Dagaal ka qarxay duleedka magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn

January 26, 2012 - Written by

Buuhoodle:- Dagaal xooggan ayaa waxaa uu dhawaan ka qarxay Deegaan lagu magcaabo Sool-joogto oo qiyaastii 30-KM kaga beegan dhinaca Woqooyi Magaalada Buuhuudle ee xarunta Gobolka Cayn , Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan S/lland oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay weerar ku qaadeen ciidamo beeleed ku sugnaa Sool-joogto taageersana maamulka Khaatumo State Of Somalia oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Tariikhiga ah ee Taleex.

Dagaalkan ayaa bilowday salaadii casar ka dib markii ay madaxda Maamul Gobolleedka Khaatumo State Of Somalia ay soo gaareen degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn¨, magaalada Buuhoodle ayaa ah mid aad u kacsan waxaan magaalada lagu arkayaa dad u badan dhalinyaro oo sita hubka oo magaalada dhex socoda. Warar soo baxay ayaa sheegay in khasaaaro ka dhashay dagaal ka uu yahay mid badan iyadoo ciidanka degaanka Buuhoodle ay ka dhinteen ilaa 3 askari halka 5-kalena ay dhaawacmeen, halka ilaa khasaaraha gaaray ciidanka S/land ayaa ilaa hadda la aqoon.

Masuuliyiinta Khaatumo State Of Somalia ayaa  saaka soo gaaray magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn waxaan ay caawa kulamo la qaateen Odayaasha dhaqanka degmada Buhoodle iyagaa ka wada hadlay xaalada guud ee magaalada iyo dagaalka ka dhacay.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online