Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay la wareegen magalada Muqdisho

January 20, 2012 - Written by

Dagaalo culus ayaa saaka ka qarxay  qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyadoo dagaalka uu u dhexeeyeye ciidanka DFKM oo gacan ka helay kuwa AMISOM iyo ciidanka ururka Al-shabaab, dagaalka ayaa bilawday ka dib markii ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo wata Taangiyo ay weerareen Degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Dayniile.

Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadaha Waxaracade, Suuqa Xoolaha, Qabuuraha Bakaraat, Xeradi Maslax, ciidan ka AMISOM ayaa waxaa ay mdaafiic xooggan iyo hubka Taangiga ka dhaca waxaa ay la beegsadeen xaafadaha uu dagaalku ka dhacay oo ciidanka Al-shabaab oo tiro yar ay joogeen iyagoo dagaalkoodu uu ahaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Taliyaha guutada ciidanka madaxtooyada DFKM Col. C/laahi Caanood ayaa saxaafada u sheegay in dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho ay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay si buuxa ula wareegeen, Col. C/llaahi Caanood ayaa guul ka sheegtay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidanka ururka Al-shabaab ayaan ilaa hadda ka hadal dagaalka saaka ka dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, Madaxda ururka Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay shaaciyeen in ay bedeleen qaab kii ay dagaalka uga wadeen magaalada Muqdisho waxaan ay xuseen in sababtu ay tahay iyagoo doonaya in cadowda ay gaarsiiyaan khasaaro fara badan.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online