexbatalakhsada waxyaabaha ururka alshabaab ka dhexwadaan bulshadaan soomaaliyeed ee dhibbanaha ah wuxuu dhaar ku maray in wax walboo alshabaab geystaan gar iyo gardarraba uu ku taageero oo wax gabay ku sheeg ah uu la garab istaago, kaaga darane wax dhab ah oo xaqiiqo ah haduu ku taageero maxaa kaa dhici lahaa waxaa la yaab leh in waraaqdii been abuurka iska cad ahayd ee lagaba yaabo in uu isagu soo mudiifikeeyey ee lagusoo dhex daadiyey baraha internetka ee aadka looga taageero ururkaas uu wixii ku qornaa ka muujiyo taageero, waxaana taas la oran karaa wixii carabtu dhihi jirtey “xaadibu-leyl” taasoo macnaheedu yahay nin habeen xaabo amaba( qoryo) guranaya macnaha ninkaas si indho la,aan ah ayuu wuxuu doono mugdigaas u gurubsanayaa oo uu xaabo moodo iyadoo xataa laga yaabo in uu mas iska jiifo xaabo moodo oo qaato oo naftiisaba khatar ku geliyo.

    hadda abuu faadumo waa kaas oo kale mase oga sida ka muuqata, bal ka warrama marka hadii qofka uu difaacayo uu jariimadaas geystay sida cubtanba sheegtay, saw taasi ma ahan nin doonaya in uu qof daalim ah oo gacan ku dhiigle ah difaaco, maxaase uu kaga jawaabayaa marka alle uu aakhiro uu hortago oo uu la weydiiyo difaacaas isaga ah, muxuu kaga jawaabi doonaa duudsinta uu walaal muslim ah oo bari ah dhiigiisii duudsiyey…waxaan oran lahaa maalin ayaad abuu faadumow ka jawaabi doontaa waxaad maanta si indho la,aan ah u taageeraysid..

  22. Salaamu Calaykum

    Aad baan ugu mahadcelinayaa walaasheen Cubtan samar alaha naga siiyo sheekh Dr Ahmed Xaji waxaanse aad ugu farxay sida qiimaha leh oo ay walaasha u xujeysay abu fatima oo aan la aqoon wuxuu yahay jini iyo insi waxaan oran lahaa kuwa isku dayaya in ay culumada nagu diraan walaahi ma awoodaan ee yeysan aakhiro seegi.

    Waxaan ku soo afmeerayaa gabayga iyo geereerka wad walaal cubtan diintna ugu hiili abu ha ku daalin nasiixo kaa qaadan mayaan.

    Waxaan Kaloo aad ula yaabay Reer Abu marka beel iyo maamulka Puntland isku dhacaan beesha waa ansaar maamulkana waa gaalo!marka maamulka S/land iyo beel isku dhacaana waa fitno iyo beesha is difaacday laba marka wax u dhexeeya ma leh in jahli hayo iyo in ay xaasidnimo ka tahay ?afeef ma aqoonsan labada maamul aan xusay laakiin qu,aan ha la saaro reer Abuu kkkkk

  23. asc ww cubtaney walaal jazaakillah wlhi rag badan oon anigu uhorreeyaad kacod karsantahay lkn waxaan kuroonahay cidna magardarreysto ninkaasna jawaab uqalanta ayaad siisay xaqiiqdiina waad kagar heli lahayd hadii geed guurti garyaqaan ihi joogto la,isugu kiin geyn lahaa midda kale waxaa gar ah in qof raba inuu dad dhan weeraro haddana magiciisa qarsaday layiraahdo geesinimo muuji oo ciddaad difaacaysaana hakugu tashato qoladaad kasoo horjeedana hakugarato lkn balloon ka automatic qoraalka usoo jawaaba wax kasooqaad malahan hadalkiisuna taariiq magalo calaa kullin cubtaney walaal waad asiibtay sh axmedna samir iyo dhammaanteen alle hanagasiiyo wassalaamu caleykum

  24. scw

    waxaan aad ug ducaynayaa gabadha qortay maqaalkaan oo aan u arko gabadh isku darsatay cabqarinimo suugaaneed iyo mid diin allaha ku dhowr ee ku wada gabayada iyo geeraarka inta ay ka shifmayaan kuwa ku qaraabta magacyada lagu raad gato ee Abu Abu nin magaciisa ka baqay wax islama hayo walee allaha dhowro walaasheen Cubtan Yuusuf
    ws

Leave a comment

*