Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo hadlay dagaal ka socda Muqdisho

January 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda  ayaa saaka waxaa uu shir jaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka Aaden Cadde waxaana uu ka hadlay dagaal culus oo ka socda magaalada Muqdisho, Mr.Ankunda ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay qabsadeen Qabuurihii Barakaat iyo jaamacadda Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM,  Paddy Ankunda  ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay ku sugan yihiin  qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho oo uu sheegay in ay xaruma u ahaayeen Ururka Al-Shabaab .Paddy Akunda Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray ciidamadiisa ay gaarayaan laba askari oo dhaawac ah.

Guusha uu sheegtay Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Akunda ayaa waxaa meesha ka saaraya wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegaya in ciidanka Al-shabaab ay weerar rogaal celin ah ku soo qaadeen ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM uuna ilaa haatan uu wili socdo dagaal culus.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online