Dagaal culus oo udhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Huwanta oo ka socda gobalka Gedo

January 9, 2012 - Written by

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaaray ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo ay ka qeyb ka yihiin  diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobalka Gedo gaar ahaan deegaanka Lawiille ee gobolka Gobolka Gedo.Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidmada huwanta ay baritaarayaan ciidamada Kenya ay weerar soo qaadeen.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa haatan inta u dhexeysa Deegaannada Ceel Cadde iyo Dhammase dadka xoolo dhaqatada ah ayaa ka bara kacay waxaana ay ciidamada Kenya iska Ridayaan Madaafiic aan loo meel dayin.

Ciidamada al-Shabaab ayaa difaac culus la galay ciidamada Kenya waxaana ay dib u cesheen laba mar oo ay weerar soo qaadeen .Diyuuradaha dagaalka ayey miciin badaan ciidamada Kenya markii lagu jabiyey dagaalka waxaana warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net sheegayaan in 10 askar ay ka go,doomeen ciidamada Kenya 6 ka mid ah la dilay .

Wariyaha Halgan.net ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq xoogan iyo dhiilo colaadeed uu ka socdo gobalka Gedo waxaana ay bilaabeen ciidamada Al-Shabaab in ay isku geybiyaan kooxo yar yar oo dhabagal ku sameyn doona ciidamada Kenya .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. ikhawana kheyr ilahay ha idin siiyo saad gaalada duulaankooda usoo tebiseen watuu allee (yaa ayuha nabiyu jahidil kufara wal munafiqina waqlud calayhim wama waahum jahanama wa bisal masiir) ilahay wuxuu ina farayaa in gaalada lagu ad adkaado oo lagu qalafsanaadi iunshalah dadaala oo xisbiga alah tageera gaalo itoobiyaan yo kenya soo tebiya jabkooda yo halagooda ay wadankeena somlaiya kusoo qaadeen cadow gaamurka ah guul yo gobanimo wal ciztul lil islaaam

  2. Asc, Halgan.net aad ayey xaqiiqda ugu dhow yihiin, Aniga mar dhow baan dhulkii ka imid, waxaana maray dhulka, safarkeyga waxaan ka bilaabay Nayroobi-Kismaayo-Kamsuuma-Jamaame-Yoontooy-Ceelka Miidoow-Afmadoow-Banka Jiiro-Diif Soomaaliya- Nayroobi. waxaan joogay dhulkaas 55 habeen, Maleeshiyooyinka Soomaalida ee ay gaalada dabada ka riixayaan tabar malaha, niyadna ma hayaan, markaad waraysato sababta uu qoriga u wato? jawaabta waa Al-shabaabaa xukunkii naga qaaday, oo weli wuxuu aaminsan yahay inuu Dhul dad lee yahay qori ku haysto, uuna ku noolaado Beerihii xaaraanta uu ku haystay, Isbaaro, Kufsi, Dhac, iyo dilna ay soo celiyaan, laakiin dadkii deegaanada deganaa si nabad ayey ku joogaan, oo baakhaaradii, Xafiisyadii, Dekedihii, Beerihii, bay ka wada shaqaystaan, marka dadka gobollada koonfur degan waxay gaaladaan ugu soo duuleen oo madaafiic iyo diyaarado ugu garaacayaan nabdaas yar bay rabaan inay burburiyaan, inta badan waxa websityada lagu qoro ama koonfurta laga sheego waa been, oo anigaaba ka mid ah dadka wax xun inay jiraan ka aaminsan, laakiin xaqiiqda ayaan soo ogaaday, ka raali ahaada hadalkayga dheer. Asc

  3. asc walaalaha halgan waan idin salaamay salaan kadib waa wax lagu farxo qaabka aad usoo tabiseen warkan waxaana idinka muuqata inaad kaxuntihiin duulaanka cadawga ood jabkoodana kufaraxsantihiin waana wax aad uqiimo badan idaad saas yeeshaan allahna waxaan kabaryayaa inuu inna mideeyo cadawgeenana aynu meel uuga soowada jeedsano waad mahad santihiin.

  4. asc.waxaan islaha tolow walalaha halgan mawaxay qadidoonan wadadii ayqadeen war bahin badan oo soomali ah oo manta usacaba tumahaya kenya iyo itobiya maadama cinwaan kooda ay kubilabeen CIIDAMADA HUWANTA.walayaal kher allah idiinsiiyo sida mizaaman ee aad ugawarateen duulaanka qaawan ee dalkeena iyo diinteena lagusoqaaday lagusooqaaday,ان ماالمؤمنون اخوة.وقال النبي صلي اللةعلي سلم المومن للمؤمن كالبنيان يشد بعضة بعضا

  5. Ilaahow u gargaar muslimiinta meelasta oy joogaan. gaalona jabi.

  6. ASC Ninka wahaabiyada sheegtay,xageed ka keentay unisbasheegashadaan
    saaxiib magacan isticmaarbaa sameeyay si uu ugu kalaqaybiyo muslimiinta
    sheego selefinimo hadaad doonto, laakiin wahaabi meel aad kakeentay gran mayo boowe

  7. maansha allah, walaalaha ilaahay khayr haidin siiyo. waajibkiina diimeed ayaad gudanaysaan. ennaga ayaa isku ilaah iyo isku nabi iyo isku caqiido (wahaabiyo) ahee ilaahay sufuufteena ha mideeyo. hala soo wada duceeyo ikhwaanii.

    • ismaciil ereyga ah wahaabiyah sax mahaan akhii, raalina kama ahan culumada dacwada magacaas waayo sheikh mohamed c/wahaab caqiido cusub iyo dariiq cusub oo loo nisbeeyo ma uusan laheyn. caqidadiisu waxay ahyed tii salafka suuban.markha akhii iska ilaali erygaan oo kale inaad adeegsato. dheh caqiidah asalaifyah. ama caqidada ahlu sunah wal jamaca iwm musdlaxaadka fiican. midna ogow musdalxaan ah wahaabi ama wahaabiyah waa musdalax cadownmo oo cadogwa dacwada salafka suuban ayaa ku maga caaba culumada salafiyah. ereygaas waxa adeesgada shiicada iyo suufiyada markay rabaan iney dadka ka dhaa dhiciyaan caqaa’idkooda baadilka ah ayeey yiraahdeen wahaabi ha noqon, marka walal ka noqo. mid kale baa jirto oo iyana khatarteeda leh taaso ah, wahaab waa calam kamid ah magacayada alle. mana banaana in laga ishtiqaaqo erey koox ama madahab taasi waxay noqon kartaa ilxaad waayo magaca ah al wahaab mohmaed c/wahab lama dhaho ee waa magaca alle, allena magacyadiisa cid lala wadaajiyo majirto marka akhii allaha ku barakeeye sidaas u ogsoonow.

  8. wallaaha halgan waad mahadsantihiin runtii waxaad illaalisaan shuruucda warinimada. waxaan sidhaa u leeyahay idhinkoo raga qaar kala fikir duwan hadana idhinkuma arko inaad warka qarisaan.

  9. Mashallah halgan oo mar mar afka iyo uurkaba ka jihada Jazakumallahu khayr.

Leave a comment

*