Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Buuhoodle oo la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo

January 17, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa la soo gaarsiiyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug qaar ka mid ah dhaawacyadii ku dhaawac may dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn oo ay ku jiraan dad rayid ah , dadkaan qaar ayaa waxaa guryahooda ku dhacay madaafiic la isku ridayey, ilaa 7 qof oo qaba dhaawacyo  kale duwan ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale duwan ayaa  dadkaan dhaawac ah uga hortgay duleedka magaalada Gaalkacyo iyagoo  u soo galbiyey xarumaha caafimaadka ee ku yaal magaalada, Issimo , waxgarad iyo dhakhaatiir ayaa la arkayey iyagoo  ku sugan Isbitaalka magaalada Gaalkacyo iyagoo xiligaas ay aad ugu mashquulsanaayaan daaweynta dadkii dhaawacu ka soo gaaray dagaalkii Buuhoodle.

Dadweynaha magaalada Galkacyo ayaa markii ay maqleen in la soo gaarsiiyey dhaawacyo laga keenay magaalada Buuhoodle waxaa ay ku soo xoomeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo iyagoo dadku ay aad u hadal hayeen dagaalka ka dhacay Buuhoodle sababaha keenay dagaal ka iyo khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Puntlland Maxamed Yuusuf Jaamac iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka oo booqday dadka dhaawac ah ayaa eedayn u soo jeediyey maamulka S/lland iyagoo ku eedeeeyey in dagaalka ay ku soo qaadeen magaalada Buuhoodle uu yahay mid isir sooc ah arrinkaasna aan la aqbalin karin.

Issimo , odayaal dhaqan iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntlland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa eeda dagaalka dusha uga tuuray dowllada S/lland iyaguu ku baaqay in laga fogaado  dagaakl dhiig badan ku daato oo aan wax horumar ah aan laga gaari karfin burbur iyo barakac mooyee.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asalama calaykum
    waxan aad ugu faraxsanahay walaalaha reer galkacayo siday walalahood u caweyeen ayana rabi ha cayo,waxaana naga dhexeeya somalinimo iyo wada dhalasho, taarikhduna way xusi. somalidiidkana waxanleeyahay manin xuduudii alle gooyey baa xuduud ingriis raadinaya cajiib!allow dabaqoodhi gaalo ha naga dhigin amiin.

  2. waa war lagu farxaa walahay waa dad yaqana cadalada iyo wallatinimada tixgelinaya naxarista illahay inagu yiri waatu yiri isu naxarista aan idiin naxariiste marka aadbay ugaranayan tixdaa illahay waxanugabaryaya dad ka kudhawacmay dagalka iuu cafimad buxa siyo inti kudhimtayna naxaristi jano geyo insha allah illahay hakalaqabojiyo dagalwiil kumadhashe wuu kunimanaya ee illahayo umadada sohadeey aaaaaaaaamiin

  3. Waa arrin in lagu amaano mudan dadkaa sida walaaltinimada leh dhaawaca usoo dhoweeyey. Waxay xagga allah kahelayaan ajar, kuwa dhaawacanina waxay dareemayaan islaamnimada iyo elehnimada lagu qaabilay.

Leave a comment

*