Askari ka tirsan ururka Al-shabaab oo dad rayid ah ku dilay degaanka Ceelasha Biyaha

January 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya saaka degaanka Ceelasha Biyah ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka ururka Al-shabaab uu tacshiirada ku furay dad rayid ah iyadoo halkaas ay ku dhinteen ilaa 4 ruux  halka 2 qof oo kalena uu soo gaaray dhaawac ,ilaa hadda si rasmi ah uma cada sababaha uu asakarigaan uu rasaasta ugu furay dadkaan rayidka ah.

Askariga ayaa la sheegayaa in falka uu geystay ka dib xili uu doonayey in uu  kala cayriyo dad la doonayey in laga raro laamiga Suuqa ceelasha biyaha  ka dibna rasaastii uu riday ay haleeshay dadkaan rayidka ah, Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ku sugnaa goobta xiligu falka uu dhacay.

Xaalada Suuqa ayaa deganaasho ku soo laabatay  ka dib markii ay ciidamo kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay soo gaareen goobta waxaan ay gacanta ku dhigeen askarigii rasaasta riday  iyagoo xabsiga dhigay, dadweynaha ku nool ceelashga biyaha ayaa dhowr jeer oo hore ay shaqaaqooyin dhexmareen askar ka tirsan ciidanka Al-shabaab oo iyagu fulinayey amaro ay u soo dhiibeen madaxdooda oo ku saabsan aruurinta sakooyinka  iyo in dadweynaha laga raro goobaha u dhaw laamiga Suuqa ceelasha Biyaha.

A/Cawaale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. A.S.C.JASAAKA LLAAHU KHEYAR,KUWII WAX MAQLA AALAHA NAGA DHIGO.DARDAARANKEENU WAA ISKU XIRNAAN IYO WAX MAQAL.DHALIN YARADU WAA IN AY KA DANBEEYAN CULUMADA, CULUMADA WAA IN AY WAREYSTAAN DHALIN YARADA,WAX AY TAGFIIRKA KA FAA IDEYSTEEN KALA FOGAANTA DHALIN YARADA IYO CULUMADA,MACLINKA WAA IN UU ARDEY DIISA LASOCSO DAA,

  2. Inalilaah wa inaa ilahay rajucuun, waa arin ka mid ah arimihii naxdinta iyo foolxumadalahaa ee ay ku kacayeen,dadka dhiiga islaamka sida cad u baneystay,markii hore waxaa la lahaa AL-SHABAAB waxay la dagaalamaysaa,dowlada KMG iyo itoobiyaan IWM,ku tagrifalaya dalka iyo maatada somaliyeed waa sida qowlkoodu nagu soo garijiray.

    Qoolkii sidaa ahaa maanta waxuu isu bedelay in dadkii rayidka ahaa iyo culamadii islaamka ee somaliyeed lagu dilo meel kasta laguna ugaarsado
    meel kasta oo lagu meleeyo, dhiigooda ay xalashadaan AL-shabaab.
    Ilaahay ha loo noqdo ha laga dhawrsado af iyo adinba fitnada ka socota somaaliya,sida culumadu inoo sheektay,oo aynu noqono kuwa adeeca oo dhawra sharafta, culimadooda somaaliyeed lbaabka toobadu Alle waa mid furan ilaa qablu geeri, ILAAHOW nuuri wajiyada culumidda Aakhiro iyo aduunba (AMIIN)
    xisaabina qof waliba weysugeysaa.

    Intaa ka dib waxaan rabaa inaan soo koobo dadkii ilaah ugu bishaariyey janada iyagoo nool shan ka mid ah, shantii (Khlaliifu- Rashidiin R.C.Wa’ardaa) halka ay ka taagnayeen Alle Cabsidiisa iyo maalinta Aakhiro, iyagoo og in Alle ugu Bishaariyey janno
    .
    KHOOFKII(AMA CABSIDII SAXAABADA)

    ABUUBAKAR AL SIDDIIQ(RA): Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: ” Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu’min ah”, saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa. Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: “haadaa Alladii awradanii almawaarid” (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).
    Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: ” ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW” (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa: ” WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA’ ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH” ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la’aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: ” Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen”(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!.

    CUMAR BIN AL-KHADDAAB(RA): Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suuradda 52-aad ee qur’aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!.
    Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: ” Wiilyohow madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay arrintaan darteed iigu naxariistee”, Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan: “BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII” (Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) isaga ayaa isula jeeda hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA).

    CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA): Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oodhammi uu kaqoyi jiray, maalin maalmaha kamid ahna wuxuu yiri ” Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid”, cabsi uu Alle kabaqayo ayuu saas uleeyahay saxaabigu!.

    CALI BIN ABII DAALIB(RA): Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali Alle ka-cabsigiisu laba arrimood ayuu kusalaysnaa, labadaas oo kala ah:
    YIDIDIILO DHEER & HAWADA RAACIDEEDA oo uu cabsi kaqabey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas sifaynaya: ” Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan, Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay, marka kudadaala inaad kamid noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto, barrina waa maalin-xisaab oo camal majiro”

    Mammed AA

Leave a comment

*