Dagaal ka qarxay duleedka magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn

January 26, 2012 - Written by

Buuhoodle:- Dagaal xooggan ayaa waxaa uu dhawaan ka qarxay Deegaan lagu magcaabo Sool-joogto oo qiyaastii 30-KM kaga beegan dhinaca Woqooyi Magaalada Buuhuudle ee xarunta Gobolka Cayn , Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan S/lland oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay weerar ku qaadeen ciidamo beeleed ku sugnaa Sool-joogto taageersana maamulka Khaatumo State Of Somalia oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Tariikhiga ah ee Taleex.

Dagaalkan ayaa bilowday salaadii casar ka dib markii ay madaxda Maamul Gobolleedka Khaatumo State Of Somalia ay soo gaareen degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn¨, magaalada Buuhoodle ayaa ah mid aad u kacsan waxaan magaalada lagu arkayaa dad u badan dhalinyaro oo sita hubka oo magaalada dhex socoda. Warar soo baxay ayaa sheegay in khasaaaro ka dhashay dagaal ka uu yahay mid badan iyadoo ciidanka degaanka Buuhoodle ay ka dhinteen ilaa 3 askari halka 5-kalena ay dhaawacmeen, halka ilaa khasaaraha gaaray ciidanka S/land ayaa ilaa hadda la aqoon.

Masuuliyiinta Khaatumo State Of Somalia ayaa  saaka soo gaaray magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn waxaan ay caawa kulamo la qaateen Odayaasha dhaqanka degmada Buhoodle iyagaa ka wada hadlay xaalada guud ee magaalada iyo dagaalka ka dhacay.

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahayoow qalbigaanaga iskusoo dun, oo dhaxdaanada hagaaji,oo jidka wanaagsan nagu toosi,oo mugdiga naga bixo oo iftiinka noo bixi.aamiin.

    • Aaamiin, waa duco wanaagsan, rabi hanaga saaro is fahmi waaga,dagaalada, danaysiga, qabiilka iyo cadaw garabsigaba. Wax wax laga xumaado in ay maanta umaddii soomaaliyeed gobol gobol, dagma dagmo iyo qabiil qabiil usii kala bur burayso. Hadaba waxay ila tahay waxa kaliya ee maanta umada soomaaliyeed u soo celin kara qaranimadeeddii, midnimadeeddii iyo sharafteeddii in ay tahay shareecada islaamka.

Leave a comment

*