Al-shabaab oo dagaal culus oo rogaal celis ah ku qaaday ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM

January 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-War uu goordhow na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabaab  ay soo qaadeen dagaal  aad u xoogan oo rogaal celis ah kaasi oo sababay in dib loo soo baacsado ciidamada AMISOM & kuwa DFKM.

Dagaalkii saaka ayaa waxaa u suurto gashay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay galaan  Suuqa xoolaha iyo xeradii Maslax .Dagaal culus ayaa haatan waxaa uu ka soconayaa  inta u dhaxaysa Suuqa Xoolaha & Huriwaa gaar ahaan agagaaraha Isbitaalka SOS & Warshada Baastada iyo goobo badan oo ka mid ah Jidka Warshadaha.

Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic xoogan ku garaacayaan goobo badan oo ka mid ah goobaha uu dagaalka ka socdo waxaana socda dagaal culus oo ay qolo walba rabto in ay goobo ku qabsato.

Wariyaha Halgan.net ayaa waxaa uu xiriir la sameeyey mid ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab waxaana uu u sheegay in uu dagaal socdo wixii faahfaahin ahna ay soo gudbin doonaan saacadaha soo socda.

A/Cawale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Ilaahoow khilaafkayagii wuubatay,cadaw oodhamina wuu isugu kaaya yeedhay
    ilaahoow raqdayadiibaa meelwalbataala ,qaxootinimo ayaanu caalamka buuxinay,gaalo ayaa naguwiirsatay,kuwii muslimiinta ahaana mujrimiin baa madax u ahoo waxba nooguma filla,ilaahoow nagasaar dulliga,ilaahoow quluubtayada isu soojeedi oo xaqa nagu midee.Ilaaahoow kuwa noogu khayrka badan madax nooga dhig.Wixii umada dhib larabana naga qabo.
    Aamiin

  2. Ilaahoow ugargaar walaalahayo wixiikaqaldana utoosi
    Aamiin

  3. Qof masaajid Allah kusoo tukaday salaad subax nimanka in la dilo jahaadka ka dhiganaya guulaysan mayaan, runtii ASW wuxuu amray in diinta islaam ka lagu dhaqmo, waana waxa ugu fiicxan oo lagu dhaqmo, marka ninka jecel shabaab diinta allah ayuu kasoo horjeestey, sababtoo ah qaabka ay u dhaqmayaan diin asal kuma lahan, qoribaan haystaa oo waan dilayaa ninkaan i maqal ama ii sacabin diin mahan, maxaa dadka au u laynataan habeen iyo maalin, mise wiilasha xunxunka dadka somaaliyeed bay diinta ka badiyaan, mise diintu tii Allah ma ahaan ee waaa mid cusub oo ay jeebka ku wataan, ninka taageerayoow laba jeer fakar oo dib u istaag oo wax hubso nimankaa waa Takfiir allah dadka u soo direy, waxay rabaana lama yaqaan, qofka muslimka ahi hadii qof muslim ah ay arin isku qabtaan waa wada fariistaan, oo allah u nqodaan, oo xal diinta ka raadiyaan, maba ogola in lala hadlo, anaa qori haysta ama maleeshiyo hubaysan baan kugu dilayaa, islaamku waa xal, ayagauna xal ma hayaan, mara saas ku faham inaysan islaamnimo wadin.

  4. takbiir alaahu ahu akabra gaalo iyo murtadiin manta wajabtey halgan saas ku wad

Leave a comment

*