Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii lagu qaaday Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid

January 31, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Afhayeenka dhinac howl galka Ururka Al-shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu-Muscab ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday Taliyihii hore ee ciidanka Booliska DFKM Col.Cabdi Xassan Cawaale Qayb diid kaas oo ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliyaaan Maamulka Galmudug. Sheekh Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka uu fuliyey mid ka tiran ciidamada Al-Shabaab gaar ahaan guutada Istishhaadiyiinta kaas oo weerarka ku qaaday guriga uu ka deganaa Gaalkacyo Col.Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

Afhayeenka Al-Shabaab Abu Muscab ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu  khasaare ballaaran ka soo gaaray Ciidankii Cabdi Qaybdiid iyo guriga uu deganaa. Al shabaab waxay beeniyeen in ragga weerarka fuliyey ay ahaayeen labo nin, waxayna sheegeen  in uu qaraxa fuliyey hal nin oo ka mid ah guutada Istishhaadiga halka Col.Cabdi Qaybdiid u sheegay in weerarka ay soo qaadeen laba nin mar uu wareysi siiyey idaacada VOA-da .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online