Batroolka Puntland waa guul u soo hoyatay Soomaali oo dhan

January 23, 2012 - Written by

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadib dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba waxaan leeyahay iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Soomaalidu waa ummad walaalo ah oo isku diin ah, isku af ah, iskuna dhaqan ah oo si ay u kala baxeyso aysan jirin. Way jiraan arimo baddan oo niman siyaasiyiin isku sheegayaa ay si qaldan u isticmaaleen, mana aha taasi mid nakala fogeynaysaa. Qofka siyaasiga ah si uu u gaaro hadafkiisa wuxuu jecel yahay in uu mar walbaa adeegsado kaarka uu isticmaali karo. Soomaalidu waxaa la ogaaday in kaarka qabiilka uu ka gadmaayo marka kaasaa si qaldan loo adeegsaday. Waxaad arkeysaa in dadkii leysaga dhigay bahalo oo ayan isu gudbi karin. Ogoow Soomaalia meel walboo nabad ah waa dalkaagii oo cid kaa xigtaa ma jirto.

Puntland markii la asaasay oo ay yeelatay nidaamka iyo kala danbeynta waxaa ka faa’ideystay soomaali oo dhan meel walba ayeey isaga yimaadeen oo maanta waxa ay ku leeyihiin ganacsi ballaaran, oo wey ka shaqeystaan, sidoo kale systemka ayeey galeen oo la shaqeyaan. Haddii aad u fiirsato magaalada ganacsiga ee Boosaaso waxaa maanta ku nool dad kor u dhaafay hal malyan oo qof, dadkaasi waxaa la yiraahdana 40% waxa ay ka kala yimaadeen koonfurta soomaaliya, gobolada dhexe iyo waliba galbeedka Soomaaliya iyo waqooyiba. Dadka tiradaas la’eg wax walbaa ayeey isugu jiraan. Haddaba iyadoo taasi jirto in ay dad tiro yar oo dantooda gaar ahaaneed eegaya oo jecel Soomaaliya in ay sidaan sii ahaato in la dhegeysto hadalkooda ma banaana oo waxaa wanaagsan qof walboo in aad aragtidaada xor u ahaato oo aan walaalahaa qalad lagaa fahamsiin.

Ceelkan batroolka ee laga qodayo Dharoor valley oo gobolka bari ah waa nimco u soo baxday Soomaali oo dhan haddii uu noo soo baxo waa wax innaga baddan oo maaha wax cid u gaar ah.  Innaga iska daayee waxa ay fursad u noqon doontaa ummado kale oo fara baddan oo xitaa waddamada dariska ka yimaada. Marka waa arin u baahan in lagu farxo oo maaha in loo arko threat ama wax u gaar ah Puntland. Waa hantidaadii waa ceelkaagii ee inaad ku faraxdo mooyee maaha in aad gaar uga xumaato., waa guul Soomaali oo dhan u soo hoyatay una baahan in Allaah loogu mahdiyo. Soomaaliyeey haddaan tusaale yar idiin siiyo waagii khaliijku uu ka dilaacay batroolka innaga Soomaali ahaan waad ogeydeen sidi fursadda loogu helay oo loo shaqo doontay taasoo dhaqaalihii dalkeenii uu hal mar is badalay waad ogeydeen sidi magaalada Xamar iyo magaalooyinkii kaleba ay u dhismaan, waad ogeydeen janaalayaashii meel walbaa qabsaday. Haddaba ka warama haddii taas ay dalkaadii kaaga dilaaccdo.

Waxaan u mahad celinayaa marka hore Allaah kadib waxaan leeyahay waxaa mahad ballaaran iska leh madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Cadde Muuse iyo kooxdiisii oo markii ugu horeysay fikradan ka danbeeyay illaa haddana la shaqeeya. Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo runtii ay arintaasi ka tarjumayso sida uu u soo bandhigay maamulka wanaagsan isaga iyo golihiisa wasiirada. Hanbalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo waxaa Allaah ka baryeeynaa in uu riyadaas run nooga dhigo oo saddexdaas bilood ee la qabtay ay noqoto mid uu noo soo baxo ceelkaas iyadoo waliba aynu rajeynayno in Soomaaliya oo idil nimcooyinka noogu jiraa uu noo soo baxo.

Guul Soomaali, guul reer Puntland iyo maamulkodaba.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online